Sidee ninkan ugu suurto-gashay inuu liqo dhego qaali ah oo lagu eedeeyey inuu xaday, sideese lagu ogaaday

Xigashada Sawirka, Orlando Police
Haddii aad horey u maqli jirtay ruux ay booliska ama baarayaashu ka soo saaren calooshiisa daroogo uu liqay oo uu si sharci darro ah u tahriibanayey waxa aan qormadan ku eegayenaa sheeko taasi shabahda laakinse gebi ahaanba ka duwan.
Waa Nin lagu eedeeyay tuuganaimno nooceedu sareeyo magaalada Florida kaas oo liqay dhego Dheeman ah oo ah nooca qaaliga ah ee shirkada Tiffany, kuwaas oo uu xaday, dhegahaas oo qiimahoodu ka badan yahay nus malyuun dollar, waxa uu liqay daqiiqado ka hor inta aanay booliisku xabsiga dhigin todobaadkii hore.
Booliska magaalada Orlando ee dalka Maraykanka ayaa ninkan oo 32 jirka ah laguna magacaabo Jaythan Gilder ku eedeeyay inuu been u sheegay shaqaalaha shirkadda Tiffany & Co. ee dukaanka ku yaala Florida isagoo u sheegay inuu wakiil ka yahay "ciyaaryahan xirfadle ah", taas oo keentay in shaqaaluhu tusaan "dhowr qaybood oo qiimo sare jooga oo ah dheemanka iyo dahabka dukaanka yiilay".
Mr Gilder ayaa markaasi la sheegay in uu xaday dhegaha qaaliga ah wax yar ka dib markii uu kursigii uu ku fadhiyay ka booday, dheemankiina qabsaday isagoo damcay inuu xoog uga baxo albaabka dukaanka.
Mid ka mid ah dadkii dukaanka iibinayay ayaa dhaawacmay isagoo isku dayaya inuu hor istaago balse waxaa u suurtagashay inuu gacantiisa ka bixiyo faraanti dheeman ah, kaasoo lagu qiimeeyay $587,000.
Kaamirooyinka ammaanka ee suuqa ayaa qabtay sawirrada Gilder oo ku baxaya gaari Mitsubishi Outlander buluug ah kaas oo baarayaashu ay ku raad joogeen shirkadda gawaarida kireysa ee A-Car ee ku taal Houston, markii u baxsanayey waxa uu qaaday waddooyinka ugu dhaqsiyaha badan.
Markii ay askartu qabteen gelinkii danbe ee isla maalintaas, waxay arkeen Mr Gilder "isagoo liqaya dhowr walxood oo la rumeysan yahay inay yihiin dhegihii la xaday," sida ay booliisku sheegeen.
Mr Gilder ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu xado laba dhegood oo qiimahoodu dhan yahay $769,500 (£597,000), iyo sidoo kale faraanti dheeman ah oo la sheegay in uu tuuray markii uu dukaanka ka baxsanayay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Booliska ayaa markii dambe soo saaray raajo u muuqatay in ay muujinayso caloosha shaqsiga oo shay aan la aqoon uu ku jiro.
Raajo iyo iskaan laga qaaday tuhmanaha, oo lagu qaaday xabsiga degmada Washington, ayaa laga helay "waxyaalahaasi aan la garan ee calooshiisa ku jira.
"Walxahaasi laga helay calooshiisa ayaa looga shakisan yahay inay yihiin dhegihii shirkadda Tiffany & Co. ee lagu qaatay sida tuuganimada, laakiin waxay taasi u baahan doontaa in la ururiyo kaddibna ay soo maraan nidaamka baarista Gilder," ayaa lagu yiri dukumintiga garsoorka.
Xabsiga dhexdiisa, Gilder "si kedis ah ayuu u weydiiyey shaqaalaha "miyaa la igu dacweynayaa waxa calooshayda ku jira" sida ay qortay warbaahinta Goss.
Afhayeen u hadlay booliiska Orlando ayaa diiday in uu faallo ka bixiyo Arbacadii markii la waydiiyay in dhegihii la xaday la helay iyo in kale.
Booliisku ma hayaan "xog dheeraad ah oo ay la wadaagaan wakhtigan," waxa sidaasi yiri wakiilka waaxda.
Dharka Gilder uu u xirtay xatooyada ayaa laga helay gaariga SUV, sida ay booliisku sheegeen.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Mr Gilder uu horay alaabooyin uga xaday shirkada Tiffany & Co, isagoo dhacay dukaan ku yaala Texas sanadkii 2022-kii.
Waxaa jira 48 waaran oo kala duwan oo la soo saaray in lagu soo xiro meel u dhow Colorado.
Booliiska ayaa Mr Gilder ku soo oogay dambi isagoo xiran maaskaro iyo xatooyo weyn oo heerka koowaad ah, taas oo uu ku lug lahaa alaab la xaday oo qiimaheedu dhan yahay in ka badan $100,000. Hadda waa eedesyane la hayo oo aanu wax dambi ah lahayn ilaa maxkamad la horgeeyo.













