You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo dalabkii ugu dambeeyay u diray Ukraine si dagaalka loo soo afjaro
- Author, Jaroslav Lukiv
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in qorshaha Maraykanku u dejiyey dhammaadka dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn uusan ahayn "dalabkii ugu dambeeyay" ee Kyiv, kadib markii xulafada Yukreeyn ay muujiyeen walaac ku saabsan soo-jeedintaas.
Sabtidii hore, hoggaamiyeyaasha Yurub, Kanada iyo Jabaan ayaa sheegay in qorshuhu leeyahay qodobbo "asaasi u ah nabad waarta oo caddaalad ah", balse uu "u baahan yahay shaqo dheeraad ah", iyagoo muujiyay walaac ku saabsan isbeddelka xudduudaha iyo xaddidaadda ciidamada Yukreeyn.
Axadda maanta ah, saraakiil amni oo ka socda Britain, Faransiiska, Jarmalka, Maraykanka iyo Yukreeyn ayaa ku kulmi doona Geneva, Switzerland.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa hore uga digay in Yukreeyn ay wajahayo "mid ka mid ah waqtiyada ugu adag taariikhdeenna" maaddaama Maraykanku uu cadaadis saarayo inay aqbalaan qorshe loo arko inuu u janjeero dhinaca Moscow.
Trump wuxuu siiyay Yukreeyn ilaa 27-ka November inay ku aqbasho qorshaha 28-qodob ee Maraykanku soo jeediyay, halka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay inuu noqon karo "asalka" lagu gaari karo heshiis.
Markii la weydiiyay Sabtidii in qorshaha hadda u yaalla uu yahay dalabkiisa ugu dambeeya ee Yukreeyn, Trump wuxuu saxaafadda u sheegay isagoo ku sugan Aqalka Cad: "Maya, ma aha dalabkaygii ugu dambeeyay."
Waxa uu intaa ku daray: "Si kastaba ha ahaatee dagaalka waa in la soo afjaraa, sidaas darteed waan ka shaqaynaynaa."
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio iyo wakiilka gaarka ah Steve Witkoff ayaa ka mid noqon doona ka qaybgalayaasha wadahadallada Geneva ee maanta oo Axad ah. La-taliyaha Amniga Qaranka Jonathan Powell ayaa ku matali doona UK.
Bayaankii wadajirka ahaa ee Sabtidii laga soo saaray shirkii G20 ee Koonfur Afrika waxaa saxeexay hoggaamiyeyaasha Kanada, Finland, Faransiiska, Ireland, Talyaaniga, Jabaan, Nederlaan, Spain, UK, Jarmalka iyo Norway. Laba mas'uul oo sare oo Midowga Yurub ah ayaa sidoo kale saxeexay.
Bayaanku wuxuu dhigayaa: "Waxaan sidaas darteed rumeysannahay in qabyadu ay tahay saldhig u baahan shaqo dheeraad ah. Waxaan diyaar u nahay inaan ka shaqeyno si loo hubiyo in nabadda mustaqbalka inay waarto. Waxaa naga go'an mabda'a ah in xudduudaha aan lagu beddeli karin xoog."
Waxay intaas ku dareen: "Waxaan sidoo kale ka walaacsannahay xaddidaadaha la soo jeediyay in lagu sameeyo ciidamada Yukreeyn, kuwaas oo u nugleynaya Yukreeyn weerarro mustaqbalka."
Bayaanku wuxuu raaciyay: "Hirgelinta qodobbada khuseeya Midowga Yurub iyo NATO waxay u baahan doontaa oggolaanshaha xubnaha EU iyo NATO mid walba gaarkiis."
Raysal Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, oo jooga shirka G20 ee Johannesburg, ayaa Sabtidii taleefoon kula hadlay Zelensky, kaddibna wuxuu la hadlay Trump.
Afhayeenka Downing Street ayaa sheegay in Sir Keir uu Trump "uga warbixiyay wadahadallada ay wadeen xulafada taageera Yukreeyn ee ka qaybgalay shirka G20 maanta."
Waxay sheegeen in hoggaamiyeyaashu isku raaceen in kooxahooda ay ka wada shaqeeyaan qorshaha nabadda ee Maraykanka ee 28-qodob ah oo Geneva looga hadlayo maanta, isla markaana ay mar kale wada hadli doonaan.
Sir Keir ayaa hore u sheegay inuu ka walaacsan yahay xadidaadaha ciidamada Yukreeyn ee ku jira qorshaha Maraykanka, isagoo yiri: "Waa muhiim in Yukreeyn ay awood u yeelato inay is difaacdo haddii xabbad-joojin dhacdo."
Qorshaha nabadda ee Maraykanka – oo si weyn loo dusiyay – ayaa soo jeedinaya in ciidamada Yukreeyn ay ka baxaan qayb ka mid ah gobolka bari ee Donetsk ee ay hadda maamulaan, iyadoo Ruushkuna helayo maamul ku-meel-gaar ah oo Donetsk ah, iyo sidoo kale gobolka Luhansk ee deriska la ah iyo jasiiradda Crimea ee Ruushku qabsaday 2014.
Qorshuhu waxaa sidoo kale ku jira in la "dejiyo" xaalka xuduudaha gobollada Koonfurta Yukreeyn ee Kherson iyo Zaporizhzhia iyadoo la raacayo khadadka dagaalka ee hadda. Labada gobolba qayb waxaa ka haysta Ruushka.
Qorshaha qabyada ah ee Maraykanka wuxuu sidoo kale ku soo koobayaa ciidamada Yukreeyn ilaa 600,000 oo askari, iyadoo diyaaradaha dagaalka Yurub la dhigi doono dalka dariska la ah ee Poland.
Kyiv waxa ay heli doontaa "dammaanado amni oo la isku halleyn karo," ayuu qorshuhu dhigayaa, inkasta oo faahfaahin dheeri ah aan la bixin. Dukumeentigu wuxuu sheegayaa in "la filayo" in Ruushku aanu weerari doonin dariskiisa, iyo in NATO aysan sii ballaaran doonin.
Qorshuhu sidoo kale wuxuu soo jeedinayaa in Ruushka dib loogu daro dhaqaalaha caalamiga ah, iyadoo la qaadayo cunaqabataynta iyo in dib loogu casuumo kooxda G7 ee waddamada ugu awoodda badan dunida – taas oo ka dhigi lahayd G8 mar kale.