You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxda caalamka iyo dadweyne fara fara badan oo ka qeybgalaya aaska Pope Francis
Kumannaan qof oo u baroor-diiqaya Pope Francis ayaa isugu tegay halka ay ka dhacayso munaasabadda tacsida Pope-ka oo ah kaniisadda St Peter's Basilica ee magaalada Rome, dalka Talyaaniga.
Madax badan iyo qaar ka socda boqortooyada daafaha adduunka ayaa ka qeyb galaya aaska kuwaasoo ku sugan kaniisadda St Peter's Basilica.
Madaxdan waxaa ka mid ah Amiir William, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Boqorka Spain Felipe VI iyo Boqorad Letizia, iyo madaxweynaha Brazil Luiz Inácio Lula da Silva.
Waxaa sidoo kale jooga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Marwada Koowaad Melania Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo marwadii koowaad ee hore Jill Biden, raysal wasaaraha UK Keir Starmer, madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen, madaxweynaha Filibiin Ferdinand Marcos Jr iyo madaxweynaha Arjantiin Javier Milei.
Siduu u dhici doonaa aaska?
Meydka Pope Francis ayaa muddo saddex maalmood ah yaallay St Peter's Basilica, maata ayaa laga saari doonaa waxaana lagu aasi doonaa kaniisadda Santa Maria Maggiore ee magaalada Rome oo uu isagu dalbaday.
Tacsida ayaa lagu qabanayaa meel fagaare ah, waxaana goobjoog ka ah madax ka kala socota caalamka iyo tobnaan kun oo qof oo iyaguna kasoo qeyb galay.
Xafladda ayaa bilaabatay goor dhow waxaana la filayaa inay saacad iyo bar qaadato.
Kadib waxaa bilaaban doona sagaal maalmood oo baroor-diiq ah.
Maxaadan ka aqoon nolosha Pope Francis?
Pope Francis, baadarigii ugu horreeyey ee hogaamiya kaniisadda Roman katooligga ee Latin America wuxuu ka tegey taariikh badan oo marka laga yimaado tan diintiisa sidoo kale muujinaysa inuu ahaa nin aysan dadku wax badan ka aqoon.
Magaciisa rasmiga ah wuxuu ahaa Jorge Mario Bergoglio, waxaa ku xirnaa in ka badan 12 malyan oo qof xilligii uu joogay dalkiisa Arjantiin, kuwaasoo uu u ahaa wadaad ay xushmeeyaan.
Wuxuu ku soo koray magaalada caasimadda u ah Arjentiin ee Buenos Aires.
Shaqadii kalaabka
Jorge Bergoglio waxaa xusid mudan inuu dugsiga sare ka haray, hase yeeshee wuxuu qaatay Dibloomaha Kiimikada, iyo shahaadada jaamacadda ee cilmiga diinta, ka hor intii uusan noqon macallin dhiga suugaanta iyo cilmu nafsiga.
Sida uu ku sheegay waraysi uu bixiyey 2010 markii uu 13 jir ahaa, aabihiis ayaa kala shaqeeyey sidii uu shaqo u heli lahaa, waxaana u suurto gashay inuu warshad ka noqdo nadiifiye.
Dhowr sano ka dib markii uu waraysigaas bixiyey ayuu dadka ka yaabiyey mar uu ka khudbaynayey kaniisad ku taalla Roma, halkaasoo uu ka sheegay in sidoo kale uu ka soo shaqeeyey kalaab habeenkii lagu tunto oo uu ka ahaa ragga xoogga weyn ee "edbiya" qofkii amniga ku xadgudba.
Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu dhulka nadiifin jiray.
Taageere Kubadda cagta
Pope Francis ayaa taageere u ahaa San Lorenzo de Almagro, kooxda kubbadda cagta ee Buenos Aires, ilaa dhimashadiisa.
Waxa uu ahaa taageere kooxda ilaa yaraantiisii. Sanadkii 2014, markii San Lorenzo uu ku guuleystay Copa Libertadores, oo ah tartanka ugu weyn uguna muhiimsan ee koofur Ameerika, markii ugu horeysay taariikhda 106-sano, waxaa la weydiiyay guushii ka dib haddii taageeradiisa ay door ku leeyihiin guusha kooxda kubadda cagta. Waxa uu yiri "aad ayaan ugu faraxsanahay, laakiin ma aha mucjiso".
Kooxda ayaa sidoo kale ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee Arjantiin 2014, ka dib xubnaha kooxdu waxay guddoonsiiyeen Pope-ka funaanadda kooxda, taasoo dhabarka looga qoray 'Francisco Champion'.
Pope Francis ayaa sidoo kale la kulmay ciyaartoy badan oo kubadda cagta dheela intii uu ku guda jiray hogaamiyenimada, oo ay ku jiraan Lionel Messi iyo Diego Maradona, iyo sidoo kale xiddiga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic iyo goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Buffon.
Dhammaan afartii kulan ee heerka sare ee kubbadda cagta Talyaaniga ee loo qorsheeyay isniinta Easter-ka ayaa dib loo dhigay kadib markii lagu dhawaaqay dhimashada Pope-ka.