You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxamed Dida: Sheekada Macallinkii iyo musharixii madaxweynaha Kenya oo dib u helay xorriyadiisa
Maxamed Cabduba Dida oo horay u ahaa musharax u tartamay xilka madaxtinimada Kenya ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala magaalada Illinois ee dalka Mareykanka. Sida laga soo xigtay warbaahinta Citizen ee ka hawlgasha dalka Kenya.
Dida, oo ku xukunaa 7 sano ah oo xabi ah ayaa lagu eedeeyay daba-gal iyo hanjabaad waxaana uu xabsiga ku jiray ilaa Noofambar 18, 2022. Dida ayaa lagu sii daayay sii-dayn sharafeed ka Xarunta Asluubta ee Big Muddy Abriil 3, 2025.
Diiwaanka xabsiga ayaa tilmaamaya in 50-jirka uu ku dhameysan doono inta ka hartay xukunkiisa meel ka baxsan darbiyada xabsiga ilaa taariikhda la sii deyn doono ee Abriil 3, 2029.
Aamina Liibaan oo ka mid ah saddexda xaas ee Dida ayaa u sheegtay warbaahinta Daily Nation in uu hadda qorsheynayo in uu dib u soo nooleeyo ururkiisii samafalka ee la aas aasay sanadkii 2017-kii, kaas oo xaruntiisu tahay gobolka Minnesota.
"Waxa uu ku nool yahay gurigiisa oo ku yaalla Minnesota, waxa uu bilaabay Dida Foundation International, waxa uuna soo gabagabeeyey diiwaan gelintiisa wax yar ka hor inta aan la xirin, waxa uu hadda ka raadsanayaa xafiis uu ka kireeysto Minnesota," ayay u sheegtay wargeyska.
Sannadkii 2024-kii, Dida waxa uu tagay maxkamad isagoo ku eedeeyay in lagu xad-gudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah, isagoo ku dooday in laga hor istaagay inuu galo barnaamijyo waxbarasho iyo barnaamijyo kale intii uu xabsiga ku jiray.
Maxaa lagu haystay Macallin Dida?
Sida ay horay u qoreen warbaahinta gudaha ee Kenya, Dida ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, isagoo lagu xiray xabsiga Big Muddy Correctional Centre ee Illinois 18-kii November 2022, kadib markii lagu eedeeyay inuu dabagal iyo hanjabaad u geystay qof aan la magacaabin.
Ninkan 50 jirka ah horena u ahaa macallin ayaa la sheegay in lagu helay labo dembi, kan koowaad ayaa ah inuu dagabal iyo hanjabaad sameeyay, taasoo uu ku muteystay labo sano oo xabsi ah.
Dembiga labaad ayaa lagu sheegay inuu sii kordhiyay dabagalka uuna carqaladeeyay amar booliiska kasoo baxay taasoo uu ku muteystay shan sano oo xabsi ah.
Mar lasoo taagay maxkamad sanadkii 2021, Dida ayaa wuxuu ku jiray xabsi ku yaalla deegaanka Mclean County ee Illinois halkaasoo ah meesha uu ku galay eedeymaha loo heystay.
Dida ayaa kadib aaday maxkamad isagoo sheegay in xuquuqdiisa dastuuriga ah meel looga dhacay, wuxuuna ku dooday in laga hor istaagay helidda barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo kale.
Ninkan Kenya u dhashay ayaa sidoo kale markaas sheegay in loo diiday daryeel caafimaad, isagoo ku dooday in caafimaadkiisa uu kasii darayay xiliggii uu ku jiray xabsiga.
Dhanka kale, waraaqaha maxkamadda ayaa muujiyay in Dida uu ka cawday suuxdin dhanka bidix ee jirkiisa ah bishii January 2023, iyadoo xaaladda ay kasii dartay iskuna sii beddeshay barar cagaha iyo faraha ah iyo xanuun dhabarka ah.
Waxaa sidoo kale laga helay dhiig yaraan daran laga soo bilaabo February 2024 kadib markii lagu arkay inuu ku yaryahay fitamiinka B-12. Waxaa sidoo kale loo sameeyay daaweynt toddoba bilood oo la siinayay kaniiniga B-12.
Wuxuu Dida ku dooday in xabsiga lagu hayay uusan ka heli jirin daryeel caafimaad oo wanaagsan.
Xukun soo baxay May 29, 2024, ayaa Qareen Gilbert Sison wuxuu amray in baaritaan lagu sameeyo sheegashada Dida iyo in dadka la eedeeyay, oo ay ku jiraan maamulka xabsiga Warden Kimberly Hvarre iyo maamulaha dhanka caafimaadka, lala xisaabtamo haddii lagu helo dembi.
Si kastaba, maxkamadda ayaa laashay sheegashooyinka Dida, iyadoo sheegtay inaysan lahayn wax dastuuri ah oo gacan siinaya inuusan awoodin helidda barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo tababar.
Maxkamadda ayaa sheegtay in kiiskan la laalay isla markaana uu ku guuldarreystay caddeynta xaq dastuuri ah.
Waa kuma macallin Dida?
Maxamed Cabduba Dida waa macalin hore oo si weyn looga hadal hayn dalka Kenya uga dhaliyay markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada dalka Kenya Maarso 2013.
Waqtigaas, wuxuu si degdeg ah ugu caan baxay kaftan iyo geesinimo.
Doorashadii guud ee markaas dhacday, waxa uu ku soo baxay kaalinta afraad ka dib markii uu helay 52,848 cod, taas oo u dhiganta 0.43 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.
Dida waxa uu 1974-tii ku dhashay magaalada Wajeer ee waqooyi bari Kenya.
Dida waxa uu shahaadada koowaad ee waxbarashada ka qaatay jaamacadda Kenyatta, halka Master uu ka qaatay jaamacadda Nairobi.
Waxa uu iska casilay shaqadiisii macalinimo sanadkii 2009 si uu diirada u saaro ganacsigiisa.
Sannadkii 2013-kii, waxa uu isu sharraxay madaxweyne isaga oo u maraya xisbiga Isbahaysiga Isbedel-doonka dhabta ah.
Sanadkii 2014-kii ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Degaanada balse magacaabistiisa waa la laalay kadib markii dadka qaar ay dhaliileen habraaca loo maray magacaabista.
Abdouba Dida waxa uu leeyahay saddex xaas oo kala ah Aamina, Istaahil iyo Ruqiya iyo 11 carruur ah.