You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow madaxda ka qayb galaysa shirka Muqdisho
Waxaa hadda ka furmay magaalada Muqdisho shir u dhexeeya madaxdii hore iyo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Shirkan oo looga tashanayo heshiiska doorasho iyo qaabdhiska dowladda ee Madasha Wada Tashiga Qaran waxaa ka qeybgalaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, shan raysal wasaare oo hore, iyo saddex guddoomiye baarlamaan oo hore. Haddaba, Intan ka ogow madaxda ka qeybgaleysa shirka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Shariif Sheekh axmed waa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee hogaanka qabta, wuxuuna madaxweyne noqday isagoo 44 jir ah.
Wuxuu waxabarashadiisa jaamacadda ku soo qaatay dalalka Sudan iyo Libya.
Wuxuu qayb ha ahaa dhaqdhaqaaqii maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliya oo uu ka gaaray ilaa heer hogaanka sare, gaar ahaan garabkii Eritrea.
Doorasho Jabuuti ka dhacday 2009 ayuu ku guulaystay madaxweyneninada dalka, wuxuuna xilkaas hayey ilaa 2012.
Maxamed Xuseen Rooble
Rooble waxay isku da’ yihiin Kheyre waana injineer 55 jir ah oo cilmiga hansada ku bartay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu takhasuskiisa ku sameeyey jaamacad ku taalla Sweden, halkaas oo sidoo kalena uu muddo ku noolaa.
Waxayaabaha ay isaga iyo Kheyre wadaagaan waxaa ka mid ah in aysan hore u lahayn waayo aragnimo siyaasadeed, oo aysan soo qaban xil dowladeed kahor inta aanan loo magacaabin Raysal wasaare. Rooble wuxuu muddo 10 sano ka badan la shaqaynayey hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO.
Raysal wasaarenimada dalka waxaa loo magacaabay Sebtembar 2020, wuxuuna xilkaas hayey ilaa Juun 2022.
Xasan Cali Kheyre
Kheyre lagu ma aqoon xilalka iyo shaqada dowladda kahor inta aanan loo magacaabin Raysal wasaare. Wuxuu ahaa 55 jir qurbaha muddo ku noolaa kadibna Afrika ka shaqeeyay isaga oo xilal mamaul oo sare kasoo qabtay hay'addo caalami ah oo ay ka mid tahay hay'adda qaxootiga ee Norway. Wuxuu ka soo shaqeeyey arrimaha gargaarka, marna wuxuu ka mid ahaa madaxda shirkadda Soma oil and Gas.
Wuxuu waxbarashadiisa jaamacadeed ku soo qaatay dalalka Norway iyo Scotland.
Wuxuu xilka hayey Febraayo 2017 ilaa Luulyo 2020. Waxaa xilka ka qaaday baarlamaanka isagoo hawl shaqo ugu maqnaa gobollada dhexe.
In yar ka dib markii xilka laga qaaday ayuu isu soo taagay tartanka madaxweynenimada, inkastoo uusan ku guulaysan.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke
Waa 63 jir waxaana dhalay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya markii ay gobannimada qaadatay.
Wuxuu waxbarashadiisa jaamacadda ku soo qaatay Jaamacadda umadda soomaaliyeed iyo jaamacadda Carlton ee dalka Canada, halkaasoo u dhalashana ka haysto.
Laba goor ayuu noqday ra’iisul wasaaraha soomaaliya, xilliyadaas oo kala ahaa 2009 -2010, iyo 2014 -2017.
Intii uusan siyaasadda ku soo biirin Cumar wuxuu la soo shaqeeyey Qaramada Midoobay.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Cabdiweli Gaas waa siyaasi dhaqaleyahan ah oo 56 jir ah. Sida Kheyre iyo Rooble waa qurbajoog, wuxuuna haystaa dhalashada Soomaaliya iyo tan Maraykanka.
Wuxuu xilka ra’iisul wasarenimada hayey Juun 2011 – Oktoobar 2012. Bishii Janaayo 2014 ayuu noqday madaxweynaha Puntland, wuxuuna hal cod kaga guulaystay ninkii xilka hayey ee Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa isaga puntland kaga guuleystay oo bedelay madaxweynaha hadda xilka haya Saciid Cabdulaahi Deni.
Wuxuu cilmiga dhaqaalaha ku bartay jaamacaddii umadda Soomaaliyeed, ka dibna maraykanka ayuu ku sameeyey takhasuska master-ka iyo PHD. Wuxuu in muddo ah macallin ka ahaa jaamacada Niagara University.
Cali Maxamed Geeddi
Cali wuxuu bare ka ahaa kulliyadda xanaanada xoolaha ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu tacliintiisa jaamacadda ku qaatay Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ma ahayn nin siyaasadda lagu yaqaanno, waxaana ra’iisul wasaarenimada u magacaabay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Wuxuu xilkaas hayey Nofembar 2004 – Oktoobar 2007. Qaybo ka mid ah sannadahaas waxay xukuumadiisa ahayd dibadjoog, markii dambena waxay muddo ku shaqaynayeen magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Siyaasigan 78 jirka ah kuma cusba siyaasadda, inkastoo ka hor intii uusan ra’iisul baarlamaanka noqon uu muddo shaqooyin la qabtay qaramada midoobay, jaamacad ku taalla Norway oo uu wax ka dhigayay iyo guddoomiye uu ka noqday guddiyo qaran oo qaabilsanaa dastuurka.
Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siyaad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.
Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.
Maxamed Mursal Cabdiraxmaan
Mursal waa 66 jir waxbarashadiisa jaamacadda ku soo qaatay dalka Yemen.
Ka hor intii uusan noqon guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maajo 2018 – Abriil 2022 wuxuu ka soo qayb qaatay siyaasadda iyo diblomaasiyadda.
Disembar 2017 – Abriil 2018 wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya, 2016-na wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka.
Juun 2012 – Luulyo 2015 wuxuu Mursal noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga. Sidoo kale, 2009 ilaa hadda waa xubin baarlamaan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan
Shariif Xasan oo lagu tilmaamo inuu yahay nin siyaasadda Soomaaliya si fiican u fahamsan wuxuu laba goor noqday guddoomiye baarlamaan.
Labadaas goor waxay kala ahaayeen Maajo 2010 – Agoosto 2012, iyo Sebtembar 2004 – Janaayo 2007.
Waa siyaasi 69 jir ah, marka la barbar dhigo madaxda isaga la midka ah, waxbarashadiisa ama gaarsiisna heer jaamacadeed, laakinse siyaasadda wuxu ku jiray muddo 20 gaaraysa.
Wuxuu 2009 noqday wasiirka maaliyadda iyo ra’iisul wasaare ku xigeen. Wuxuu kaloo noqday madaxweynaha ismaamulka koofur galbeed Soomaaliya Disembar 2014 – Nofember 2018.