You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhegeyso: Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday diyaaraddii ku burburtay Muqdisho oo BBC la hadlay
Hay'adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan buuxa ku samaynayso waxa sababay shil diyaaradeed oo maanta duhurkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Halla ayaa ku burburtay qeyb kamid ah garoonka kadid markii ay dhaaftay dhabbaha ay ku degaan diyaaradaha.
Dhowr qof ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud uu ka soo gaaray shilkaas. Bishii July ee sanadkii hore ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Jubba Airways waxa ay ku burburtay isla garoonka Muqdisho inkastoo aanay wax khasaaraha ah soo gaarin rakaabkii saarnaa.
Rakaabka saarnaa diyaaradda burburtay waxaa kamid ah Cabdicasiis Cawil oo BBC uga warramay sida uu xaalka ahaa marka ay diyaaradda dhacday.