Ciyaartooyga magaca diinta Islaamka kor u qaaday

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxammed Saalax waa ciyaartooy caan ah oo u dhashay dalka Masar dhanka weerarkana uga ciyaara kooxda Ingiriiska laga leeyahay ee Liverpool.
Waana mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican horyaalka Ingiriiska.
Ciyaartooygan wuxuu caan ku yahay markasta oo ciyaar uu soo saftay uu gool ka dhaliyo inuu muujiyo astaan shucuurta islaamka ka mid ah, taasoo u horseedday dunida muslinka inuu taageerayaal badan uu ku yeesho.
Marka laga soo noqdo doorka firfircoon uu Saalax ku leeyahay horumarka waxbarashada, caafimaadka iyo mashaaariica xuquuqda xayawaanaadka.
Dad badan ayaa aaminsan Saalax inuu kor u qaaday sumcadda Diinta Islaamka iyo Muslimiinta intaba. Waxaana inta badan lagu taageeraa ‘Sujuudda’ uu la yimaaddo markasta oo uu gool dhaliyo.

Xigashada Sawirka, LIVERPOOL ARABIC CENTRE
Ficilka uu Saalax sida joogtada ah uga sameeyo garoommada tartannada kubadda cagta lagu qabto waxay si weyn u soo jiidatay xataa dadka aan ciyaaraha xiiseyn.
Dr Solava Ibrahim oo ah haweeney u dhalatay Masar dhalashada Britain-na haysato cilmiga Siyaasadda Caalamigana ka dhigta Jaamacadda Anglia Ruskin ficilka Saalax waxay ku tilmaantay, inuu baddalay aragtidi muslimiinta laga qabay ee ahayd iney la xiriiraan rabshadaha dunida ka dhaca, argagixisanimada iyo iney dumarka liidaan.”
Taageerayaasha Saalax ee aan muslinka ahayn laftooda garoommada waxay ka qaadaan hees micnaheedu tahay ‘Saalax waa deeq ilaahey noo soo diray’ oo ay ku ammaanayaan, halka mid ka mid ah taageerayaasha Liverpool oo aad ula dhacay goolasha quruxda badan uu Saalax dhaliyo uu yiri: ‘Haddii gool kale degdeg u dhaliyo waan muslimayaa.”
”Hadalka qofkaasi ma muujineyso oo keli ah inuu diinta qaadanayo balse waxay muujineysaa sida uu Maxammed Saalax uu ugu yahay qof uu ku daydo, carabta oo keli ahna ma aha dadka ku daydo balse dhalinyarada ku nool Bariga Dhexe, Afrika iyo UK ay iyaguna ku daydaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Najiib Al-Xakiimi, oo isku duwa ka ah Xaruunta Carabiga ee Liverpool ayaa sheegay inuu aad ugu farxay heestan, sababtoo ah dadku waxa ay u eegi jireen Muslimiinta sidii inay Argagixiso ama jaahiliin yihiin.
"Balse ficilka yar uu Maxammad Saalax sameeyey ayuu arrima badan ku baddalay,” ayuu sii raaciyey.
"Haddii dadku ay dareemaan in caqiidada Muslimku ay tahay mid kale, ficillada Saalax waa kuwo muhiim ah," ayuu yidhi Neil Atkinson.
"Saalax wuxuu ka caansan yahay dad badan oo ku guuleystay abaal marinta caalamiga ee Nabadda oo loo yaqaanno ‘Noble Prize’, caannimadaasina wuxuu ku helay laacibnimada uu caanka ku yahay uu uga faa’ideystay farriimo diineed inuu ku gudbiyo,” ayey tiri Dr Solvana Ibraahim.
Tani iyo marki uu Saalax uu ku soo biiray kooxda Liverpool waxaa la sheegaa iney hoos u dhaceen muslim naceybki dalka Ingiriiska iyo taageerayaasha kooxda ka dhex jiray intaba.














