Qaad ay Soomaalidu aad u cunto oo Kenya laga joojiyay iyo muran ka dhashay hakintiisa

.

Xigashada Sawirka, EPA

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka laabtay go’aankii muranka dhaliyay ee lagu soo rogay qayb ka qaadka dalka Kenya, si gaar ah qaadka loo yaqaan Mukuga oo ah nooc ka mid ah maandooriyaha caanka ah ee Miraaga.

Cunista qaadkan filiqsan ee caleemaha balballaadhan ayaa lagu eedeeyay kor u kaca kiisaska khuseeya caafimaadka dhimirka iyo kororka cudurrada bulshada, oo ay ku jiraan dembiyadu.

Saddex ka mid ah guddoomiyeyaasha gobollada ee ka soo jeeda dhanka xeebta ayaa mamnuucay iibintiisa iyo isticmaalkiisaba todobaadkii hore, taas oo cadho ka dhalisay deegaannada uu ka soo go’o dalaggani, beeralaydiisa.

Madaxweyne Ruto ayaa Isniintii sheegay in dalagga muguka uu yahay mid sharci ah oo aan la hor istaagi karin iibkiisa.

Qaadka loo yaqaan Muguka ayaa ka jaban, sida oo kalena ka ‘mirqaan’ badan noocyada qaad ee dalka Kenya.

Jaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaana si gaar ah looga isticmaaalaa deegammada xeebaha, sida gobollada Kilifi, Taita Taveta iyo Kwale.

Soomaalida ayaa ka mid ah bulshooyinka ugu badan ee isticmaala nuucaan qaadka ah.

Toddobaadkii ina dhaafay, Guddoomiyaha Mombasa, abdulsamad Shariif Naasir, ayaa gobolkaasi ka joojiyey, soo gelinta, iibinta iyo ka ganacsifa qaadkan, isaga oo ku eedeeyey in u khatar gaar ah u geysanayo dhallinyarada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddoomiye Nassir ayaa sheegay in in ka badan kala badh dadka ka soo kabanaya xarumaha dhaqancelinta iyo daaweeynta maskaxda ee Mombasa ay ahaayeen dad balwad ahaan isticmaali jirey Muguka.

Awaamiir tan la mid ah ayaa waxaa soo saaray gudoomiyaasha ismaamulada Kilifi iyo Taita Taveta kuwaas oo wacad ku maray in ay wax ka qaban doonaan iibintiisa iyo isticmaalkiisa.

Joojintiisan ayaa mudaaharaad ka kicisay gobolka uu qaadkan Muguka ka baxo ee Embu, iyada oo beeralayda iyo ganacsatadu ay ka dhiidhiyeen khatarta ah in la xidho meheradaha ka ganacsada sababo la xidhiidha mamnuucid aan loo meeldayin kuu lagu soo rogay dalagga faaiidada badan leh, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Isniintii, Madaxweyne Ruto waxa uu kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha deegaanka ee Embu si loo soo afjaro muranka muguka.

"Iyadoo muguka lagu aqoonsaday sharci qaran, sharci kasta ama amarro kasta oo ka hor imaanaya sharciga qaranka waa waxba kama jriaan," ayaa Mr Ruto ku sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Jaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in muguka uu ahaa dalag sharci ah sida uu qabo sharciga dalagga 2013 iyo xeerarka Miraa 2023.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladdu ay u qoondeyn doonto $3.7m (£3m) sanad maaliyadeedkan si loo ballaadhiyo beerashada qaadka ee dalka.

Shrciyaqaanno ayaa sidoo kale ka horyimid mamnuucida muguka kuwaas oo dacwado geeyey maxkamadaha.

In ka badan 10 qof oo ganacsato ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu xidhay magaalo xeebeedka ugu weyn dalkan ee Mombasa, iyada oo mamnuucidda maandooriyahaasi uu dhaqan galay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee Kenya.

Mamnuuciddan ayaa dhanka kalena taageero ballaadhan ka heshay ururro diimeedyadaa, iyada oo hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee Mombasa ay ku baaqeen in muguka lagu daro maandooriyayaasha mamnuuca ah.

Inkasta oo Hay'adda Qaranka ee Ololaha Ka-hortagga Xad-gudubka Daroogadu aanay mamnuucin muguka, ayaa se ku tilmaantay in uu yahay walax waxyeello u leh caafimaadka, si gaar ah maadooyinka ku jira cathinone iyo cathin ee laga helo geedkan.

"Qaddarka Cathinone iyo Cathine aad bay ugu badan yihiin muguka sababtoo ah waxaad ruugaysa caleemaha, halkaasoo awoodddoou degan tahay," John Mututho, oo ah madaxii hore ee hay'adda ka hortagga daroogada ayaa u sheegay mid ka mid ah TV-yada gudaha.

Waxa uu sheegay in kiimikooyinka ku jira muguka ay waxyeeleeyeen iskusocodkii caadiga ahaa ee jidhka.