You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Lix bilood kaddib Xukuumadda Dan Qaran: "Waxaan dilnay 3000 oo Al-Shabaab ah"
Xukuumadda uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabatay bandhig loogu dabbaaldagayay waxqabadkeeda lixdii bilood ee ay jirtay.
Xukuumadda ayaa ku nuuxnuuxsatay inay muddadaas xoogga saartay labo arrimood oo kala ahaa la dagaallanka ururka Al-Shabaab iyo wax ka qabashada dhibaatada abaarta baahsan ee ku habsaday Soomaaliya.
Farxaan Maxamed Jimcaale, oo ah afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, oo BBC-da ay wareysi la yeelatay ayaa sheegay in dalka ay ka taagnaayeen labo arrimood oo aad u waaweyn oo caqabad ku ahaa sida uu sheegay wax walba oo hurmar laga sameyn karay.
"Waa midda koowaade horta baara ba'an ayaa dalka ka jirtay, oo waddanka wuxuu qarka u saarnaa in macluul ay ka dillaacdo, oo malaayiin Soomaali ah ayay noloshooda halis ku jirtay, iyo duunyadoodiiba. Waxaa kaloo jiray dagaalkii kooxda khawaarijta oo iyaduna caqabad weyn ku ah amniga Soomaaliya iyo dowladnimada. Marka dowladda Soomaaliya horta waxay xoogga saartay sidii ay u cirribtiri lahayd kooxaha khawaarijta ah, iyo sidii dhinaca kalena ay u badbaaidn lahayd malaayiintaas qof ee Soomaaliyeed ee qarka u saarnaa inay macluul u le'daan.
Ammaanka
Farxaan ayaa sheegay inay muuqato guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka Alshabaab.
"Ishaa macallin ah ayay Soomaalidu tiraahdaa, dhulka baaxadda leh ee lixdaa bilood ee xukuumadda Dan Qaran ay jirtay laga soo bilaabo bishii August markii xukuumadda la ansixiyay, oo golaha baarlamaanku ansixiyay bishaasna ay ahayd bishii uu dagaalku sida rasmiga ah u billowday waxay xukuumaddu gacanta ku dhigtay dhul baaxad weyn oo hore ugu jiray gacanta cadowga.
"In ka badan 70 deegaan ayaa laga xoreeyay kooxahan cadowga ah ee dhibaatada badan ku haya umadda Soomaaliyeed, runtiina dhibaato weyn ayaa la gaarsiiyay xag militari" ayuu yiri.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in sidoo kale Al-Shabaab lagala dagaallamay xag dhaqaale iyo fikirka oo sida uu sheegay ay dowladda juhdi weyn ku bixisay. "Sidii afkaarta khaldan ee umadda Soomaaliyeed ay ku marin habaabiyaan loogu sheegi lahaa,".
Wuxuu qiray in shacabka ay qeyb ka yihiin dagaalka ay dowladdu kula jirto Alshabaab. "Waxaa isku soo beegmay kacdoonka shacabka iyo xilligii dowladda ay dagaalka billowday,".
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, oo xalay ka hadlayay tiyaatarka magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumadda uu ka tirsan yahay oo lix bilood jirsatay, ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu dambeeyay ay ururka Al-Shabaab ka dileen 3,000 oo dagaalame, tiro intaa ka badanna ay dhaawaceen.
“Khasaarihii loo geystay cadowga, intii lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxay kala yihiin: waxaa ka geeriyooday maleeshiyadaas 3000 oo askari, 3000 oo maleeshiyo, kuwaas askar maahane, dhaawacyada gaarayna waa 3,700 oo maleeshiyo ah qaarkoodna dhibaatada gaartay la daalaa dhacaya kulana dhuumaaleysanaya godadka ay ku dhuumanayaan,”.
Maxaa laga yeelay deegaannada laga saaray Alshabaab?
Farxaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannaadaas geysay adeegyada muhiimka ah ee shacabku u baahan yahay, sida biyaha.
"Waxaa jira ceelal fara badan oo kooxaha khawaarijta ay ka gubeen dadkii oo qaarkood ay ka aaseen oo dowladdu ay markiiba ay ceelashaas dayactir ku sameysay. Waxaa kale oo la gaarsiiyay cunno, dawooyin, waxaa kale oo la gaarsiiyay goobaha qaarkood dugsiyadii wax lagu baranayay, goobaha qaarkood waxaa la geeyay garsoorkii iyo caddaaladdii. Waxay dowladdu markaas ku howlantahay xasilinta goobahaas la xoreeyay.
Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in deegaanno badan oo waayadii hore kala xirnaa ay ciidammadu isu fureen, iyo in Al-Shabaab laga saaray deegaanno badan oo ku yaala gobbollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
“Howlgallada gobolka Hiiraan waxay noqdeen kuwo guuleystay oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Dulmi-diid ay guulo waaweyn kasoo hooyeen. Waxaa laga xoreeyay cadowga deegaanno badan.”
Suuragal ma tahay in Al-Shabaab laga dilay kumannaan askari kumannaan kalana laga dhaawacay?
Korneel Cabdullaahi Cali Macow, oo hore uga tirsanaan jiray milateriga Soomaaliya, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in guulaha laga gaaray Al-Shabaab ay ka mid yihiin furitaanka waddooyin xirnaa oo muddo dheer la isugu gudbi waayay.
"Gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug intaba waxaa waddooyinkaas la isku furay si amni ah ayay inta badan ku maraan ciidamada meesha ay rabaan ay gaaaran.
"Culeyskii badnaa oo dadka deegaanka ka haystayna waa laga xoreeyay, oo ma aragtay guul weyn ayaa laga gaaray in dagaalkii ka soo billowday Matabaan ilaa Aadan Yabaal uu yimaado, oo Muqdisho in laga soo baxo oo Ceeldheer si nabad ah lagu yimaado iyo Gaalkacyo ilaa Xarardheere. Guulahaas waa kuwo lagu naaloodo lix bilood kaddib," ayuu yiri.
Korneelka ayaa Al-Shabaab ay ciidamo badan uga le'deen dagaalka, oo diyaaradihii darone-ka ay dagaal toos ah la galeen.
"Laga soo bilaabo ilaa dhulkaan oo dhan laga xoreeyo Shabaabku way dhimanayeen wayna dhaawacmayeen, laakiin tiradan wasiirka haddii micneeyo, warbixin ka soo baxday QM waxay ku sheegtay in tirada Al-Shabaab lagu qiyaaso 7000-12000, marka taas waxay noqoneysaa in Shabaab ay kala bar noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.
"Laakiin Shabaabka dhaqankooda sidoodaba waxaa waaye, dhaawacyadooda way kala shisheeyaan. Dhaawaca markaas socon kara way qataaan, midka culus ee aan meelna la geyn karin meeshiisa ayay ku toogtaan,"
Korneelka ayaa sheegay in si kastaba, tiradan ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka dishay Al-Shabaab aysan ahayn tiro laga qiyaas qaadan karo jabka Shabaab ku gaaray dagaalka ay dowladda kula jiraan.
Abaaraha
Warbixin cusub oo ay diyaariyeen iskuulka Midowga Cilmi-baarista Caafimaadka Bini’aadanimada ee Kuliyadda Caafimaadka iyo Fayo-dhawrka ee London iyo Imperial College ee London, isla markaana ay maalgaliyeen hay’addaha WHO iyo UNICEF oo Isniintii Muqdisho lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in tirada dadka u dhintay dhibaatooyinka ka dhashay abaarta ka jirta Soomaaliya sanadkii tagay ee 2022 ay gaarayso 43,000 oo qof, kuwaas oo kala bar ay yihiin carruur ay da’doodu ka yartahay 5 sano.
Waa khasaaraha dhimashada ee rasmiga ah ee laga soo sheegay abaarta ka jirta Geeska Afrika. Kala bar ka mid ah waxaa loo maleynayaa inay ahaayeen carruur ay da'doodu ka yar tahay shan sano.
Warbixintu waxay kaloo muujisay in tirada dadka u dhintay waxyeelada abaarta ee sanadkii 2022 ay ka badan tahay tirada dadkii dhintay sanadihii 2017-2018 kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 31,400 oo qof.
Daraasaddu waxay saadaalinaysaa in lixda bilood ee ugu horreeya sanadkan 2023, dhibaatooyinka ka dhasha abaarata Soomaaliya ka jirta ay u dhiman karaan 34,200 oo qof, xaaladduna ay ka sii darnaan karto sidii ay ahayd 2017-2018.
Sanadkii 2011, macluul ka dillaacday Soomaaliya ayaa dishay in ka badan rubuc milyan qof.
"Waqtiga ayaa gabaabsi nagu ah in laga hortago dhimashada iyo badbaadinta nolol taasoo laga fogaan karay," ayuu yiri wakiilka WHO Dr Mamunur Rahman Malik.
Wuxuu intaas ku daray in "waxa ka dhalanaya wax qabad la'aanta" ay tahay in carruur, haween iyo dad taag daran ay dhintaan iyadoo "aan si rajo la'aan ah, caawinaad la'aan leh aan goobjoog uga nahay musiibada".
QM ayaa sheegtay inay u baahan tahay $2.6bn (£2.1bn) si ay ugu maalgeliso qorshaheeda wax ka qabashada abaarta Soomaaliya ee sanadkan. Ilaa iyo haatan, wax ka yar 15% ayaa laga helay kharashkaas.
Malaayiin xoolo ayaa ku dhintay abaartam taasoo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada, xasilooni-darrada siyaasadeed iyo sicirbararka adduunka ka jira.
Dhibaato ayaa ka taagneyd in gargara la gaarsiiyo deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa si joogto ah weerarro uga geysata Soomaaliya iyadoo caqabad ku ah howlaha bani'aadannimo.
Maxay dowladda Soomaaliya ka qabatay?
Farxaan Maxamed Jimcaale, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in su'aal marka hore laga leeno tirada dadka ku dhintay abaarta. "Toddoba milyan dad ka badan oo Soomaali ah ayaa halis qarka u saarnaa baa la lahaa xilligaasi, macluul baa waddanka ka dillaaci doonta, laakiin hay'aduhu runtii dadaal weyn bey muujiyeen samafalka, QM iyo hay'adaha kale ee caalamiga ahba.
Dowladda Soomaaliyana iyadoo hormuud u ah ayaa waxaa la isku dayay laguna guuleystay runtii horta in laga hortago. Sabbatoo ah haddii macluushii dhacday sanadkii 2011 ay mar kale waddanka ka dhici lahayd micnaheeda waxay noqon lahayd in wixii horumar ah ee dowladda ay wadday barnaamijyadii deyn cafinta iyo barnaamijyadii horumarinta dhaqaalaha waddanka ay gebi ahaanba istaagi lahaayeen." Ayuu yiri Farxaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii May ee sanadkii hore u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga xiriiriya howlgalka arrimaha bani'aadannimada iyo gargaarka, inuu ka warqabo xaaladda dadka dhibaataysan, kaalmada caalamiga ah iyo kaalmada Soomaalida dhexdeeda. Sidoo kale, marka abaarta laga baxo kaddib, in uu ka shaqeeyo barnaamij cad oo dadkii ay saameysay ee xoolo beelay noloshooda iyo mustaqabalkooda sidii looga sii warqabi lahaa ah.
Madaxweynaha oo xilligaas ka hadlayay magacaabistiisa wuxuu yiri: "Waa shaqo naftii-horennimo ah oo mudanaha uu ugu tabarrucay ummadda Soomaaliyeed, annaguna aan la garannay oo u garannay, wuuna naga aqbalay."