Sababta ay Twitter ugu hanjabtay in tallaabo sharci ay ka qaadi doonto Meta

Xigashada Sawirka, Reuters
Threads oo ay leedahay shirkada Meta ayaa waxaa soo degsatay in ka badan 30 milyan oo qof 18 saacadood gudahood markii daaha laga rogay.
Bartan cusub aya lagu sheegay inay tahay khatartii ugu weyned ee soo wajahdo Twitter-ka.
Maadaama ay ka faa'iidaysatay balaayiinta qof ee isticmaaleysa Instagram iyo in uu u qaab eg yahay muuqaal la mid ah midka Twitter-ka.
Threads Waxaa loogu magac daray "Twitter-Killer", ama dilaaga Twitter-ka.
Maliintii khamiista wuxuu appk-kan wuxuu ahaa kan sareeyay Apple's App Store wadamada UK iyo Mareykanka.
Appkan ayaa imaanaya kadib bilooyin ay ninka leh Meta iyo kan leh Twitter ay isdhaafsanayeen hadalo mal dahan oo xitaa ay kubalameen inay feertamaan.
Twitter-ka ayaa ku hanjabay in tallaabo sharci ah ka qaadi doono shirkadda teknolojiyadda ee Meta oo ku aaddan barnaamijka Threads.
BBC-da ayaa aragtay warqad uu qareenka Twitter-ka u qoray madaxa shirkadda Meta Mark Zuckerberg, isagoo ku eedeeyay Meta inay ku lug leedahay lunsashada sirta ganacsiga iyo hantida garaadka ee Twitterka.
Shirkada Meta ayaa sheegtay in qof kamid ah kooxda injineerinka eeThreads uusan ahayn shaqaale hore oo Twitter ka shaqeyn jiray.
Shirkada badan oo la tartamaya Twitter-ka ayaa soo baxay ka dib markii Musk uu ku iibsaday 44 bilyan oo doolar sannadkii hore, taas oo ay xigeen isbadallo isdaba joog ah oo shirkada ka fogeeyay isticmaalayaasha iyo xayeysiinta.
Talabadii ugu dambeysay ee uu qaaday Musk ayaa aheyd xaddidida tirada qoraallad ay akhri karaan dadka isticmaala bartan.

Xigashada Sawirka, META
Shirkadaha la tartamay Twitter-ka
Shirkadaha kale ee la tartamay Twitter-ka waxay heleen guulo xaddidan.
Mastodon, oo ah barnaamij kale oo Twitter la mid ah, ayaa leh 1.7 milyan isticmaaleyaal firfircoon bishiiba, sida laga soo xigtay shabakadeeda, halka aasaasaha Twitter-ka Jack Dorsey uu taageero Bluesky uu leeyahay ilaa 265,000 isticmaale.
Twitter-ku wuxuu lahaa 229 milyan isticmaaleyaal firfircoon bishii Maajo 2022, sida lagu sheegay bayaan la sameeyay ka hor iibsashada Musk.
Waxyaabaha weli ka maqan barta Threads

Xigashada Sawirka, META
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In kasta oo Threads uu yahay barnaamij keligiis ah, isticmaalayaashu waxay ku soo geli karaan iyagoo isticmaalaya aqoonsigooda Instagram, taasoo ka dhigaysa mid fudud oo loogu talagalay in looga faaideysto isticmaaleyaasha Instagram ee ka badan 2 bilyan bishii.
Daahfurka Threads waxaa ka maqan calaamadaha gambaleelka iyo foorida ee Twitterka uu leyahay.
Threads ma laha hashtags iyo hawlaha raadinta ereyga muhiimka ah, taas oo macnaheedu yahay isticmaalayaashu ma raaci karaan dhacdooyinka waqtiga dhabta ah dhacaya sida Twitter.
Sidoo kale wali ma laha si farimo toos ah laisugu diri karo iyo si computarka nooca desktop-ka loogu isticmaali karo kaas oo ay isticmaalayaasha qaarkood, sida ururada ganacsiga, ay ku tiirsan yihiin.
Maamulaha Twitter-ka Linda Yaccarino, oo uu shaqaaleysiiyay Musk bishii Maajo si uu u kobciyo kalsoonida xayeysiistayaasha, ayaa Twitter-ka ku sheegtay Khamiista in "qof walba codkiisu uu muhiim yahay" app-ka. "Inta badan waa nala koobiyeeyaa -- laakiin bulshada Twitter-ka weligeed lama koobiyeen karo."
Suuqa xayeeysiinta ee Meta iyo Twiter-ka
Hadda ma jiraan wax xayeysiis ah oo ku jira app ka Threads wuxuuna Zuckerberg sheegay in shirkaddu ay ka fikiri doonto oo kaliya lacag-ururinta marka la helo 1 bilyan isticmaale.
Xidhiidhka xayeysiiska ee Instagram iyo Facebook waa inay caawiyaan dakhliga Threads, ayuu yidhi Pinar Yildirim, borofisar ku-xigeenka suuq-geynta ee Jaamacadda Pennsylvania ee Wharton School.
"Facebook waa sharad aan la hubin marka la barbar dhigo Twitter iyo waana ciyaaryahanka ugu weyn suuqa xayeysiiska."
Khamiistii aynu soo dhaafnay, saamiyada Meta ayaa hoos u dhacay 0.2%, ka dib markii ay kor u kaceen 3% Arbacadii ka hor bilawga Threads.











