Ragga ku eedaysan dilka dhaqtar iyo macallinka walaalaha ahaa oo gacanta lagu dhigay

Lamaaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo ku eedaysan in ay dileen labo wiil oo walaalo ah oo kala ahaa dhaqtar iyo macallin dugsi kuwaas oo lagu dilay habeen hore ayaga oo jiifa gurigooda deegaanka Ilix oo qiyaastii 40 km bari kaga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Afarta eedaysane oo laamaha ammaanka ay ku daba jireen maalmihii lasoo dhaafay ayaa lagu qabtay degamada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo baxsad ah, sida uu sheegay guddoomiyaha dedmada Guriceel, Faarax Cabdi Macallin .

"Shalay ilaa dorraad waxaan ku raad joognay rag gacan ku dhiiglayaal oo dil ka gaysatay deeganka Ilix, dadaal dheer kadib maanta ayaan qabannay oo hadda ciidamada amniga ayaa gacanta ku haya," ayuu yir guddoomiyaha Guriceel oo BBC-da la hadlay.

Waxaa uu sheeegay in ragga hadda lagu wareejiyay ciidamada ammaanka ee degmada Cadalle ayada oo dhawaan la keeni doono degmada si loogu maxkamadeeyo sidda ugu dhaqsiyaha badan.

"Dadaal xooggan oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabad sugidda iyo dadweynaha ayaa suurtagaliyay in gacanta lagu dhigo ragga oo mar walba lala socday dhaqdhaqaaqooda iyo halka ay maryaan". Ayuu intaas ku daray guddoomiyuhu.

Sidee u dhacay dilka macallinka iyo dhaqtarka lagu hor dilay hooyadood oo ay muddo kal maqnaayeen?

Labo habeen ka hor ayaa dabley hubeeysan waxa ay tuulada Ilix oo 30 KM u jirta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul-gobaleedka Galmudug ay ku dileeen labo wiil oo walaalo ah kuwaas oo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabaa Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehelada wiilasha ayaa BBC-da u sheegay in Dr Axmed Xasan Cismaan oo in muddo ah deeganka ka maqnaa uu dhawaan yimid si u soo arko hooyadii oo xanuunsanayd iyo in uu xarun caafimaad uu ka hirgaliyo magaaladda Gurceel.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis Qur'aanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay “ ayuu BBC da u sheega Farxaan.

Waxaa uu sheegay in aysan garanayn cida dishay wiilashooda, balse ay jiraan aanooyin qabiil oo mararka qaar ka dhac deeganka.

“Odayaasha dhaqanka, laamaha ammaanka iyo maamulka waxaay noo sheegeen in ay ku dabjoogaan dadka dilka gaystay. Ma jirto cid ilaa iyo hadda aan ognahay oo dilka gaystay, hadii wiilashu ay cabsi qabaan halkas ma imaan lahyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa mudooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dr Axmed Xasan iyo macalin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay - 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno hooyada dhashay labada wiil, balse waxaa naloo sheegay inay ku jirto xaalad murugo oo aad u daran.

Markii dilku dhacayay ayay ku sugnaayeen labada wiil guriga hooyadood, iyada oo hooyadu goobjoog ka noqotay falka naxdinta leh ee farxadii ay wadaageysay wiilasheeda u badalay tacsida xanuunka badan.

Macallin Liibaan Xasan wuxuu ifka uga tagay xaas iyo caruur, waxaa naloo sheegay in Dr Axmed uusan wali guursan sidaas BBC -da la wadaagay Farxaan Cabdullahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin.

Maamulka deegaanka muxuu ka yiri dhacdadaan?

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa falka ku tilmamay mid foolxun.

Waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen balse ciidanka ammaanku wali daba joogaan .

“Dad wareersan oo aan ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigin balse ciidanka ammaanka ay ku dabajoogaan ayaa raggaas laayay,” ayuu BBC u sheegay gudoomiye Geeda-qaoroow.

Dilka labadaan wiil ee walaalo ah ayuu gudoomiayahu sheegay in uu aaminsan yahay in uu yahay mid ku salaysan aano qabiil.

“Meel baadiye ah ayaa ciidanka ammaanku wali ku daba joogaan raadka ragga falka gaystay. Waana la qaban doonaa hadii alle idmo. Markaas ayay cadaan doonta sababt ay dilka u gaysteen," ayuu hadalkiisa raaciyay Geeda-qoroow.

Kooxadda al-Shabab ayuu sidoo kale sheegay inuu tuhunsanayahay in ay lug ku leeyihiin dilalka ka dhaca gobolka .

“Raggii dilka gaystay deegaannada al-Shabaab ay gacanta ku hayaan ayay aadeen. Marka waxaan aaminsanahay in ay lacago ku bixinyaan oo ay dilka qeyb ka yihiin “ ayuu tuhunka uu qabo ku daray Gudoomiye Geeda-qoroow .

Walaaca bulshada ee deegaanka

Dilalka ka dhacay gobolka Galgaduud waxaa walaac ka muujiyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Cadceed Sheekhdoon Diiriye oo ka mid ah odayaash dhaqanka Galmudug ayaa kamid ah dadka ka walwalsan dilalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaan.

“Waa in dib u heshiisiin la sameeya oo dadka walalaaha ay dilka joojiyan. Wixii xalay dhacay waxa ay ahayd wax aad looga xumaado” ayuu Cadceed u sheegay BBC.

Sidoo kale Safiyo Shire Faarax oo ka mid dadka ku nool magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegtay in ay dareemeyso cabsi badanoo si shaqsi ah ula soo daristay.

“Waxaan ogahay qiimaha ay nabad leedahay, waxaan ka xumay dadka is dilay ee walaalaha ah ee maalin kast dhibku dhax yaal. Waxaa hadda na haysta cabsi badan,” ayay tiri Safiyo Shire Faarax oo BBC-da la hadashay.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil. Horay waxaa dil loogu fuliyay nin dhallinyaro ah oo maxkamadi ku heshay inuu nin ganacsade ahaa ku dilay degmada Guriceel.