Qisada Jaceylka ee Taliye Shaah ma-cabe iyo sida uu magaca ugu baxay

Shaah-macabe

Xigashada Sawirka, .

Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magac dheer Shaah-macabe ayaa sida uu horay u sheegay ku dhashay deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku qaatay isla deegaankaas.

Shaah-macabe oo weli la la' yahay ayaa sidoo kale waxbarashadiisa dusiga sare iyo jaamacadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sanadkii 2021 kii markii ay Muqdisho ka bilowdeen rabshadihii ka dhashay doorashooyinka, ayuu ka mid noqday saraakiil hogaamineysay ciidamadii la baxay Badbaado Qaran oo xilligaas ka soo horjeeday muddo kordhin ay Golaha Shacabka Soomaaliya sheegeen inay u sameeyeen xukuumaddii markaas jirtay. ciidamadaas ayaa ahaa kuwa qayb ka ahaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Shaah-macabe ayaa kamid ahaa saraakiil ay dadku maqlayeen magacyadooda intii ciidamadu ay ku sugnaayeen gudaha caasimadda.

Markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu kamid noqday saraakiisha hogaamineysay ciidamada, isaga oo taliye u noqday guutada Cumar Bin Khadaab oo ah guutada 25-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Horay wuxuu u soo noqday Shaah-macabe abaanduulaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga.

Wuxuu ka soo hawlgalay gobollada Soomaaliya, gaar ahaan qaar kamid ah gobollada dawlad goboleedka Hirshabeele.

Shaah-macabe ayaa la la’ yahay tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Cowsweyne ee bishii August ka dhacay Galmudug, kaas oo ay ku dhinteen tiro ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

Jawaahir baarqab oo ay qaraabo yihiin ayaa tiri: “wuxuu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah, oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,”.

Shaah-macabe

Xigashada Sawirka, .

Sidee ugu baxay magacan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shaah-macabe wuxuu ka sheekeyay qiso ay dadku si yaabo kala duwan uga falceliyeen. Qaar ayaa ku tilmaamey inay malo awaal tahay, halka kuwa kalana ay u arkeen wax lagu qoslo.

Sida uu sheegay isaga oo barbaar ah ayuu sheeko la wadaagay gabar gashaanti ah xilli ay ku sugnaayeen miyiga. Ma uusan qiran inuu jeclaaday gabadha, balse waxay u eg tahay inuu aad u caashaqay. “jacaylka hadda la sheegayo waqtigaas lama aqoonine, shuukaansigaas iyo waxaas ayaa la yaqiinay,” ayuu yiri Shaah-macabe.

Waqtigii ay sheeko wadaagga ahaayeen gabadhaas ayuu sheegay in uu gurigooda ugu tagay, lana soo haasaaway. Markii ay waqti wada qaateeb ka dib ayu sheegay inay ku soo noqday hoygooda.

Shaaha ayuu ku tilmamaay inuu waagaas ahaa cabitaanka ugu wanaagsan ee ay heli kareen dadka deegaankaas uu joogay – dhabtiina wuxuu noqday dhaqan la qabatimay oo ka jiray deegaanka.

Markii uu gurigooda gaaray, ayaa loo dhiibay koob shaah ah oo qaac ka baxayo. Waxay noqotay markii ay bilaabatay mucjisadii ku reebtay naaneysta uu ku caanbaxay ee ‘Shaah-macabe.

Shaah-macabe

Xigashada Sawirka, .

“Koobkii shaaha ahaa ee la soo shubay markaan qaatay ayaan waxaa arkay gabadhii aan ka soo tagay oo dhexdiisa ka muuqata,” ayuu yiri. “Koobkoo kulayl ah oo shaahii uu ku dhex jiro isagii oo qaacaaya ayay dhexdiisa iiga muuqatay”.

Ka dib, wuxuu sheegay inuu magaceeda ugu yeeray, balse dadkuu lajoogay ayaa ku yiri: “Hebla meeshaan ma joogto”.

“Shaahii meeshii ayaan uga tagay. Shaah oo dhan maalinkaas ayaa iigu dambeysay,” ayuu yiri Shaah-macabe.

Xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu sheegay inuusan shaah cabin. Waxaana haatan laga joogaa muddo 18 sano ah.

Laakin nasiib darro ama nasiib wanaag midaad u aragtaba, Shaah-macabe calaf uma helin gabadhii uu darteed shaaha uga go’ay.