Guddiga NCIC ee Kenya oo dalbaday in uu horyimaado Faarax Macallin

Faarah Maalim

Guddiga qaran ee isku duubninda iyo isdhexgalka ee NCIC ee Kenya ayaa u yeeray xildhibaanka laga soo doortay Dhadhaab, Faarax Macallin.

NCIC waxay sheegeen in xildhibaanka uu guddiga horyimaado maalinta Khamiista ah ee July 11.

Guddigu wuxuu sheegay in ay baarayaan hadallada lagu eedeeyay Faarax ee la xiriira bannaanbaxyadii Gen Z ee looga soo horjeeday sharciga maaliyadda 2024-ka.

“U yeeridda waa sida uu dhigayo qodobka 27-aad ee Xeerka Isku duubninda iyo Is-dhexgalka Qaranka, gaar ahaan qodobka 12 ee 2008 oo dhigaya in NCIC ay awood u leedahay in ay u yeerto markhaatiyaasha, sidoo kalana ay soo bandhigto dukumentiyo oo ay baarto markhaatiyada iyo xisbiyada dhaarta," NCIC ayaa tiri.

“Faarax Macallin waxaa looga baahan yahay in uu horyimaado guddiga si uu gacan uga geysto baaritaannada aan soo sheegnay ee socda”.

NCIC waxa ay sheegtay in haddii uu hor imaani waayo taariikhda, iyo wakhtiga loo sheegay, ay tahay dembi sida ku cad Qaybta 63 (c) sida lagu akhriyay Qaybta 63 (e) ee Xeerka NCIC.

Xisbiga Wiper Party ee uu ka tirsan yahay ayaa iska fogeeyay hadal uu sheegay Xildhibaan Faarax Macalin oo laga soo doorto deegaanka Daadab kaas uu ka yiri Mudaaharaadyada Xeerka Maaliyadda 2024-ka.

Xisbiga Wiper waxa uu sheegay in dhaqanka lagu eedaynayo Faarax Macalin uu yahay mid ka soo horjeeda mabaadi’da haga xisbiga.

Golaha Sare ee Qaranka ee Wiper's ayaa go'aamiyay in laga saaro Macallin dhammaan guddiyada baarlamaanka.

Golaha ayaa waxa kale oo ay ku taliyeen in Macalin oo sidoo kale ah ku xigeenka hogaamiyaha Xisbiga Wiper laga saaro xisbiga.

kenya

Xildhibaan Faarax Macallin muxuu ka yiri eedaha loo haysto

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaan Faarax Macallin oo ka jawaabayay muuqaal laga duubay oo la sheegay in uu kaga hadlay sida uu ka yeeli lahaa dadka dibadbaxayayay ayaa u sheegay KTN in uu yahay muuqaal wax laga beddelay oo la sameeyay.

“Waa la jarjaray oo laysku dhajiyay, erayo meelo kala duwan laga soo qaatay ayaa laysku daray. Waxyaabo badan oo qashin ah ayaa ka buuxa. Waa Soomaali waxa sidaa sameyn kara, waayo siyaasadooda ayaan ku miisaamay. Ma ahan sawirka saxda ah” ayuu yiri Faarax Macallin.

Fiidoywga oo meelo badan gaaray ayaa lagu arakayay Xildhibaan Faarax oo Afsomali ku hadlaya, oo dhahaya hadii uu ahaan lahaa madaxweynaha Kenya in uu dili lahaa maalinkasta 5,000 oo dibadbaxayaal ah.

Waxaa lagu eedeeyay in muuqaalka uu ka dhex sheegay in dhallinyarada dibadbaxayaasha ay yihiin kuwa ka soo jeeda qoysaska hodanka ah kaddibna lagu soo daadiyay magaalada, ujeedkuna uu yahay in ay rabshado abuuraan.

Dadweynaha Kenya waxay dalbadeen in la xiro oo dacwad lagu soo oogo xildhibaan Faarax Macallin oo la sheegay in hadaladiisa ay yihiin kicin looga horjeedo dhallinyarada reer Kenya ee dibadbaxayaasha ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xildhibaan Faarax Macallin hadallo uu sheegay ay xiisad abuuraan. 2010-kii ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Wetangula ka codsaday Baarlamaanka kenya in baaritaan uu ku sameeyo Faarax Macallin oo xilligaas ahaa Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaank. Baaritaankaas, ayaa uu wasiirku sheegay in uu ku saabsan yahay hadallo la sheeghay in uu guddoomiye ku xigeenku ka jeediya mar uu sanadkii hore booqday Somaliland.