You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Isbitaalada Beirut oo buuxsamay iyo xisbullah oo sheegtay in ay aargudan doonto
Sida ay sheektay Xisbullah waxaa la filayaa in maalinamada Khamiisa ah uu khudbad jeediyay hugaamiyaha ururka, Xassan Nasrullah, kadib markii ay qarxeen agabkii is gaarsiinta guud ahaan Lubnaan maalinkii Talaadada.
Ururka Xisbullah ayaa waxa uu balan qaday “in ay sii wadi doonaan hawlgalladooda ka dhanka ah Israel ee ay ugu hiilinayaan Gaza”.
Xizbullah ayaa waxay u baroordiiqaysaa dhimashada sideed ka mid ah dagaal yahanadeeda oo uu ku jiro wiil uu dhalay xildhibaan ka tirsan Xisbullah oo lagu magacaabo Ali Ammar.
Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan Firas Al-Abyad, ayaa waxa uu sheegay in tirada dhaawaca ay gaarayso ilaa 2750 ruux halka dhimashaduna ay tahay sagaal ruux oo ay ku jirto gabar sideed jir ah , waxayna sheegeen in tiradaani aysan ahayn mid kama dambaysa oo ay waxbadan is badali karaan.
Waxay balanqaadeen in ay aarsan doonaan
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka warka sheegaya in ay qaraxeen dhowr qalab ah oo loogu talagalay in farriimaha la isku waydaarsado, kuwaas oo ay haysteen shaqaale aad u badan oo ka tirsan xarumaha kala duwan ee Xisbullah.
Ururka ayaa bayaankiisa ku daray in markii ay baaritaan, xaqiiqo raadin ah ku sameeta, xogta iyo macluumaadka la hayo ay ogaadeen in “Cadawga Israa’iil uu yahay kan sida tooska ah mas’uul ka uga ah falkaan ka dhanka ah dadka rayidka ah,” waxa aanu ballan qaadaynaa in uu ka aargudan doono.
Dhankeeda, dawladda Lubnaan ayaa cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay “Dambi ay Israa’iil gashay, kaas oo ka dhigan xad-gudub culus oo ka dhan ah madaxbannaanida Lubnaan, waana dembi dhan kasta oo laga eego”.
Golaha Wasiirada ayaa yiri "dowladu waxay si deg deg ah u bilaabi doontaa inay xiriirada lagama maarmaanka ah la sameyso wadamada kale iyo Qaramada Midoobay si ay ugala xisaabtanto (Israa'iil) dambiyada ay gashay."
Israa’iil ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin eedeymaha ay jeedisay Lubnaan, balse talafishinka Qaranka ee Israa’iil ayaa baahiyay in “dhamaan golaha wasiiradda lagu amray in aysan wax war ah ka bixin arrinkaam.”
Isbitaalada oo buuxsamay
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa xaqiijiyay dilka wiil uu dhalay xildhibaan ka tirsan Xisbullah oo lagu magacaabo Cali Cammaar oo lagu dilay weerarka iyo dhaawaca wiil uu dhalay xildhibaan kale oo lagu magacaabo Xasan Fadlallah.
Isbitaalo dhowr ah oo ku yaal Beirut ayaa ku dhawaaqay inay buuxaan sabab la xiriirta tirada badan ee dhaawacyada. Wasaaradda caafimaadka dadweynuhu waxay ka codsatay isbitaallada inay diyaar noqdaan oo ay sare u qaadaan heerkooda diyaargarowga.
Laanqayrta cas ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqday diyaarinta 50 ambalaas oo dheeraad ah iyo 300 shaqaalaha gargaarka degdega ahsi ay u caawiyaan dhibanayaasha.
Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ku wajahan dhammaan shaqaalaha waaxda caafimaadka inay si degdeg ah u tagaan goobahooda shaqo si ay u daboolaan baahiyaha caafimaad ee degdegga ah.
Wasaaraddu waxay ka codsatay dhammaan muwaadiniinta haysta qalabka isgaarsiinta ee qarxaya inay si degdeg ah u tuuraan.
Weerarada Siiriya
Weerarada noocaan oo kale ah ayaa laga soo sheegayaa xaafadaha koonfurta xiga ee Bekaa, Nabatieh, Al-Xush, Bint Jbeil, Tire, iyo koonfurta Lubnaan iyo waliba qaar kamid ah gobolada dalka Siiriya, sida ay shaacisay warbaahinta Siiriya.
Kooxda la socdkaa Xuquuqda Aadanaha ee Dalka Suuriya ayaa iyana shaacisay in 14 xubnood oo ka tirsan Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladaha isgaarsiinta iyaga oo ku jiray gudaha gaarigooda magaalada Kafr Sousse ee dalka Suuriya.
Sidoo kale waxaa jira qaraxyo kale oo ka dhacay aagagga Sayyada Saynab iyo Galbeedka Qalamuun, kuwaasi oo la xaqiijiyay inay yihiin qaraxyo la mid ah kuwii ka dhacay dhowr meelood oo ka tirsan dalka Lubnaan.
Kooxda ayaa ku sheegtay tirade dhaawaca 14, balse ma aysan sheegin dhalashadooda.
Dhanka kale qof xog ogaal ah oo ka tirsan ururka Xisbullah ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP in xubno ka mid ah ururka ay ku dhaawacmeen qaraxyo isgaarsiineed oo ka dhacay Syria, balse ma aysan sheegin tiradu inta ay dhan tahay.