You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ansixinta dastuurka kadib maxaa xiga sidee ayayse shaqadiisa u bilaabanaysaa?
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qalinka ku duugey cutubyadii isbeddelka lagu sameeyey ee Dastuurka, kaas oo baarlmaanka federaalku uu ansixiyey Sabtidii la soo dhaafay.
Qodobada Afarta cutub ee la meel mariyey waxaa ku jirey isbedel lagu sameeyey hannaanka doorashooyinka iyo habraaca cusub ee loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamaan xisbiyo badan.
Wax ka badalkan la ansixiyey ayaa khuseeya afarta cutub ugu horeysa ee Dasturka ku meelgaarka ah. Tani ayaa ka dhigan in ay harsan yihiin 11 cutub oo kale kuwaas oo u baahnaan doona bilooyin kale oo dheeraad ah si loo gabyo-tiro.
Wax ka badalkan cusub ayaa xeerinaya in muddo xileedka mudada federaalka u nogonayo shan sanadood halka u markii hore ka ahaa afar sano. Tani ayaa ka dhigan in sanad dheeraad ah ay heli doonan hoggaanka haatan xilka haya.
Hase yeeshee ansixinta kadib maxaa xiga?
Waxa uu noqon karo qorshaha xiga ee lagu dhaqaaqayo waa su’aasha ugu badan ee ay dadku is weydiinayaan.
Waxaase xusid mudan in howshani ay mas’uul ka yihiin, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
BBC-da ayaa wax ka weydiisay Xoghayaha Guud ee Guddigaas Cabdiriaaq Bashir isagoo yiri, ”Sida uu dhigayo dastuurka hadda la ansixiyay, waxaa xigi doona si loo gaaro doorasho, in shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka la sameeyo, sida sharciga doorashooyinka, sharciga xisbiyadda siyaasadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka in dib u egis lagu sameeyo, maadaama dastuurka lagu daray tilmaamo awal aan ku jirin ”.
Waxa kale oo uu sheegay in ay horay u jirtay in xubnaha guddigu ay ka yaraayeen tirada hadda la ansixiyay, in xisbiyadu ay badnaayeen iyo in muddo xileedka xukuumadda ay wax iska bedeleen, shaqadaasi oo idilna hadda ay u baahanayahay in lagu dhaqaaqo.
Waxa uu si gaar ah u dul istaagay guddiga uu xohyaha ka yahay oo uu shegay in ay jireen caqabado badan oo ku xeeran isla markaana hadda ay ku hanweynyihiin in laga gudbo.
”Caqabadihii nasoo maray waxaa kamid ahaa in doorashada aysan waqtigeeda ku dhici jirin, waxa doorashooyinka saldhig u ah shuruucda, sida sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay 2020-kii, iyadoo muddo xileedka dowladdu ay ka dhimantahay bilo, sharciga marka la diyaarinaya waxa uu u baahanayahay muddo labo sano ah oo laga diyaarinayo xeer hoosaadyo, habraacyo, hagayaal, latashiyo dadweyne, iyo waxyaabo kale oo badan, intaas oo dhan ayeynaan wakhti u heysan, waana fursad hadda la helay” ayuu yiri Xoghaye Cabdirisaaq Bahiir.
Sidee Doorasho qof iyo cod ah u dhici kartaa?
Sida aan soo sheegnay waxkabadalka dastuurka waxaa qayb ka ah habraacyada loo marayo doorasho qof iyo cod ah, waxaase la is weydiinayaa sida ay hadda macquul noqon karto.
”Runtii wakhtigan waxaa muuqat in madaxda dalka ay wakhti badan ku bixinayaan doorasho qof iyo cod ah oo ay muujinayaan heellanaan iyo in mudnaanta ay siinayaan, maadama ay howlahu bilaabeen wakhti ku haboon, waa fursad fiican oo hay’adda doorashooyinka ayaa dhisan, xeerar badan ayaa la diyaariyay, aqoonsiga muwaadinka ayaa meel fiican maraya, degmooyin badan ayaa gacanta lasoo geliyay oo hadda xor ah, sidaas daraadeedna waxa ay u muuqataa in wax waliba ay hagaagi karaan”.
Waxaa sidoo kale is weydiin mudan in haddii ay dhici weydo doorasho qof iyo cod ah 2026 ay saameyn kale noqon karto, waxaase la’is weydiinayaa sida uu xalku noqon karo.
Xoghaye Cabdirisaaq oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in Soomaalidu aysan weyneyn qaab ay wax ku xallisato balse uu sheegay in lagu rajo weynyahay in habkan uu shaqeeyo.
Qaar kamida siyaasiyiintii xilalka dalka kasoo qabtay ayaa si weyn u dhaliilay ansixinta dastuurkan, sidoo kale maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan raacsaneyn sida ay u socdaan howlaha dastuurka oo ay ku sheegeen in aan heshiis lagu ahayn.
Waxa ay Puntland sheegtay in arrimeheeda ay iyadu gaar u tahay, wixii khuseeyana ay kala xaajoon doonto beesha caalamka.