You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qiimaha dahabka oo cirka isku shareeray, imisaa lagu kala iibsanayaa?
- Author, Osmond Chia
- Role, Weriyaha ganacsiga
Qiimaha dahabka ayaa gaaray rikoorkii ugu sarreeyay oo ka badan $4,000 (£2,985) halkii wiqiyadood (28 garaam) iyadoo maalgashadayaasha ay raadinayaan meelo ammaan ah oo ay lacagtooda ku shubtaan sababo la xiriira walaaca laga qabo hubanti la'aanta dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee adduunka.
Dahabka ayaa waxaa ku dhacay qiime kororkii ugu weynaa tan iyo 1970-meeyadii, isaga oo kor u kacay in ka badan 25% tan iyo bishii Abriil markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay canshuuraha taas oo ka careysiisay ganacsiga adduunka.
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in arrin kale oo ay ka walaacsan yihiin maalgashadayaasha ay tahay dib u dhac ku yimaada sii deynta xogta muhiimka ah ee dhaqaalaha sababo la xiriira xiritaanka dowladda Mareykanka, maaddaama lagu wado inay gasho todobaadkii labaad.
Dahabka waxaa loo arkaa waxa loogu yeero maal-gashi badbaado leh, kaas oo la filayo in uu xajisto ama uu kordho qiimihiisu waqtiyada suuqa uu kacsan yahay ama uu hoos u dhaco dhaqaalaha.
Qiimaha dahabka diyaarsan - qaddarka aad helayso haddii aad ku iibiso birta qaaliga ah suuqa - ayaa kor u kacay $4,011 halkii wiqiyadood subaxnimadii Arbacada gudaha Aasiya.
Gold Futures - oo lagu cabbiro dareenka suuqa - wuxuu gaaray heer isku mid ah 7 Oktoobar. Futures waa heshiisyo lagu iibsanayo ama lagu iibinayo hantida taariikh hore loo go'aamiyey oo mustaqbalka ah.
Xiritaanka dawladda Maraykanka, oo ay ka dhalatay ciriiri ku yimid kharashaadka dadweynaha, ayaa ah "dabaysha daba socota qiimaha dahabka", ayuu yiri Christopher Wong oo ka tirsan OCBC, oo ah khabiirka qiimeyaasha bangiga oo fadhigiisu yahay Singapore.
Maalgashadayaashu waxay u weecdeen dhanka hanti ammaan ah sida dahabka intii lagu jiray shaqo joojinnadii hore ee dowladda Mareykanka.
Wuxuu kor u kacay ku dhawaad 4% intii lagu jiray xiritaanka muddadii bisha ahayd ee Trump mudd0-xileedkiisii kowaad ee Aqalka Cad.
Laakiin qiimaha dahabka ayaa hoos u dhici kara haddii xiritaanku uu si dhaqso ah u dhamaado si ka badan inta maalgashadayaasha qaar ay filayaan, ayuu yiri Mr Wong.
"Sare u kaca aan horay loo arag" ee dahabka bishii la soo dhaafay ayaa dhaaftay filashooyinka falanqeeyeyaasha, ayuu yiri madaxa suuqa ee bangiga UOB Heng Koon How.
Waxa uu intaa ku daray in kor u kaca uu sidoo kale ku xiran yahay hoos u dhaca doollarka Maraykanka iyo dad badan oo aan xirfad u lahayn wax iibsashada, oo loo yaqaan maalgashadayaasha tafaariiqda, oo iibsanaya dahabka.
Gregor Gregerson, oo ah aasaasaha shirkadda ka ganacsata biraha qaaliga ah ee Silver Bullion, ayaa sheegay in uu arkay tiro macaamiisha ah in ka badan labanlaab sannadkii la soo dhaafay.
Maal-gashadayaasha tafaariiqda, bangiyada iyo qoysaska hodanka ah ayaa si isa soo taraysa ugu weecanaya dhanka dahab, iyaga oo u arkayay inay tahay badbaado ka dhan ah hubanti la'aanta dhaqaale ee caalamiga ah, ayuu yiri.
"Inta badan macaamiisheenna waa kuwa dahabka heysta muddo dheer," ayuu Mr Gregersen intaa ku daray, isagoo sharxaya in inta badan macaamiishiisa ay keydiyaan dahabkooda in ka badan afar sano.
"Dahabku mar uun buu hoos u dhici doonaa, laakiin waxaan aaminsanahay marka la eego jawiga dhaqaalaha, inuu kor u kacayo ugu yaraan shan sano oo soo socota," ayuu intaa raaciyay.
Sida Mr Gregersen uu iftiimiyay, qiimaha dahabku hoos ayuu u dhacayaa sidoo kalena kor ayuu u kacayaa.
Waxaa laga yaabaa in qiimihiisu hoos u dhaco haddii ay kor u kacaan heerka ribada ama xiisadaha juqraafiyeed iyo hubanti la'aanta siyaasadeed ee fudud, ayuu yiri Mr Wong's OCBC.
Bishii Abriil, tusaale ahaan, qiimaha dahabka ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 6% ka dib markii Trump uu ka laabtay inuu eryo guddoomiyaha Fed Jerome Powell, ayuu yiri.