Maxay tahay sababta Canada u joojineyso in ay deganaasho iyo dalkugalba siiso ajaanibta?

Visa

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa waxa uu sheegay in dawladdiisu ay hoos u dhigeyso tirada shaqo la’aanta, iyada oo yarayn doonta bixinta dalku galka ku meel gaarka ah ee Canada iyo deganashaaha intaba.

Ra’iisul wasaare Trudeau ayaa waxa uu arrintaan uga dhawaaqay shirka golahiisa wasiiradda oo ay ku gorfeynayeen ajandaha saddexda bilood ee soo socota.

Arrintaan ayaa waxay imaaneysaa xilli ay sii kordhayaan mujtamacyo badan oo dhaqaale yahanadu ku sheegeen in ay dhibaato ku yihiin guryaha iyo adeegyada caafimaadka.

Kororka baaxadda leh eek u yimid dalka Canada gaar ahaan dhinaca mujtamaca ayaa ah ilaa 97% mid ka yimid dhinac soo galootiga, sida lagu sheegay qiimayn ay sameysay dawladdu.

Gudaha Canada ayaa waxaa dadka qaar aysan xal u arag talaabada uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Trudeau.

Feysal Xasan oo horay uga mid ahaan jiray baarlamaanka dawlad goboleedka Ontario ee dalka Canada ayaa waxa uu urkaa arrintaan qowda maqashii waxna ha u qaban.

“Hadalka ra’iisul wasaaraha ee ah hoos u dhigidda shaqaalaha kumeel gaarka ah, waa arrin ku salaysan siyaasad maadaama ay ku fashilmeen arrintii wasaaradooda socdaalka ee ay dad ka badan 1 milyan ay ku yimaadeen”, ayuu yiri Feysal oo BBC da la hadlay.

Feysal ayaa waxa uu sheegay in tirada badan ee soo galootiga Canada ay sababtay in dad badan ay waayeen meelo ay ku hoydaan oo qaarkood ay jiifayaan wadooyinka, maadaama aysan jirin shaqooyin ay noloshooda ka maarayn karaan.

Gudaha dalka Canada gaar ahaana xisbiga talada haya ee dalkaas ayaa waxaa jira cadaadis xooggan oo ku saarayo ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisaba in uu is casilo, maadaama ay walwla ka qabaan doorashada soo aadan in ay guulaysan waayaan.

Sababta walwalka keentay ayaa ah in arrinta shaqa la’aantu ay culays ku haysya shacab badan, waxayna u aaneynayaan xukuumadaan haatan ee Canada in masuul ka tahay.

Justin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Balse dadka qaar ayaa ka ra’yi duwan Feysa;l, iyaga oo sheegay in arrintaan ay noqon karo talaabo muhiim ah oo yarayn karta culayska shaqo la’aanta.

“Qofkaas ajnabiga ah, oo si kumeel gaar ah u jooga dalka, shaqadiisii waxaa qaban doona mid Canadian ah oo wadani ah”, ayuu qabaa Cawil Axmed oo ah Soomaali haysta dhalashada Canada oo BBC da la hadlay.

Dadka sanadihii ugu dambeeyay la siiyay dalkugalka iyo daganaashaha Canada ayaa waxaa ka mid ah Soomaali door ah.

Inkasta oo haatan qaarkood haystaan sharciga dalkaas, aya ahadana sida uu qabo cawil waxay qayb ka yihiin kuwa ay saameysay shaqo la’aanta ka jirta dalkaas.

Intooda badan ayaa waxaa keenay sida uu sheegay cawil Soomaali kale oo ay qaarkood qaraabo yihiin dadka ay keeneen.

“Dadkii dadka keenay markii hore waxay ku talo galeen in ay shaqo helayaan oo ay warshadihii iyo batroolkii iyo wixii oo dhan [ay ka shaqayn] doonaan, laakiin hoos ayay u dhacday – madaxeey isla gashay”, ayuu yiri Cawil.

Canada ayaa sida ay sheegtay dowladdu waxaa kor u kacay heer shaqo la’aanta oo gaaray 6.4% labadii bil ee la soo dhaafay, taas oo sida la qiyaasay shaqo la’aan ku keentay 1.4 milyan oo ruux.