Shantan arrin samee ka hor inta aadan seexan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay qabaan khubarada, waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyno si miyir la'aan ah. Ma garan karno inta ay saameeyaan hurdadeena.
Sababo la xiriira hurdo la'aan ama saacada jirkeena oo saameysay, waxaan sidoo kale la kulmi karnaa niyad-jabka iyo xanuunka laba-cirifoodka. Sidaa darteed, fahamka baahida hurdo wanaagsan waa mid aad muhiim u ah.
Su'aashu waxay tahay maxaa la sameeyaa si aan hurdadu u dhibin.
1: Gaabi iftiinka telefoonkaaga
Isticmaalka taleefoonnada gacanta iyo Laptop-yada ayaa maalmahan noqday sida balwadda oo kale. Dad badan ayaa saacado ku qaata daawashada riwaayadaha iyo filimada laptop-yada laakiin in yar ayaa og in saameyn xooggan ku yeeshaan hurdadeena.
Aaladahan elegtarooniga ah waxa ay sii daayaan iftiin gaar ah oo buluug ah oo xoog badan. Iftiinkaas awgiis, hormoonka melatonin si fiican uguma shaqeynayo jirka. Waa hormoonka ka mas'uulka ah hurdada.
Professor Malcolm von Schantz oo ka tirsan jaamacadda Surrey ayaa soo jeediyay in isticmaalka aaladahan la joojiyo saacad iyo badh ka hor wakhtiga hurdada.
2: Waqti cayiman sameyso si aad u seexato

Xigashada Sawirka, Getty Images
In waqti cayiman la sameyto xilliga hurddada waa lama huraan si loo ilaaliyo in qofka uu hurddo fiican helo.
Inaad seexato xilli isku mid ah maalin kasta waxa ay leedahay waxtar weyn. Laakiin haddii aad saacado kala duwan seexato waxay khatar waxay keeni kartaa khatar caafimaad.
3: Qolka hurdada ka ilaali wax kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa wax caadi ah in dad badan ay laptops iyo charger-yada ay haystaan ku kala firaarsan yihiin sariirtooda, laakiin haddii aan rabno inaan si fiican u seexano, waxaa muhiim ah in aan fahanno in marka qolkaaga jiifka uu hagaagsan yahay ay hurdaduna fiicnaaneyso.
Waxaa fiicant in telefoonada, laptop-yada iyo qalabka kale ee elegtarooniga ah qol kale ama fadhiga la iska geeyo marka aad seexaneyso. Halkii aad alaarmiga taleefankaaga ku xiri lahayd, waxaa haboon inaad soo iibsato saacad kuu sheegeysa xilliga aad tooseyso.
Qaboojinta qolka ayaa sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hurdada raaxada leh. Way u fududahay jirka inuu ku seexdo meel qabow marka loo eego meesha kulul.
4: Samee wax aad joogteyso xilliga hurdada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxyaabaha qaarkood ee la sameeyo hurdada ka hor haddii aad sameyso maalin kasta, jirku wuxuu la qabsanayaa inay tahay waqtigii hurdada.
Akhrinta buugaagta, dhageysiga heesaha, qubeyska ayaa ka mid ah waxqabaha la sameyn karo ka hor hurdada.
Isla markaad bilowdo inaad sameyso, jirku wuxuu bilaabi doonaa inuu hurdo isu diyaariyo.
Waalidiinta intooda badan sidaas oo kale ayay ku sameeyaan carruurta. Waalidiin badan ayaa naaska nuujiya ama u qubeeya ilmahooda ka hor intaanay seexan. Inta badan waxaa loo sheegaa sheekooyin marka la gaaro xilliga hurdada.
Marka sidaas la sameeyo maalin kasta, jirka ilmuhu wuu la qabsanayaa oo uu fahmayaa inay tahay waqtigii hurdada.
5: Iska ilaali maaddada cafeine-ka
Waad dareemi kartaa marka qaxwada habeenkii goor dambe aad cabto hurdo hurdda la’aan ayaa kuugu dhaceyso. Waxaa taasi sababa maaddada cafeine-ka ee ku jirta kafeega.
Laakiin caffeine kaliya kuma jiro qaxwada waxaa sidoo kale ku jira waxaa laga helaa shaaha iyo cabitaano qabow oo badan.
Cabitaanka shaaha ama kafeega fiidkii sidoo kale waxay saameyn karaan hurdadaada sababtoo ah saameynta caffeine ee jirkeena waxay socotaa shan ilaa sagaal saacadood.













