Caro ka dhalatay nin la dilay oo meydkiisa la geeyay xabsiga dumarka

Madaxweynaha waddanka Paraguay ayaa xilkii ka qaaday wasiirkiisii cadaaladda kaddib markii ay soo baxday in maydka nin fallaago ahaa la geeyay xabsiga haweenka, si walaashiis oo xabsigaas ku jirta ay ugu baroordiiqdo.

Tallaabada ayaa kicisay carada ehelka dhibanayaasha kooxda fallaagada ah.

Ninka fallaagada ah ee dhintay oo lagu magacaabi jiray Osvaldo Villalba iyo walaashii Carmen ayaa xubno sarsare ka ahaa fallaagada hubaysan ee Paraguay.

Kooxdaas ayaa dishay, afduubtayna tobannaan qof. Osvaldo Villalba, oo 39-jir ahaa ayaa Axaddii waxaa dilay ciidammada ammaanka.

Waxa uu noqday hogaamiyaha kooxdaasi yar balse ah jabhad qalalaase badan kaddib markii taliyayaashii kooxda oo ay ku jirto walaashii ka wayn Carmen, xabsiga loo taxaabay.

Talaadadii, ehelka ayaa maydka ninkaasi ku qaaday naxash oo waxa ay geeyeen albaabka laga galo xabsiga Good Shepherd, halkaas oo Carmen Villalba ay ku qaadanayso xabsi daa'in ay ku mutaysatay iskudayga dil saddex askari oo ka tirsan booliska, mar uu dhicisoobay qorshe ay doonaysay inay xabsiga uga baxsato sanadkii 2004.

Markii hore, wasiirka cadaaladda, Édgar Taboada, ayaa dib u celiyay kooxda meydka wadday, isagoo markaas sheegay inuu “la yaabay” naxashka Meesha la keenay.

Waxa uu sheegay inay hore u jiri jirtay in maxaabiista loo ogolaan jiray inay ka qeyb galaan aaska dadka ay jecel yihiin hasayeeshee waqti hore la sii codsan jiray oggolaanshaha, kaddibna loo baahan jiray in la diyaariyo ilaalo.

Markii naxashka dib loo celiyay kaddib ayaa hannaanka lagu aasayay maydka waxa uu ka sii socday xabaal aanan sidaasi uga fogeyn jeelka, hasayeeshee daqiiqado kaddib, naxashkii ayaa dib mar kale loogu celiyay xabsiga, markanna, naxashkii gudaha ayaa loo geliyay jeelka iyadoo ay ilaalinayaan tobannaan ka tirsan ciidammada la dagaallama rabshada ah.

Warbaahinta Paraguay ayaa sheegaysa in Carmen Villalba oo wax ka aasaastay fallaagada, walaalkeed oo da’yarna ku dartay kooxda, loo oggolaaday inay shan daqiiqo la joogto naxashka uu ku jiray maydka.

Mr Taboada oo arooryadii hore ee Talaadadii uun loo dhaariyay inuu noqdo wasiirka cadaaladda, ayaa raadiye wararka ku baahiya Paraguay u sheegay in agaasimaha xabsiga uu u sheegay in maxaabiista ay ku gooddiyeen inay qalalaase samayn doonaan haddaanan Carmen Villalba loo oggolaan inay aragto maydka walaalkeed.

Waxa uu sheegay in ugu dambayntii ay mas’uuliyiintu qaateen go’aanka ay maydka ugu fasaxayaan in gudaha loo geliyo xabsiga si “looga baaqsado inay dhacaan” wax ka xun arrinta taagan.

Gelinkii dambe ee Talaadadii, xafiiska Madaxweyne Mario Abdo Benítez ayaa shaaciyay in Mr Taboada laga eryay shaqada, waxaa kale oo shaqada laga eryay madaxa xabsiga haweenka.

Tallaabada qeyrul caadiga ah ee meydka lagu geeyay xabsiga ayaa abuurtay caro weyn oo ay muujiyeen dad badano o ka mid ah muwaadiniinta Paraguay. Si gaar ah waxaa arrintan uga carooday qaraabada saddexda nin ee ay kooxda EPP afduubteen sannado ka hor.

Qoyska madaxweyne ku xigeenkii hore, Óscar Denis oo ay afduubteen kooxda EPP sanadkii 2020, meel uu ku dambeeyayna aan ilaa hadda la ogeyn ayaa sheegay in dowladdu ay “wax ciyaar ciyaar ah ka dhiganeysay argagixsada, taasina ay aflagaaddo ku tahay qoysaska dhibbaneyaasha u ah kooxda EPP”.

Qaraadaba Félix Urbieta, oo ahaa milkiilaha beer weyn oo ay kooxdan afduubteen lix sano ka hor, ayaa warqad furan oo ay qoreen ku sheegay in “maanta ay wax sababeyntii iyo caqligii la adeegsanayay labaduba dhinteen”.

Dad badan oo ka mid ah kuwa wax falanqeeya ayaa sidoo kale ka digay in u dabacsanaanta hanjabaadaha ay sababi karto xaalad aan la mahdin.