Soomaaliga saaxiibka lahaa Raila Odinga ee shaqeynayay isaga oo sagaashan jir ah

Qoyska Garyare

Xigashada Sawirka, Qoyska Garyare

    • Author, Khaliif Xasan Faarax
    • Role, La-taliye sare howlgalka QM ee Koonfurta Suudaan

Allaah ha u naxariistii mid ka mid ah Soomaalida ugu faca weyn ee weli shaqeynayay ayaa geeriyooday. Waa Nuur Axmed Weheliye (Nuur Garyare) oo ka mid ahaa khuburadda ugu aqoonta dheeraa arrimaha qorsheynta iyo tirakoobka Soomaaliya.

Waxa uu ka shaqeynayay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya kontan iyo shantii sano ee lasoo dhaafay.Waxa uu talaadii (18 July 2023) ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isaga oo ku dhow sagaashan jir, weli na shaqeynaya.

Kumuu ahaa Nuur Garyare?

Nuur wuxuu ku dhashay 1935, kuna soo barbaaray deegaanka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, isagoo waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay magaalada Gaalkacyo. Wuxuu la shaqeeyay shirkada facaweyn ee Maraykanka ee loo yaqaanay Sinclair taas oo horraantii qarnigii hore Soomaaliya ka baari jirtay shidaalka. Nuur oo ahaa nin inta badan isagu wax is baray isagoo yar oo noloshiisa maareeyey wuxuu horraaantii lixdameeyada waxbarasho jaamacadeed u tegay Jarmalka bari, isagoo soo bartay cilmiga dhaqaalaha iyo Istaatistikada. Dadkii ay jaamacada isla dhigteen oo ay halkaas rafiiq ku noqdeen waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna imminka hoggaamiyaha mucaraadka Kenya, Raila Odinga.

Nuur wuxuu waddanka ku soo laabtay 1968-dii wuxuuna ku biiray shaqaaalaha dawladda isaga oo ka hawl galay wasaaradda Qorsheynta, isagoo madax ka noqday waaxda tirakoobka (istaatistikada). Dadkii ay isla soo shaqeeyeen waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Siilaanyo oo horraantii dawlada kacaanka Wasaarada Qorsheynta wasiir ka noqday iyo Xuseen Ceelaabe Faahiye AUN oo agaasime guud ka ahaa muddo dheer wasaaradda qorsheynta kaasoo ay saaxib shaqo iyo mid shaqsiba ahayeen waqti dheer.

Dibedjoognimo iyo nidaamkii kacaanka

Qoyska Garyare

Xigashada Sawirka, Qoyska Garyare

Dhamaadkii toddobaatameeyadii wuxuu Nuur deeq waxbarasho ka helay dalka Maraykanka, wuxuuna shahaadada Masters-ka ee culuunta dhaqaalaha ka qaatay iskuulka caanka ah ee Maxwell School of Economics ee Jaamacada Syracuse ee gobolka New York. Markuu dhammeeyey waxbarashadii kuma soo noqon dalka waayo wuxuu saluugsanaa hab-dhaqanka dawladdii kacaanka, wuxuuna go’aansaday inuu meelo kale shaqo ka raadsado. Wuxuu ku laabtay dalka Jarmalka Galbeed halkaas oo uu ka noqday macallin iyo la-taliye hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta dibadda ee Jarmalka sida hay’adda JTZ. Aqoonyahanku wuxuu qayb ka ahaa cilmi baarisyo dhawr ah oo Somaaliya laga sameeyay, wuxuu xubin firfircoon ka ahaa Shirarkii cilmi-baarista Soomaaliya (Somalia Studies Congress) oo lagu qaban jiray waddanka dibadiisa iyo gudihiisa dhowrkii sanaba mar, halkaas oo uu ka soo jeedin jiray cilmibaarisyo ku saabsan takhasuskiisa.

Dagaaladdii Sokooye kadib iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaalida

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Burburkii dawladii Soomaaliya ka dib wuxuu door weyn ka qaatay dadaalladii ku aadanaa dib-u-yagleelidda dawladnimada Soomaaliya, wuxuuna ka qaybgalay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisa. Wuxuu arrimaha nabada iyo samafalka kala shaqeeyey, la taliyena u noqday xaafiiska Midowga Yurub ee Somaaliya iyo hay’adda Diakonie ee laga leeyahay dalka Jarmalka. Nuur Axmed Weheliye wuxuu si gaar ah kaalin weyn ugu lahaa dib-u-dhiska Wasaarada Qorsheynta Qaranka laga soo billaabo dawladii ku-meelgaarka aheed ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee Jabuuti sannadkii 2000. Wuxuu khabiir iyo la-taliya sare ka ahaa hawlaha qiyaasta tirakoobka dadka (population census estimate) iyo sahanka qoysaska (household survey) oo ay dhawr jeer wasaaraddu sameysay. Wuxuuna ahaa khabiir ay dhammaan wasiiradii soo maraya wasaaradda Qorsheyntu taladiisa tixgeliyaan, isagoo lafdhabar u ahaa isku xirka wasaaaradda iyo hay’adaha caalamiga ee shisheeye, gaar ahaan kuwa wasaraada kala shaqeeya arrimaha tirakoobka. Inta aanu dhiman wuxuu xubin ka ahaa guddiga kor-jeegteynta xaafiiska tirakooba (bureau of statistics) ee Wasaaradda Qorsheynta.

Shaqsiyaddii Nuur Garyare

Nuur oo aan is naqaaney muddo dheer wuxuu lahaa aqoon iyo dhaqan wanaagsan iyo dulqaad iyo dedaal badan. Wuxuu ahaa nin aan ka daalin inuu dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqeeyo si hagar la’aan waqti duruuf adag jireen. Laxawjeclo uu u qabo dalkiisa darteed, Nuur wuu u adegayay ilaa tii alle u timid isagoo da’diisu ku dhaweed 90 sano. Wuxuu ahaa saaxiib loo xiiso wehelkiisa iyo sheekadiisa, lana dugsado markasta dhaqankiisa wanaagsan. Wuxuu ku tilmaanaa dabacsanaan iyo dabeecad wanaag. Nuur Allaah ha u naxariistee waxaa lagu yaqaaney inuu ahaa qof neceb dulmiga iyo eexda. Waxaa halheys u ahaa oo uu qof kasta oo madax ah ku oran jiray xoolaha dadweynaha iska ilaali. Nuur wuxuu tusaale lagu daydo u yahay jiilka maanta, marka la fiiriyo nolosha adag iyo halganka dheer ee uu nolosha iyo waxbarashada usoo maray.

Qoyska Garyare

Xigashada Sawirka, Qoyska Garyare

Nuur wuxuu rumeysnaa iney noloshu tahay halgan iyo hawl joogto ah, sidaa darteed wuxuu isagoo kuray yar ah kasoo raacay askartii gumeysiga ingiriiska deegaanka Baxdo oo hadda ka tirsan degmada Cadaado ee Galmudug, wuxuuna u raacay magaalada Gaalkacyo isaga oo ka mid noqday wiilasha yaryar ee u adeega askarta ee loo yaqaanay booy. Isla markaana si uu mustaqbal fiican u yeesho wuxuu waxbarasho ka billaabay iskuulka ku yaalley magaaladaas, isagoo marna wax baranayay, marna shaqeynay maadama uusan haysanin sokeeye iyo saaxiib gacan qabta. Markii uu yimid magaalada Muqdisho xornimada ka hor wuxuu billaabay inuu noloshiisa maareeyo oo uu tiigsado mustaqbal wanaagsan. Sidaa darteed wuxuu ka mid noqday dhallinyarada la shaqeysa mid ka mid ah xisbiyadii siyaasadeed ee dalka ka jirey berigaas. Kadibna kartidiisa iyo dadaalkiisa ayaana u suurtageliyey in uu ka mid noqdo dhallinyaradii Soomaaliyeed ee helay fursad waxbarasho dibadeed horraantii lixdimaadkii. Halganka Nuur ee ka billowday tuulada Baxdo isagoo wiil yar ah ilaa waxbarashada jaamicadda Syracuse oo ka mid ah jaamicadaha ugu magaca dheer dunida iyo inuu dalkiisa u shaqeynayey muddo ka badan konton sano waa tusaale aad u sarreeya oo isaga lagu xasuusan karo, da’yarta soomaaliyeedna uga dayan karaan. Nuur Garaye wuxuu ifka kaga tegay xaas iyo afar carruur ah. Allaah dembigiisa ha dhaafo, naxariistii jannana ha ugu deeqo Nuur Axmed Weheliye. Aamiin.

Warbixintan waxaa qoray Khaliif Xasan Faarax, oo ah howlwadeen sare oo ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan. Khaliif sidoo kale waa qoraa madaxbanaan. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.