Uurka Katrina Kaif oo hadal heyn badan dhaliyay, maxay dhaqaatiirtu ka dheheen?

Xigashada Sawirka, .
Dhowaan aktarada Bollywood-ka Katrina Kaif iyo aktarka Vicky Kaushal ayaa sawir kusoo wadaagay baraha bulshada waxayna sheegeen in labadoodaba ay mar dhow waalid noqon doonaan.
Taageerayaasha labadan xiddig ayaa aad ugu hambalyeeyay waxaana sidoo kale laga dooday in Katrina Kaif ay noqon doonto hooyo iyadoo 42 jir ah.
Si kastaba ha ahaatee, Katrina maaha haweeneyda kaliya ee bilaabi doonta qoys ka dib markii ay gaartay guul shakhsi ama xirfadeed.
Sanadkii 2013, jilaa Mareykan ah Halle Berry waxay dhashay cunug iyadoo 47 jir ah. Laakiin hooyada da'da 40-meeyada ama ka dib waxaa lasoo gudboonaata caqabado badan oo jireed iyo mid maskaxeed, sida ay dhaqaatiirtu sheegaan.
Si aan u fahanno caqabadahaas iyo tallaabooyinka taxadarka leh ee laga doonayo inay qaaddo hooyada ilmo dhaleysa kadib da'da 40-aadka, ayaan waxaan la hadalnay Dr. Sahra Caydiid Cabdillaahi, oo ka hawl gasha qaybta hooyada iyo dhallaanka ee Gargaar Hospital, sidoo kalena ah hormuudka Jaamacadda Adal.
Maxay yihiin waxyaabaha ay tahay in maanka lagu hayo?

Xigashada Sawirka, SAHRA
Dr. Sahra ayaa sheegtay inay jiraan arrimo lasoo gudboonaanaya hooyada iyadoo weyn ilmo ku curata, kuwaas oo jir ahaan iyo maskax ahaanba saameyn kara.
"Maskax ahaan haddaan ka billowno, hooyada iyadoo weyn ilmo ku curata way ka howl badan tahay hooyada yar, iyadoo werwer badan uu ku imaanayo umana diyaarsana inay ilmo koriso," ayay tiri.
Waxay sheegtay jir ahaan, qofka marka uu da'daas ku dhalayo uu halis u yahay xanuunno uu keeno uurka oo macaanka iyo dhiigkarku ka mid yihiin.
Sidoo kale waxaa suurto-gal ah inay hooyadu dhicisto, sida ay dhaqaatiirtu sheegeen.
Dhanka maskaxeed, ayay sheegtay in caafimaadka maskaxda ee hooyada da' weyn ku dhashaa uusan la mid ahayn, loogana baahan yahay inay taxadar dheeri ah sameyso.
Saameynta ilmaha uurka ku jira

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Ilmaha ay dhaleyso laftiisa ayaa laga fekerayaa caafimaadka," ayay tiri.
Waxay sheegtay in laga yaabo in ilmaha ay la dhashaan xanuunno, marka ay hooyadu da' weyn tahay, sida xanuunka dawn syndrome oo ah xaalad sababta in abuurmidda ilmaha ay wax ka khaldamaan.
Tan ayaa la micno ah in qaab-dhismeedka ilmaha ay wax ka khaldami karaan. Uur lagu qaado da'da afartanaadka ayay dhaqaatiirtu sheegeen inuu ilmaha ku keeni karo dhibaato jireed iyo mid maskaxeed.
Ilmaha ayaan si hagaagsan u koreyn inta uu uurka ku jiro, sida miisaankii loogu talo-galay oo aan ku darsoomin iyo mandheerta oo aan si wanaagsan dhiigga iyo nafaqooyibnka u gaarsiin ilmaha.
Xaaladahan qaarkood, ayaa laga hortagi karaa amaba xilli hore la ogaan karaa haddii ay hooyadu toos ugu xirnaato xarumaha caafimaadka.
Baaritaanno dhowr ah oo lagu sameeyo ayay dhaqaatiirtu sheegeen in lagu ogaan karo haddii ilmaha caloosha ku jiraa uu xaalad caafimaad qabo.
Ma waxaa jirta da' ku habboon inay hooyadu ilmo ku dhasho?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr. Sahra ayaa sheegtay inaysan jirin da' gaar ah oo lagu talinayo inay hooyadu ilmo ku dhasho, balse caadi ahaan marka ay gaarto da'da 45 ay caadadu billowdo inay go'do taasoo dhalmada joojineysa.
"Hooyadu da' kasta way ku dhali kartaa, laakiin waa in wax laga qabtaa wixii halis ah ee ka imaan kara".
Da'da iguud ahaan loo tixgeliyo ayaase ah 20 iyo 35 sano jir, iyadoo fursadda dhaliddu ay hoos u dhacdo kadib 35 sano.
"Soomaalidu wayba kasii xaggeysaa oo waxyaabo badan ayaa sababaya," ayay tiri.
Marxaladda ka horreysa caado go'a ayaa caadi ahaan waxay dumarka ku bilaabataa inta u dhaxaysa da'da 45 iyo 49, halka qaybaha kale ee adduunka, ay ku dhowaan karto 51.













