“Gabadheenna markii ay dhalatay waan ku faraxnay, haddana waxay rabtaa inay na disho”

Gabadheenna oo 13 jir ah, ayaa waxay billowday inay qorsheyso inay na disho. Waxay billowday inay ku dhex qasto sun sanduuqa sonkorta ee jikada, si ay shaaha ugu kariso, subax walba marka aanu suuliga galno waxay sameysaa inay suuliga ku dhex tuurto waxyaabo lagu simbiririxanayo, had iyo jeer waxay barta Youtube-ka ka daawan jirtay muuqaallo la xiriira dilka.

Erayadan waxaa soo gudbinaya, waalid 56 jir ah oo ku nool xaafad ka tirsan magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya. Wuxuu ruuxani ka wacay khadka taleefanka lagu dalbado gargaarka ee 181, oo ay maamusho dowladda Gujarat, si kaalmo looggu fidiyo.

Bishii Juun 7-deedii, ee sanadkan 2023-ka, ayaa waxaa taleefoonka 181 soo wacay aabbe muujinaya walaac. Waxa uu ku cawday “Xaalka gurigaygu inaanu wanaagsanayn, gabadhiisa uu dhalayna aanay xaaladdeeda maskaxeed wanaagsanayn, markaa kadibna ay u baahan yahay talo caafimaad, oo dhanka maskaxda ah.

Isla markii lasoo wacay, taleefanka qeybta 181-ka, mas'uul ku jiray Khadka, ayaa soo gaaray meeshii uu aabbuhu tilmaamay. Ugu horreyn waxay xog ku saabsan xaaladda ka heleen waaliddiintooda, taasi oo shaaca ka qaadday inay is qabeen muddo 26 sano ah.

Ninku waxa uu jiray 56 jir, halka xaaskiisa ay ahayd 46 jir. Waxay leeyihiin labo carruur ah. Da'da gabadhu waa 13 sano, halka wiilkuna uu yahay toddoba sano. Muddo dheer oo ay is qabeen ka dib, waxaa u dhashay inantoodii ugu horreysay, shan sano kaddib dhalashadii inanta waxaa u dhashay wiil.

Halista dilka

Aabbaha ayaa u gudbiyay sida uu aad uga xun yahay waxa dhacay mas’uulkii talada siinayey. Khadka taleefanka ee 181-da ee caawimaadda, lataliyaha khadka Falguni Patel, ayaa arrintan kala hadlay BBC-da.

Intii lala talinayay, aabbuhu waxa uu yiri, 'Aad baannu u faraxnay markuu ubadkeennii ugu horreeyay markii uu noo dhashay. Laakiin hadda waxaan dareensan nahay in aan ka wanaag saneyn haatan intii aanan dhalin caruurta. Waxaan leenahay gabadh 13 jir ah, oo maalin kasta na xad gudubta. Ma aaminsanin iyada. Habeenkii oo dhan way soo jeedaa, waxay hurdada kasoo kacdaa 12-ka duhurnimo, waxay daawataa TV-ga maalintii oo dhan, waxay baxdaa iyadoon noo sheegin, mar walibana waxay nooggu hanjabtaa inay na dili doonto.'

'Waxay sheegtay in aanay cidna ka doonayn guriga. Waxay rabtaa inay kaligeed noqoto. 4-tii bilood ee la soo dhaafay ma aysan tagin iskuul. Hadda waxay ku jirtaa fasalka toddobaad, iyada oo aad u yar ayaa waxey ku kacday dhaqan xumo aad u weyn. Markii uu dilaacay cudurkii safmarka ee Covid19, ayaa waxaa bilawday waxbarashada Khadka Internet-ka, waxaan siiyay gabadheyda taleefanada casriga ah.'

Xaaladda gabadhiisa, wuxuu intaa raaciyay waalidkii aabbaha ahaa ee gabadha, isagoo u wada warbixinta Falguni Patel, 'Haatan iyo da yarta baraha bulshada, gabadheyda waxay asxaab ka dhigatay dad aan wanaag saneyn. Waxay la hadashaa rag kala duwan, iyadoo loo soo marayo baraha bulshada. Waxay kaloo wiilal kula kulantaa si qarsoodi ah. Wax badan bay naga qarinaysaa.

Waxyaabo badan ayey ka baratay baraha bulshada gabadhayada. Markii aan arrinkaas ogaannay, xaaskeyga ayaa gabadheeda ka qaaday taleefanka casriga ah. Hadda labo bilood ma aysan heli wax taleefan ah. Markii talefoonka laga qaaday, ayay billowday inay si bareer ah nooggu hanjabto guriga, oo ay noo maleegto shirqool dil ah.

'Jacaylka iyo shukaansiga baraha bulshada'

Aabbuhu wuxuu u sheegay la taliyaha, isaga oo tixraacaya dhacdo dhacday bishii Juun 7-deedii, sanadkan 2023-ka: 'Waxay ku dartay sun sonkor ku jirta sanduuqa jikada yaallay, subax kasta markaan suuliga galo waxay ku tuuri jirtay dareeraha musqusha. Waa Gabadheenna, oo ka daawata muuqaallada dilka ah YouTube, waxay meel aan la garanayn ka heshaa lacag isugu jira 100 iyo 500 oo lacag ah, ma garanayno cidda lacagta siisa.'

Waxa uu intaa ku daray: 'Haddii aan ka joojinno inay guriga ka baxdo, waxay bilaabaysaa inay jabiso guriga, garaacdo wiilka 7 jirka ah. Waxba kama fal celin karno, annagoo ka cabsaneyno deriska iyo qaraabada dhow. Gabadheenna waanu fasaxnay. Inantayadu waxay tiri waxaan aadayaa guriga saaxiibkeed. Shan ama lix saacadood ka dib, ayay guriga ku soo noqon jirtay. Inantayadu waxay tiraahdaa gurigan magacayga ayaad ku qorteen. Dhammaantiin waad is-dilaysaan, oo waa inaad dhimataan. Waxaan rabaa inaan iibiyo gurigan, oo aan u wareego dibadda.'

Falguni Patel, ayaa waxa uu sheegay in warbixintii oo dhan markii uu kasoo gudbinayey gabadha, aabbihii dhalay gabadha waxa uu bilaabay inuu ku hor ooyo kooxdii Khadka laga dalbado caawimadda ee 181-ka.

Gabadha hooyadeed ayaa waxay u sheegtay kooxdii 181: 'Wax kasta oo aad kula talisaan, la taliya gabadheenna, oo noo sheega waxay ka fakarayso, iyo waxay rabto inay samayso.

Intii ay la talinaysay gabadha 13 jirka ah, kooxdii caawimaadka ee Khadka taleefanka 181-da, ayaa waxay ogaadeen in gabadha yar ay jacayl u qaaday wiil ay shan sano ee la soo dhaafay wada xiriirayeen, kaasoo ay kula kulantay Baraha Bulshada ee Instagram app. Waxa uu app-ka ku leeyahay 13 ilaa 14 akoon oo kala duwan. Baraha bulshada ayay si joogta ah u wada isticmaalaan iyada iyo wiilka. Wax walba way fahmaysaa oo la xiriira Jacaylka.

"Waxay tiri intii lagu guda jiray siinta talada gabadha, ayey waxey sheegtay inay wiilkan keligeed wici jirtay. Waxaan tagi jiray guriga saaxiibteey, anigoo ku marmarsiyoonaya, si aan u tago guriga wiilka. Ma aan ogayn inaan waxaas oo dhan samaynayo."

Tan iyo markii aan helay taleefanka gacanta waxaan bilaabay inaan wax walba ogaado. Gabdhaha xaafadda aan deganahay ee iskoolka iyo bulshada kale, ayaa talo iga siiyay. Anigoo taa ka duulaya, ayaan arrintii jacaylka la galay wiilka.

Saddexdiiba waa la sii daayay la-talin ka dib

Kooxda khadka caawinta, ayaa waxay yiraahdeen "Intii la-talinta lagu guda jiray, gabadha 13-jirka ah, waxay ka war bixisay saaxiibkeed. Markaa kooxda khadka caawinta, ayaa waxay waceen saaxiibteed oo agagaarka xaafadda dadka dagan kamid ah. Saaxiibteed ayaa waxay sheegtay in gabadha ay xiriir la lahayd wiil. Labo ama saddex sano ka hor ayey xiriir jaceyl la lahayd wiil, ka dib waa ay kala tageen, markaa ka dibna, waxey xiriir cusub la bilawday wiil kale, kaaso iyada xiriir lasoo sameeyay, iyadoo gabadhani ay dadeedu tahay 13-jir.'

Intii lagu guda jiray la-talinta la siinayo labada gabdhood ee aan qaan-gaarin ee kooxda 181, ayaa waxaa la ogaaday in labada hablood ay xiriir la leeyihiin wiil 19 jir ah, oo ku nool xaafaddooda.

Kooxda 181 ayaa helay aqoonsiga wiilka, waxayna ugu yeereen la-talin. Intii la waaninayay wiilka, ayaa la ogaaday inuu xiriir la leeyahay labada gabdhood. Labada gabdhood, ayaa si aan wanaag saneyn loola dhaqmay.

Ka dib markii dhammaan tafaasiisha lasoo bandhigay, kooxdii ka socotay Khadka caawimaadka ee 181-da, ayaa waxey u sameeyeen saddexdan ruux si wadajir ah la-talin. Ka dib markii ay la taliyeen seddexda qof, waxay qirteen khaladkii ay galeen, waxayna raali galiyeen waalidiintooda.

Waxay waaliddiintooda u sheegeen saddex ruuxba in aanay waligood danbe khalad sidan oo kale ah geli doonin maanta wixii ka dambeeya. Waxaa la sheegay inay sidoo kale naga qaadi karaan taleefannada gacanta.

Saaxiibka inanta ayaa sidoo kale raalligelin siiyay gabadha 13-jirka ah waalidkeed. Gabadhan oo 13 jir ah, ayaa ka cudur daaratay wixii ay ku kacday, waxayna ballan qaaday inay xoogga saari doonto waxbarashadeeda, oo aanay marnaba ka madax adeegin talooyinka waalidka. Waxay u xaqiijisay waaliddiinta inaysan waxyeelo u geysan doonin jir ahaaneed.

Balwadda qabatinka taleefannada gacanta iyo baraha bulshada

Dhacdo kale oo noocaan ah ayaa dhawaan dhacday. Juun 9, 2023, ruux ka mas’uul ah gabar 20 jir ah, oo ka timid aagga Maninagar ee Ahmedabad, ayaa wacday Khadka 181 ee Mahila Abhiyam, kaasoo ah khadka caawinta. Khadka caawinta, ayaa waxa looggu yeeray in gabadha reerka ay wanaajiso mustaqbalkeeda, iyo in lagu qanciyo inay dhab ka tahay waxbarashadeeda iyo in kale.

Kooxda 181, ayaa sidoo kale BBC-da u sheegtay dhacdada, 'Ruuxani (magaciisa waa la beddelay) waa 20 jir, waana sannadkii saddexaad ee B.A. Gabadhu waxay waqti badan isticmaasha taleefanka gacanta, kamana baxdo taleefankeeda gacanta iyo laptop-keeda maalintii oo dhan. Ma aado kulliyad. Iyadoo ku mar mar siinayso waxbarashada kulliyadda, ayey ka baxdaa guriga, oo waxay lasoo joogtaa asxaabteeda maalinta oo dhan.'

"Waxay dadka kula hadashaa Baraha Bulshada, iyada oo samaynaysa aqoonsiyo kala duwan. Waxyaalo yaryar bay ka carootaa. Qofna ma dhegeysato. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, ayey xiriir la lahayd ruux kale, oo ahaa mid aanay ogeyn dadka ka mas’uulka ah. Muuqaalo anshax xumo ah ayay ku samaysay mobilkeeda, waxayna u dirtay saaxiibkeed. Waxey la wareegtaa saaxiib. Wax dareen ah ma siiso waxbarashadeeda. Samaynta iyo daawashada muqaallo xunxun, waa wax u noqotay waxyaabaha ay qabato maalin waliba.

Hooyada ayaa ka qaadday taleefanka gacanta, markay aratay iyadoo si xun u isticmaalaysa. Waxay ka xanaaqdaa waxyaabo yaryar, waa gabadhii yareede. Marka aabbuhu u yimaaddo gabadhan doonayana inuu arrimo kala taliyo, wuxuu raadiyaa caawimada Abhiam, wuxuuna isku dayaa Maya inuu kala taliyo mustaqbal ifaya, nolol wanaagsan iyo muhiimada qoyska.

Kooxda khadka caawinta ayaa tiri: 'Kooxdu waxay u sharaxeen Maya faa'iidooyinka waxbarashada, ay tahayna inay diiradda saarto, ku noolaato nolol wanaagsan, oo si fiican u isticmaasho baraha bulshada, ka fogaato asxaabta xun xun, ixtiraamtana waalidiinteeda.' Waxay sidoo kale kooxda kula taliyeen 'waalidiinta kuna qanciyeen inay la shaqeeyaan oo ay waqti siiyaan gabadhooda oo aysan cadaadis saarin.

Maxaa sababa qabatinka taleefannada gacanta, maxaase lagu daweeyaa?

Dhanka kale, Dr Nimesh Parekh, oo ah madaxa waaxda dhimirka ee Isbitaalka SVP ee maamulka degmada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa u sheegay BBC Gujarati: ' Celcelis ahaan, waaxdeennu waxay maalin kasta aragta hal kiis oo qabatinka moobilka ee carruurta. Waxaa jira sababo kala duwan oo looggu tala galay qabatinka moobilka. Mararka qaarkood labada waalidba ma awoodaan inay waqti siiyaan carruurta shaqada awgeed. Markaa xaaladaha qaarkood carruurtu way madax adeegaan. Mararka qaarkood carruurtu waxay la qabsadaan mobilka, sababtoo ah saaxiibbada ku wareegsan.

Dr Parekh wuxuu intaas ku daray: 'Waalidiintu waa inay xaddidaan isticmaalka mobilada, ka dib markay u keenaan mobilada carruurta, oo ay arkaan waxay carruurtu raadinayaan.

Sidoo kale waalidku waa in ay carruurta u kaxeeyaan ciyaaraha gudaha iyo kuwa dibaddaba. Waxa kale oo jira isticmaalka togan ee mobilada ee waxbarashada carruurta. Xaddidaad ayaa loo dejin karaa isticmaalka moobilka, haddii loo baahdo.'

Dr. Parekh ayaa sheegay in haddii ay dhacdo la qabsashada moobillada, inta badan carruurta ay aad ugu mashquulaan ciyaaraha.

Waxa uu yiri: '60 ilaa 70 boqolkiiba kiisaska qabatinka moobilada waxa ay ku lug leeyihiin carruurta, kuwaas oo ku ciyaara, halka 30 boqolkiiba kiisaska ay yihiin internetka. Boqolkiiba 10 ee kiisaska, dhallinyaradu waxay dhex wareegayaan goobaha lagu soo bandhigo galmada.

Waxaa la arkaa in caruurtu xanaaqaan. Mararka qaarkood aad bay u caroodaan oo waxbay kharribaan. 80 ilaa 85% kiisaska carruurta waxaa looga soo saari karaa caadadani la-talin. Halka 10 ilaa 15 boqolkiiba kiisaska laga yaabo inay u baahdaan daaweyn. Dawooyinka lidka ku ah niyad-jabka, ayaa laga yaabaa in la siiyo.