Dadka lacagta ka sameeya inay internet-ka dhex mushaaxaan

Xogta uu qofkasta oo inaga mid ah ka raadiyo online-ka ayaa ah wax aad muhiim u ah.

Xogtaas la dabagalo ayaa waxa ay ka caawisaa shirkadaha sida Google iyo Facebook inay balaayiin iyo balaayiin doolar sanadkiiba ka sameeyaan kharash uga soo xarooda xayeysiinta, maadaama ay isticmaalaan xogta ay haystaan taas oo ay ku bartilmaameedsadaan xayeysiintooda.

Tusaale ahaan, haddii aad baaraysid dukaamada lagu gado dharka casriga ah ee onlineka si aad halkaas uga iibsatid saraawiil jeenis ah, markaas kaddib waxaad arki doontaa xayeysiin ku tusinaysa dukaamo aad saraawiil ka iibsan kartid, taas oo kuu soo fuulaysa shaashadda computer-kaaga. Taasina waa mid aynu aragnay dhammaantayo.

Heerka ay gaarsiisantahay sida dadka online-ka loogala socdo ayaa ah wax laga cabsado. Ceclista xogta qofka reer Yurub uu internetka ku sii daayo ayaa maalintii dhan 376, sida lagu sheegay daraasad dhawaan la sameeyay. Mareykanka tirada waxa ayba ku dhawdahay labalaab oo waa 747.

Hasayeeshee bal ka warran haddaanad wax awood ahba u lahayn inaad xakamaysid xogta aad bixinaysid, balse aad lacag ka samayn kartid?

Taasi waa arrinta ay isu xilsaartay shirkadda Surf ee tiknolojiyadda ee waddanka Canada, taas oo sanadkii la soo dhaafay daahfurtay bar internet oo magacaas oo kale leh. Waxa ay dadka lacag ku siisaa inay internetka isticmaaleen.

Illaa hadda bartaasi ayaa waxaa lacag ka samayn kara dadka ku nool wadammada Canada iyo Mareykanka, waxayna bartaasi hareer martaa sida shirkadaha Google, waxayna taa badelkeeda xogtaada toos uga iibinaysaa dukaammada. Surf ayaa markaas waxa ay ku siinaysaa dhibco aad meel dhigan kartid kaddibna aad ku iibsan kartid kaararka hadiyadda iyo in laguu sameeyo qiimo dhimisba.

Shirkadaha bartaas illaa hadda iska diiwaangeliyay waxaa ka mid ah Foot Locker, The Body Shop, Crocs, iyo Dyson.

Shirkadda Surf ayaa waxa ay ku doodaysa in dhammaan xogtaada ay qarsoon tahay - sida inaanan la bixinayn emaillada iyo nambarrada taleefannada markii aad isdiiwaangelinaysidna magac lagaama rabo. Sidaas oo ay tahayse waxaa lagu waydiinayaa da'daada, jinsigaaga iyo cinwaankaaga, hasayeeshee taasi qasab ma ahan.

Fikraddan ayaa ah in shirkadaha ay adeegsan karaan xogta ay Surf siisay, tusaale ahaan, inay arkaan website-yada ugu caansan ee ay booqdaan ragga ay da'doodu u dhaxayso 18 illaa 24 sanno jir ee ku magaalada Los Angeles. Markaas kaddibna ay halkaasi ku xayeysiistaan waxa ay doonayaan.

Surf ma aanay shaacin xogta kharashka ay dadka sameyn karaan, hasayeeshee illaa hadda waxa ay sheegtay inay u suuragashay in dadka isticmaala ay uruursadeen in ka badan $1.2m (£960,000).

Dadka ayaa sidoo kale u adeegsan kara Surf inay xaddidaan xogta laga qaadayo, sida inay xogtooda ka xirtaan website-yada qaar ee ay booqanayaan.

Aaminah Al-Noor oo kamid ah dadka isticmaala Surf, ahna ardayad wax ka barata Jaamacadda York ee magaalada Toronto, Canada, ayaa sheegtay inay dareemayso in nidaamkan uu "dib ugu soo celiyay awooddii" ay ku koontorooli laheyd xogteeda onlineka galaysa.

"Waxaad dooran kartaa waxa aad doonaysid inaad siisid Surf," ayey ku dartay 21-jirkan. "Mararka qaar waan hilmaa inaan ka diiwaangashanahay bartaasi, todobaad kaddib ayaan eegaa, dhibcaha aan helayana kor umbay u socdaan.

"Dhammaan shirkadaha tiknolojiyadda xogtayada ayey uruursadaan, hasayeeshee dulucda ayaa ah in isticmaalno tiknolojiyad wanaagsan, sax," ayey ku dartay 21-jirkaasi.

Gudoomiyaha Surf ee wax ka aasaasay, Swish Goswami, ayaa sheegaya in shirkaddu ay doonayso "inay abaalmarin joogta ah ku bixiso internetka qofka uu wax ka baarto".

Waxa uu intaasi ku darya: "Laga bilaabo maalinta koobaad waxaannu dadka u caddaynaa xogta aynu isticmaalayno iyo midda aynaan isticmaalayn, sidoo kalana waxaynu awood u siinnaa inay koontorooshaan xogtooda.

Surf waxa ay ka mid tahay dhaqdhaqaaq sii kordhaya oo khubarada qaar ay ku tilmaameen "tiknolojiyad mas'uuliyad leh", taas oo ah in dadka la siiyo awood badan oo ay xogtooda ku koontoroolaan.

Shirkad kale oo tiknolojiyadda ah oo laga leeyahay Canada waa middan Waverly, taas oo dadka u ogolaanaysa inay doortaan barta ay doonayaan inay warka ka helaan halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen hannaanka dabagalka ee Google News iyo Apple News.

Waverly ayaad ku buuxinaysaa mocduucyada aad danaynaysid kadibna waxaad helaysaa warbixinnada ay bartaasi moodayso inaad ka heli doontid akhrintooda. Shirkaddan ayaa waxaa wax ka aasaasay Philippe Beaudoin kaas oo markii hore ka tirsanaan jiray injineerrada Google.

Dadka barnaamijkaasi isticmaala ayaa si joogta isaga badeli kara waxa ay doonayaan waxaana ay jawaab ka bixin karaan warbixinnada loo soo bandhigay.

Mr Beaudoin ayaa waxa uu sheegayaa in dadka isticmaalaya bartaasi ay tahay inay ku dedaalaan inay barta u sheegaan xogta ay danaynayaan, balse taa badelkeeda laga xoreeyo inay "ku dhacaan dabinka xayeysiinta".

Rob Shavel oo ka tirsan shirkadda Mareykanka ee Abine, ayaa waxa uu sameeyay laba barnaamij oo dadka isticmaalaya u sahlaya inay kordhiyaan ilaalinta xogtooda shakhsiga ah - waa Blur iyo Delete Me. Midka hore ayaa waxa uu xaqiijinayaa in password-yada iyo xogta dhaqaalaha aad bixisay aanan la dabageli karin, halka kan dambana uu xogtaada shakhsiga ka saarayo barta wax lagu baaro.

Carissa Veliz, oo Machadka Anshaha ee Jaamacadda Oxford ka ah barfasoorad, ayaa tibaaxaysa in shirkadaha tiknolojiyadda ay u baahan yihiin "dhiirrigelin ay ku horumariyaan hab ganacsi oo aanan ku tiirsanayn in lagu talaxtego xogta shakhsiga".

"Aad bay in welwelgelinaysaa in inta badan habka dabagalka ee ay soo saareen shirkadaha gaarka loo leeyahay lagu maamulo noloshayada iyadoo aanay jirin cid ilaalinaysa ama hagaysa si tallaabooyinkaasi ay u noqdaan kuwo taageeraya qiyamka iyo wanaagga bulshada," ayey ku dartay.

Hasayeeshee afhayeen u hadlay shirkadda Google ayaa tilmaamay: "taasi waa sababta aynu ula shaqeyno sharcidejiyayaasha iyo bulshada internetka si aynu u sameyno tiknolojiyad, ku shaqeysa hindisaheenna Privacy Sandbox, taas oo ilaan doonta xogta shakhsiga ee onlineka ku jirta halka uu barnaamijkaasi gacan ka gaysan doono in nuxurka xogta onlineka iyo adeegyaduba ay bilaash u noqdaan dadka oo dhan.