Dubai Chocolate: Shukulaatada caanka ka ah Soomaalida dhexdeeda iyo adduunka iyo sida xiisaha leh ee ay ku curatay

    • Author, Annabel Rackham
    • Role, Weriyaha arrimaha dhaqanka

Intii aan ku jiray fasaxii aan toddobaadkii hore ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), hal ujeeddo oo keliya ayaa maskaxdayda ku jirtay – inaan gacanta ku dhigo shukulaatada caanka noqotay ee "Dubai chocolate".

Haddii aad isticmaalasho TikTok, waxaad arki doontaa shukulaatadan oo isku darsatay dhadhanka shukulaatada, lowska pistachio-ga, iyo tahini-ga, oo lagu duuduubay baasto filo ah, taasoo hor kacaysa macmacaanka Carbeed ee Knafeh.

Shukulaatada asalka ah oo la yiraahdo Can't Get Knafeh of It, waxaa sameeya shirkadda FIX Chocolatier, waxaana si gaar ah loogu iibinayey UAE tan iyo 2022. Waxay caan ku noqotay baraha bulshada taas oo badanaa marka suuqa la keenaba si degdeg ah loo dhammaysto, mararka badanna waa la waayaa wax yar kadib bilowga iibkeeda.

Laakiin hadda nuqullo lagu dayday, oo loo yaqaan magaca "Dubai chocolate", ayaa yimid suuqyada UK sida Waitrose, Lidl, iyo Morrisons, iyadoo qaar ka mid ah dukaamadu xaddidayaan tirada la iibsan karo.

Yezen Alani, oo shirkadda FIX ay wada leeyihiin xaaskiisa Sarah Hamouda, ayaa u sheegay BBC-da in dareenka caalamiga ah ee ay shukulaatadaasu heshay uu yahay "mid sharaf iyo xushmad leh".

Shukulaatada shirkadda FIX waxaa markii ugu horreysay fikradeeda la yimid Sarah Hamouda sannadkii 2021, iyadoo uur leh, markaas oo ay aad u xiiseyneysay dhadhanka noocaasi ah.

Yezen Alani iyo Hamouda waxay bilaabeen habaynta shukulaatadaas sannad kadib, iyagoo ganacsiga ku bilaabay xilli ay weli haysteen shaqooyin xafiiseed.

"Aniga iyo Sarah waxaa nalagu soo koriyay UK, waxaana u guurnay Dubai 10 sano ka hor, markaa waxaannu leennahay isir Reer Galbeed iyo mid Carabeed," ayuu yidhi Alani.

"Waxaan rabnay inaan abuurno dhadhan ka turjumaya labadaas dhaqan."

Qayb ka mid ah sababta shukulaatadu u caan baxday waa gaar ahaanteeda – lama heli karo markaad si toos ah u tagto dukaan ama suuq weyn, balse waxaad kaliya ka dalban kartaa barnaamijyada keenista cuntada.

Qiimaheedu wuxuu ku dhow yahay £15 halkii xabboba, waxaana la iibin karaa oo kaliya saacado gaar ah maalintii si shirkaddu u damaanad qaaddo inay dhammaan amarradeedu fulaan.

Waxaan sidoo kale arkay meelo kale oo la mid ah oo laga iibinayo dukaamada gobolka, kuwaas oo loogu magac daray "Dubai chocolate" islamarkaana lagu qurxiyay sawirro pistachio ah iyo baasto filo ah.

Alani wuxuu sheegay in shukulaatada lagu dayday ay yihiin "kuwa si weyn u niyad jebinaya, sababtoo ah dadka waxay tijaabinayaan nuqullo been abuur ah taasoo dhaawaceysa sumcaddayada."

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee shukulaatadan caan ku noqotay waa baraha bulshada – gaar ahaan muuqaal TikTok ah oo ay duubtay isticmaaleha Maria Vehera sannadkii 2023, kaas oo lagu tilmaamay inuu si weyn uga qeyb qaatay sumcaddeeda.

Muuqaalku wuxuu muujinayaa Vehera oo markii ugu horreysay isku dayaysa shukulaatada Knafeh – iyo kuwo kale oo isla shirkadda FIX sameysay – wuxuuna helay ku dhowaad toddobo milyan oooo qof ka helay (likes).

Qaabka shukulaatadu u eeg tahay ayaa si gaar ah ugu habboon baraha bulshada – laga bilaabo dhibcaha oranjiga iyo cagaarka ee dusha ka saaran shukulaatada caanaha ee siman ilaa dillaaca samaysmaya marka la kala jebiyo ayaa dad badan xiiso u yeelay.

Inkasta oo isku darka shukulaatada iyo lowska pistachio uu horey u jiray, waxa shukulaatadan ka dhigay mid gaar ah ayaa ah qaabka gudaha ee ay samaysan tahay – baastada filo oo lagu darayna waxay siisay qaab iyo cufnaan u gaar ah.

Markii ay Alani iyo Hamouda bilaabeen ganacsigooda, waxay shaqaaleysiiyeen hal qof oo maalin walba gudan jiray lix ilaa toddobo dalab.

Laakiin tan iyo markii ay sumcaddeedu korodhay – taasoo inta badan ka timid TikTok – hadda shirkaddoodu waxay shaqaaleysiisaa 50 qof, kuwaas oo maalin walba fuliya 500 oo dalab.

Mid ka mid ah qodobada ugu hadal heynta badan ayaa noqday qiimaha shukulaatada, oo ah £15 halkii xabbo.

"Wax walba waxaa lagu sameeyaa gacan, naqshad kasta oo dusha ka muuqata waa mid si shaqsiyan ah loo farsameeyay," ayay ku doodeen in qiimaha uu keenay sida Alani sheegay.