Sida Hooyadan iyo wiilasheeda ay u xadeen dahab iyo lacag malaayiin ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Magaalada Madurai ee Gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya waxaa khaati laga taagan tahay qulqulka tuugada saddexdii sano ee la soo dhaafay. Cabasho badan ayaa sidoo kale loo gudbiyay booliska taasoo la xiriirta arrintan.
Booliska Madurai ayaa kiiskan ka bilaabay baaritaanno, waxaana markiiba ay qabteen labo dhalinyaro ah oo watay baaskiil, kuwaasoo ay ka heleen hub iyo galoofyada loo isticmaalo xatooyada.
Intaasi ka dib waxa ay ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen dahab ah ee ku duugan guriga dhalinyaradan iyo agagaarka gurigaasi.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay 180 dahab cabirkiisu yahay oo nooca la isku qurxiyo ah, iyo lacag caddaan ah oo qiimaheedu yahay 9 milyan Rubi oo lacagta Hindiya.
Saddex wiil oo walaalo ah iyo hooyadood oo isku qoys ah ayaa arintan loo xiray sida boolisku ay shaaciyeen.
Waxaase waydiimo abuurtay sida booliska u soo qabteen tuugadan halista ah. Balse kormeeraha guud ee Booliska magalada Madurai ayaa ka hadlay.
Taliska booliska ayaa koox gaara u saaray howlgalkan si loo buufiyo tuugada, raadin mudo dheer ka dibna gacanta ayaa lagu soo dhigay.
Kooxda burcadda ah ayaa ka howlgalaysay Sillaman, Tirumangalam, iyo xaafadaha Karuppayurani ee Madurai saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labo todobaad ka hor, booliska ayaa waxaa soo gaaray cabasho ku saabsan xatooyo dahab ah oo lagu sameeyay guri ku yaala deegaanka Sillaman.
Intaa ka dib koox gaar ah oo ka tirsan booliska ayaa kordhiyey xawaaraha baaritaanka.
Waxaana intii ay socotay ay kooxdu heleen xog ku saabsan koox tuugo ah oo dhex mushaaxeysa deegaanka Kalmedu.
Ciidamada Booliska ayaa baaritaan xooggan ku bilaabay gaari kasta oo marayay nawaaxiga deegaanka Kalmedu.
Dhanka kale waxaa la arkayay labo dhalinyaro ah oo watay Mooto-Baaskiil, waxaana markii la joojiyay oo la wareystay ay Booliska ka shakiyeen, waxaana baaritaan kadib laga helay gacan-gashiyo, maaskiga wajiyada iyo hub.
Intii uu baaritaanku socday, booliisku waxay ogaadeen in labada nin ee walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Chinnasamy iyo Sonasamy inay ka tirsanaayeen koox tuugo ah oo ku sugnayd xaafadda Madurai.
Baaritaanka intuu socdayna labada walaalaha waxay qirteen inay wax wada xadi jireen walaalkood Ponnusamy iyo hooyadood Asaibu Ponnu.
Dahabkii lagu aasay dhulka hoostiisa.

Xigashada Sawirka, HANDOUT
Markii boolisku Madurai ay soo qabteen afartaan qof oo xogtooda la helay, boolisku waxay qodeen agagaarka guriga ay ku noolaayeen, Waxayna ogaadeen inay dhowr meelood ku duugeen Dahabkii ay xadeen.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay dahabkii iyo lacagihii, waxayna afartaasi qof u direen xabsiga dhexe ee Madurai
Sida lagu sheegay xogta ay booliisku siiyeen BBC Tamil, dhammaan tuugtan ayaa ka soo jeeday hal qoys.
Laba ka mid ah walaalahaa ayaa wax xadi jiray oo dhulka ku aasi jiray dahabka oo ay u dhiibi jireen walaalkood saddexaad.
Wiilashan tuugada ah waxaa dhamaan waxay soo xadaan u hayn jirtay hooyadood oo bangiga u dhigi jirtay gaar ahaan lacagta iyo dahabka.
Hadda booliisku waxay isku dayayaan inay si sharci ah u soo ceshadaan dahabka ku jira bangiga.
Sodonkii kiis ee lagu xaday 200 oo nooc ee dahabka ahaa.

Xigashada Sawirka, HANDOUT
Taliayaha guud ee Booliska Madurai Shiv Prasad ayaa arrintan ugu warbixiyey saxafiyiinta saldhigga booliska ee Karubayurani.
“Arrintani waxay si joogto ah u socotay 3-dii sannadood ee u dambeeyay, sannadkan oo keliya waxa laga soo sheegay 12 kiis oo xatooyo ah oo ka dhacay Sillaman, Karubayurani iyo deegaannada ku xeeran.” Ayuu yiri Prasad
Caddadka dahabka maqan ayaa gaaraya ilaa 240 nooc, hase yeeshee booliska ayaa ku guulaystay inay soo celiyaan 180 nooc oo kuwa isqurxinta ah.













