You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaan ka ognahay dilal ka dhacay goobta gargaarka Gaza ee Israel iyo Mareykanka?
Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay dhacdooyin lagu dhintay ayaa ka dhacay wadada tagta goobta gargaarka lagu qeybiyo Gaza ee ay dhiseen koox Mareykanka iyo Israel ay taageerayaan.
Wadooyinka soo gala mid ka mid ah goobaha cunto qeybinta ee saddexda ah ayey dhimashadu ka dhacday. Goobta oo ku taal koonfurta galbeed Gaza waxaa si buuxda u maamula militeriga Israel. Xaruntaas waxaa ka howlgala ururka GHF.
Dhacdadii ugu horeysay waxay aheyd subaxdii Axada, waxaana lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah sida ay sheegtay Hay'ada Difaaca ee Xamaas. Saddex qof oo kale ayaa ku dhintay rasaas la riday subaxdii Isniinta sida ay sheegtay hay'adda caalamiga Laanqeyrta Cas ee ICRC.
Rasaasta Israel ay riday subaxdii talaadada waxaa ku dhintay 27 kale oo dheeri ah sida ay sheegeen madaxda caafimaadka.
Israel waxay ku tilmaantay "warar been ah" in ciidamadeeda ay dad ku dileen meel u dhaw goobahaasi. Waxay sheegtay in qaar ka mid ah askarta ay meel 1 kilomitir ka fog ku rideen rasaas qalad ah Axadii, sidoo kale isniinti iyo talaadadi waxay rasaas ku fureen dhowr qof ay ka shakiyeen.
Muuqaallo aan badneyd oo Gaza ka soo baxay ayaa lagu arkay dhacdooyinkaas. Qeybta xaqiijinta BBC waxay baartay muuqaalada la heli karay si ay isku daydo in ay calaamadeyso meesha ay wax ka dhaceen.
Xagee wax ka dhaceen?
Saddexda meel ay wax ka dhaceen waxay u dhow yihiin xarunta cunto qeybinta koofur galbeed Gaza ee Tal al-Sultan.
Xarunta waxaa loo bixiyay goobta qeybinta koowaad ee ammaanka ah (SDS1) waxaana la furay 26-kii May. Waa mid ka mid ah afar goobood. Saddex waxay ku yaalaan koonfurta Gaza.
Xarumahan waxay qeyb ka yihiin nidaam cusub oo gargaar kaas oo si weyn ay u cambaareeyeen kooxaha gargaarka, waxaana loogu talogalay in la dhinac maro Qaramada Midoobay taas oo Israel ay ku eedeysay in ay ku guuldareysatay in ay ka hortagto gargaarka Xamaas ay siineyso dagaalyahanadeeda. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in nidaamka GHF uu yahay mid qaldan oo aan shaqeyneyn.
Goobta cunta qeybinta ee koow (SDS1) waxay furneyd oo ay shaaqeyneysay ilaa iyo jimcihii la soo dhaafay sida lagu sheegay qoraal GHF ay soo dhigtay internet-ka.
Afhayeen u hadlay GHF ayaa ka codsaday rayidka in ay maraan jidka loo cayimay kaas oo loo yaqaan jidka al-Rashid.
Chris Newton oo ah falanqeeye sare kana tirsan Kooxda Xasaradaha ee fadhigeedu yahay Brussels ayaa sheegay in wadadaas ay tahay mid aan ammaan aheyn ama mid aan shaqeyneyn. Wuxuu kaloo intaas ku daray in rayidka hal jid u soo maraan goobta ay tahay "wax aad uga fog suuragalnimada" marka la fiiriyo nidaamka Qaramada Midoobay oo 400 oo xarumood ku leh Gaza.
Sidee wax u dhaceen Axadii?
Sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Gaza, 31 qof ayaa rasaas lagu dilay maalintaas.
Subaxdii Axada waxay GHF bogeeda rasmiga ee Facebook soo dhigtay in xarunta SDS1 la furayo shanta arroonimo. Saacad kaddib waxay sidoo kale soo dhigtay in goobta la xiray. Marka ay sidaa sheegtay waa goor ay dadweynaha Gaza soo baxeen oo ay sugayaan in loo ogolaado galista xarunta sidaasina waxaa BBC-da u sheegay Mohammed Ghareeb oo ah wariye ku sugan Rafax.
Waxaan aragnay muuqaallo kooban oo la xiriira toogashada. Mid ka mid ah fiidiyowyada waxa laga duubay wadada tagta xarunta, waxaana ku arkeysaa dad dhulka jiifa iyo dhawaqa qarax.
Waxaa suuragal ah in dhgawaqaas uu yahay Taangi rasaas ridaya sida uu sheegay David Heathcote oo ka faalood ammaanka. Khubaro kale oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in uusan cadeyn dhawaqaas waxa uu yahay.
Muuqaal kale oo BBC aragtay ayaa u muuqday in la duubay dhacdada kaddib maxaa yeelay waxaad ku arkeysaa meydad yaal xeebta Gaza.
Militeriga Israel ee IDF way beeniyeen in ciidamadooda ay rasaas ku fureen rayidka joogay meel u dhow goobta cunto qeybinta, waxayna sheegeen in wararkaas ay been yihiin. Balse mar dambe ayey militeriga Israel sheegeen in rasaaso digniin ah laga riday meel hal kilomitir ka fog goobta si looga hortago dad laga shakiyay in ay u soo dhawaadaan ciidamada.
Qoraal ay soo saartay GHF waxay ku sheegtay, "dhaawac, dhimasho ama dhacdo kale ma dhicin intii aan howsha wadnay shalay. Weli ma arag wax cadeynaya weerar ka dhacay meel u dhow xarunteena."
Maalmihii kale sidee wax u dhaceen?
Isniintii waxaa la dilay saddex qof oo cunto ku sugayay meel u dhow xarunta SDS1 sida ay ICRC sheegtay.
Militeriga Israel waxay sheegeen "xabado digniin ah ayaa lagu riday dhowr qof oo laga shakiyay kuwaas oo ku soo socday dhinaca" ciidamada meel u jirta 1 kiilomitir xarunta cunto qeybinta.
Mahmoud Basal oo ah afhayeen u hadlay hay'ada Difaaca Madaniga Falastiin ayaa BBC-da u sheegay in ay wax ka dhaceen meel dhowr boqol oo mitir u jirta isgoyska Al-Alam. Wuxuu sheegay in inta badan ay dadka ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rasaasta taangiga, kuwa drone-ka iyo helikobtarada. ICRC waxay sheegtay in isbitaalkeeda Rafax ay soo gaareen ilaa 184 qof.
"dadkaas waxaa ku jiray 19 qof kuwaas oo geeriyooday markii la keenay iyo 8 kale oo u geeriyooday dhaawacyada soo gaaray wax yar kaddib. Inta badan dadka waxay qabeen dhaawacyo rasaas ah"
Barnaamijka BBC Verify waxay isku dayeysaa in ay sii wado baarista muuqaalada saddexdan dhacdo.