You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kee masaajidka taariikhiga ee waxyeellada soo gaartay?
Dhismaha Masjidka Shah ee magaalada Isfahan, kaas oo ka mid ah taariikhda Iran kaas oo dhidibada loo aasay qarnigii toddoba iyo tobnaad, ayaa waxyeello soo gaaray intii lagu jiray hawsha dayactirkiisa.
Masjidka Shah waa masjidka ugu quruxda badan Iran, waxaana lagu daray liiska dhaxalka adduunka ee Hay’adda UNESCO.
Laakin sawirro mudooyinkii u danbeeyay laga soo qaadayay masaajidka ayaa muujinayay masaajidka oo dhinac ka mid ah ay ka muuqato cilad xagga Injineernimada ah, iyadoo ay u sii dheer tahay in ubaxa ku xardhan ee lagu garto nashqadeynta xaramka ay u muuqdeen kuwo aan si fiican u muuqan.
Saraakiisha ree Iran ee ka walaacsan arrintan ayaa garwaaqsaday cilladahaas, laakiin waxay ku nuuxnuuxsadeen in la hagaajin doono.
"Weli shaqadu ma dhammaan," ayuu yiri Mehdi Bakdel, oo mas'uul ka ah mashruuca dib u soo nooleynta masjidka.
Buckdel waxa uu sheegay in dhibaatadu ay ka dhalatay qalabkii loo isticmaalay dib u naqshadeynta, waxayna taasi horseedday in joogga sare misaajidka lagu qiyaasay 54 mitir.
Masjidka Shaah ayaa loo yaqaannaa casrigii dahabiga ahaa ee magaalada Isfahan oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Iran.
Masjidka ayaa ah mid ah goobaha ugu muhiimsan ee ay ku cibaadeystaan dadka. Sidoo kale, waxa uu aad muhiim ugu yahay dalxiisayaasha ka imaanaya gudha Iran iyo guud ahaan adduunka oo dhan. Waxaa aad u soo jiita midabada isku-dhafka ah ee buluugga iyo jaalaha ah soo jiidashada leh.
"Mas’uuliyiinta qaabilsan dib u naqshadeynta ayaa waxay ogaadeen inuu jiro burbur soo gaaray dhismaha, gaar ahaan qaybta sare ee manaaradda," ayuu yiri Alireza Azadi, oo ah agaasimaha agabka iyo dhismooyinka dhaxalka ee magaalada Isfahan.
Waxa uu intaa ku daray, "waxa aanu bedeli doonaa tiirarka manaaradda sababta oo ah miisaanka ayaa waxyeello u geystay cirifyada misaajidka."
Dhismaha masaajidka waxa la billaabay sanadkii 1611,waxana la soo gebagebeeyay ku dhawaad 1630-kii, waxana wakhtigaasi xukunka hayay Shah Safi oo ahaa dhaxal sugaha Cabbaas,kaas oo xukumayay boqortooyada xukumayay intii u dhaxeysay 1629 ilaa 1642.
Masjidka Shah waxa uu ahaa dhisme aad u weyn, oo la sheegay in lagu dhisay 18 milyan oo dhagax ah.
Masjidka Shah ayaa waxaa sidoo kale loo yaqaan Masjidka Imaam, kaas oo la bixiyay Kacaankii Iran ka dib.