Kumuu ahaa Xaaji Cali Ugaas Cabdulle oo maanta lagu aasay Muqdisho?

Ugaaska

Xigashada Sawirka, SOCIAL

    • Author, Ahmed Cadceed
    • Role, Saxafi madax bannaan

Allaha u naxriistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, Xaaji Cali Ugaas Cabdulle, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana siyaasi, sida ay inoo xaqijiyeen eheladiisa.

Cali Ugaas Cabdulle ayaa ayaa waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Marxuumka waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka sida Madaxweyne Xassan Sheekh maxamuud iyo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u dirayey ehelka uu ka baxay marxuumku.

Waxaa aaskiisa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dawladeed oo badan oo ay ka mid yihiin Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), masuuliyiin hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo dadweyne kale oo badan oo ay ka mid yihiin Culumada, dhaqanka iyo shacab intaba.

Haddaba maxaan ka naqaan taariikhda Allaha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle, maxaase lagu xasuustaa?

Shaqada Cali Ugaas

Ugaas

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Allaha u naxariistee Xaaji Cali Ugaas Cabdulle wuxuu sannadkii 1938-dii ku dhashay tuulo la yiraahdo Cadcaddey oo ka tirsan gobollka Shabeelaha Dhexe isla halkaas ayuuna kusoo qaatay waxbarashadiisa hoose halka uu magaalada Muqdisho uu ku qaatay inta kale.

Waxbarashadiisa ka dib wxuu Xaaji Cali kasoo shaqeeyay Xirirkii Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bilowga sannadkii 1987 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir isla markaan ah duwqa magaalada Muqdisho. Wuxuu xilkaas hayey tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 1990-kii, taas oo ka dhigan muddo qiyaastii saddex sano oo xiriir ah.

Waxaa burburay dawladdi Soomaliyeed sannadkii 1991-dii, wuxuuna intaa wixii ka dambeeyay Xaaji Cali ka mid ahaa dadkii waxgaradka iyo siyaasiyiinta ahaa ee ka shaqa bilaabay arrimaha nabadda.

Wuxuu kasoo qayb qaatay dedaaladii u horeeyay ee dub u dhiska Soomaaliya burburkii kadib, wuxuuna ka mid ahaa dadka ka qayb qaatay shirkii Carta, “wuxuu hormuud ka ahaa shirkii carta oo uu ka mid ahaa guddiga golaha dhaqanka ee shirkaas hogaaminayey,” ayuu yiri Cali Gaabow Gacal oo ay soo wada sheqeeyeen Allaha u naxariistee Xaaji Cali oo isaga laftiisu horey xilal ugasoo qabtay dawladda Soomaaliya.

Sannadkii 2002-dii Waxay dawladdi ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasin Salaat xasan u magacowday mar kaole, Guddoomiyaha goboka Benaadir.

Jagadan wuxuu hayey tan iyo sannadkii xigay ee 2003, waxaase sannadkii 2006-dii loo magacaabay qunsulka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, shaqadan oo uu hayey tan iyo sannadkii 2009-kii.

Oday Dhaqameed/Ugaas

Kasokow inuu kasoo shaqeeyay siyaasadda isla markaana uu xilal kala duwan soo qabtay xilliyo kala duwan; Cali Ugaas Cabdulle wuxuu ahaa nabadoon ama oday dhaqameed, wuxuuna xilka ugaasnimada uga dambeeyay Allaha u naxariistee aabihiis oo ugaas ka ahaa beelaha Muddulood, wuxuuna shaqadan bulshada u hayey tan iyo inta uu kasoo barbaarayey wiilkiisa oo hadda ah ugaas.

“Weligiisba wuxuu ahaa dhaqanka oo aabbihiisbaa Ugaas ahaa, Ugaaska haddana isagaa dhalay,” ayuu yiri Cali Gaabow.

Tani waa sababta uu dhanka dhaqanka uga qayb qaadanayey dedaaladii dib u dhiska dawladnimadii Soomaaliya, isaga oo sida aan korba kusoo xusnay hurmood ka ahaa nabadoonadii dhaqanka ee shirkii carta.

Tan iyo markii ay soo idlaatay shaqadiisii qunsulnimo ee uu Talyaaniga ka hayey, Cali ugaas wuxuu u guuray dalka jarmalka halkaas oo uu ku noolaa wixii ka horeeyay tan iyo laba sano oo uu Muqdisho kusoo laabtay.

Shakhsiyadda Cali Ugaas

Cali Gaabow Gacal oo ay aqoon isu lahaayeen isla markaana BBC-da uga warramay shakhsiyadda Cali Ugaas, wuxuu ku tilmaamay “nin masaalaxa ka talis ah oo dhaqan iyo siyaasad labada isku ah”.

Waxa uu Cali Gaaboow noo sheegay in uu aad ugu xirnaa culumaa’udiinka kana shaqayn jiray fidinta iyo u adeegidda diinta Islaamka, “wuxuu ahaa nin culuma udiinka iyo ahlu dariiqada aad ugu xiran oo ka qayb qaata fidinta diinta iyo dariiqada,” ayuu Cali ku tilmaamay.

“Wuxuu ahaa sama ka talis marka lasoo koobo” ayuu yiri Cali Gaabow.