Maxay la kulmeen kalluumeysatadii Soomaaliyeed ee labo bilood lagu la'aa Badweynta Hindiya?

Kalluun
    • Author, Ibraahim Maxamed Aadan
    • Role, BBC Somali

Waxa magaalada Muqdisho dib loogu celiyay saddex nin oo ahaa kalluumaysato, muddo labo bilood ah doontii ay la socdeen ay dul sabbeyneysay Badweynta Hindiya, kaddib markii doonta uu ku dhuftay roob dabeylo xoog leh wata, matoorkiina uu ka hallaabay.

Kooxdan oo naftu ku dabo yar tahay ayaa markii dambe tagay Jasiiradda Maldives ee qaaradda Aasiya.

Waxaa muddo kadib laga helay jasiiradaha Maldives ee Koonfurta qaaradda Aasiya. Afar bilood iyo dheeraad kaddib waxay ku soo laabteen halkii ay subixii 24-kii April doontoodu ka shiraacatay ee Xeebta Liido.

BBC-da ayay la wadaageen dhibtii ay muteen muddadii ay badweynta dul sabbeynayeen kaddib markii cillad ku timid mashiinkii ama matoorkii doonta markii roob duufaan wata uu ku dhuftay.

Shuceyb Cali ayaa ka sheekeynaya maalmo kaddib markii doontu la habowday sida noloshoodu noqotay, "Saddexdeenna way nagu cusbeyd wixii nagu dhacay. Qoysaskeenna ayaan ka fekernay, maalinba maalinta ka dambeysana waxaan dareemeynay dhibaato iyo gaajo iyo rafaad," ayuu yiri.

"Sidaasoo ay tahay Ilaah ayaan ku xirneyn oo salaaddeenna ayaan tukaneynay. Waxaa noogu xumeyd annaga oo ka sheekeyneyna berri miyaad dhiman doontaan mise berri dambe. Xaaladda way adkeyd, markaan soo xusuusto beerka ayaa i xanuuna," ayuu intaa raaciyay.

Kalluumeysatadan ayaa muddo siddeed beri ah iyagoo aan waxna cunin waxna cabin dul heehaabayay Badweynta Hindiya. Waxay siteen keliya raashiin qalleyl ah, mana aysan heli karin meel ay ku karsadaan.

Kalluun
Qoraalka sawirka, Shuceyb ayaa sheegay in dhacdadaas ay ku reebtay xusuus xun

Maxay ku noolaayeen?

Maxamed Cabdullaahi oo isna ah ninka ugu da’da weyn saddexdan kalluumaysatada ah ayaa BBC u sheegay in siddeeddii maalmood ee ugu horreysay ay cabi jireen biyaha badda, halka maalmihii xigayna ay cuni jireen kalluun cayriin ah.

"Waxaan gaadeynay kalluun, isagoo cayriin ah ayaan cuni jirnay, markaan qabanno isla markiiba mindi ayaan ku jarjari jirnay waana cuni jirnay,"

"Maalmihii hore subax ka subax waxaan cabi jirnay hal kabbasho oo biyaha badda ah. Markii dambe biyaha badda iyo qorrax aad noo heysay darteed waan xamili weynay oo jirka ma qaadan karo," ayuu yiri.

Sidaas oo tahay raggani way tabar beeleen oo nafaqo darro ba’an ayaa haleeshay ilaa uu jirkoodii isbaddalay.

Shuceyb ayaa ka hadlaya sida muuqaalkoodu isu baddalay kaddib labo bilood oo ay badda dul sabbeynayeen, "meesha muraayad ma oollin laakiin annaga ayaa is qiimeyneynay. Aniga ahaan qaarka dambe waan ka liitay oo miskihii ayaa isoo baxay, aniga iyo raggaan isla soconnay markaan soo baxaynay quruxdaan lahayn meesha ma oollin," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in aad looga dareemayay gaajada heysay isla markaana qof walboo arka uu u gargaari lahaa, isla markaana ay macluul daran ka muuqatay.

Kalluun
Qoraalka sawirka, Maxamed Cabdullaahi

Kooxdan inta Badweyntu ay mashaqadu ku haysatay waxa ag maray maraakiib dhowr ah, balse kama aysan helin wax caawinaad ah.

"Maraakiibta way naga baqayeen, waddankan waad la socotaa xaalkiisa oo amni ma aha. Maraakiibta waxay nooga shakinayeen maafiyo ahaan, amay dadkan dhibaato idin geystaan, sidaa darteed ayaan gurmad u heli weynay." Ayuu yiri Daadir Sakariye oo ah ninka ugu da'da yar saddexdan nin.

Kalluumeysatadan ayaa haatan dib ula midoobay qoysaskooda markii ay Muqdisho kusoo laabteen.

Daadir
Qoraalka sawirka, Daadir Sakariye

Cali Cambar Maxamed oo qudhiisu muddo dheer badmaax ahaa wiilkiisuna ka mid ahaa kooxdan kalluumeysatada ee luntay ayaa BBC uga warramay dareenkiisa markii wiilkiisa la waayay, "Markuu hal bil iga maqnaa geeri ayaan ku tilmaamay, matoorkii miyaa ka jabay meeluu ka baxay lama hayo, markii la yiri Maldives baa laga helay waan farxay Ilaah ayaan salaad u tukaday oo qalbigeyga waa degay." Ayuu yiri.

Cali oo 80 sano jir ah ayaa sheegay in intii uu badda ka shaqeynayay uusan weligii la kulmin dhibaato noocan oo kale ah.

Iskaashatada Kalluumeysatada Dan-Kulmis oo raggan ay ka tirsan yihiin ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad-celiyay kaalinta ay ku lahaayeen dib usoo celintooda, waxayna ka codsadeen in laga caawiyo doomo iyo qalab kalluumeysi, maaddaama doomahoodii iyo qalabkoodiiba ay ku baaba'een badda.