Xaggee ayay mareysaa xaaladda Faransiiska?

Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in Barnier uu iska casilay xilkiisa, balse uu sii heyn doono ilaa laga dhisayo dowlad cusub

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa caawa khudbad u jeedin doona dadweynaha dalkaas, maalin kadib markii Raysal Wasaare Michel Barnier lagu riday codka kalsooni-darrada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Barnier uu iska casilay xilkiisa, balse uu sii heyn doono ilaa laga dhisayo dowlad cusub.

Baarlamaanka ayaa shalay xukuumaddiisa ku riday codka kalsooni darrada waana markii ugu horreysay ee ay dhacdo muddo ka badan 60 sano.

Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu arrinta dedejiyo si uu u magacaabo qofkii beddeli lahaa.

Weli ma jiro war soo dusay oo ku aaddan cidda laga yaabo inay beddesho Mr Barnier.

Mr Macron ayaa shirar kale la yeelanayay xubnaha sare ee baarlamaanka, kahor inta uusan shacabka khudbad ujeedin fiidnimada caawa xilliga dalkaas. Xaddidaad dhanka dastuurka ah ayaa la micno ah in wax doorasho baarlamaani ah oo cusub aysan ka qabsoomi karin Faransiiska ilaa bisha July.

Magacyada raysal wasaaraha cusub ayaa aad la iskula dhex marayay, waxaana ka mid ah Wasiirka Gaashaan-dhigga Sébastien Lecornu, Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau iyo musharraxii hore ee madaxtinnimada François Bayrou.

Balse in la helo magac ma sahlana sababo la xiriira waqtiga dheer ee ay qaadan karto, si la mid ah sidii dhacday xagaagii, markii raysal wasaarihi hore Gabriel Attal uu xilka sii hayay muddo labo bilood ah.

Waa sidee xaalka gudaha?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qalalaasaha siyaasadeed ee Faransiiska ayaa ka sii xun kuwa caadiga ah ee siyaasadeed. Marka waddan dimoqraadi ah uu wajahayo xaalad adag, waxaa jirta rajo ah in xaaladdaas ay dhammaan doonto.

Maanta Paris taas ma ahan. Dhab ahaan, hoos u dhaca Michel Barnier – oo baarlamaanka looga tuuray mooshin kalsooni-darro ah – wuxuu khatar ku yahay inuu noqdo qaab-rogasho mustaqbalka soo socda.

Waayo haddii Barnier – oo ah nin dhex-dhexaad ah oo ka tirsan midig-dhexe, kuna caan ah hab-dhaqanka hufan iyo isu-tanaasulka – uu ku guuldarreystay ansixinta miisaaniyad, yaa kale oo awoodi kara oo kale ayaa lays weydiinayaa.

Sababtii asalka ahayd ee qalalaasaha wali ma dhammaan. Waa kala qaybsanaanta Golaha Qaranka tan iyo bishii Luulyo oo loo kala saaray saddex kooxood sida muuqata isla eg, midkoodna aysan diyaar u ahayn inay heshiis la galaan mid kale.

Natiijadaas darteed, labadii kooxood ee mucaaradka samaynaya mar walba way awoodi doonaan inay ridaan kooxda kali ah ee sameysa xukuumadda.

Ra’iisulwasaaraha waxaa riday boqolkiiba 57 baarlamaanka ah. Balse hoggaamiyaha xisbiga bidixda fog Mathilde Panot ayaaba iyadu ku dalbanaysa in Macron qudhiisu is casilo.

Faransiiska

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Xisbiga midig fog ee Marine Le Pen iyo kan garabka bidix ee New Popular Front ayaa labadaba u midoobay in ay laalaan xukuumadda Barnier kadib markii ninkan oo hore u qaabilsanaa wada-xaajoodka Brexit uu awoodo gaar ah u adeegsaday in la marsiiyo qorshe maaliyadeedka sanadka iyadoo aan wax cod ah loo qaadin.

Isku darka 331 ayaa u codeysay mooshinka, waana tiro ka badan 288 loo baahnaa si uu u meel maro mooshinka.

Barnier ayaa is casilaaddiisa gudbiyay kadib codka, halka bajadka sababay in la rido uu toos halkaas uga baxay.

Madaxweyne ahaan, Macron ayaa marka dastuurka la eego aysan saameyneyn is casilaadda Barnier.

Balse siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ayaa aad u doonaya inuu is casilo waxayna ku baaqayaan in doorasho madaxtinnimo oo soo hormartay la qabto - taasoo ah wax uu Macron ku adkeystay inaysan qorshahaba ku jirin.