You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qadar oo baaq ku aaddan Israa'iil u dirtay caalamka iyo Israa'iil oo qorshe wadda
Hay'adda warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in ciidammada Israa'iil ay dhammaystireen qabanqaabada wajiga labaad ee howlgalka loo bixiyay "Gaadiidka Gideon 2", kaasi oo ay ku doonayaan in ay si buuxda ula wareegaan magaalada Qasa.
Hay'addu waxay tilmaamtay in inkastoo howlgalku uu la kulmi doono cambaarayn caalami ah oo balaadhan, haddana shakhsiyaad sarsare oo dhinaca ammaanka iyo siyaasadda ah ayaa xaqiijiyay in aanay jirin wax kale oo aan ahayn in la balaadhiyo dagaalka, iyadoo ay jirto hakad ku yimid wadahadallada ku saabsan heshiiska sii daynta maxaabiista, kaddib weerar ka dhan ahaa hoggaamiayaasha Xamaas ee ku sugan dallka Qadar oo ay Israa'iil ka fulisay Dooxa.
Dhanka kale, wrabaahinta Channel 12 ee Israa'iil ayaa ka soo xigatay taliyaha ciidammada Eyal Zamir oo farriin uu u diray hoggaanka siyaasadeed, kaddib shir qarsoodi ah oo dhacay fiidnimadii Axadda, isagoo yidhi: "Waxaan ka go'an tahay himilooyinka dagaalka sida ay u qeexday xukuumaddu, laakiin Xamaas lama jebin doono militari ahaan iyo siyaasad ahaanba, xitaa ka dib howlgalka la wareegidda magaalada Qasa."
Marka laga hadlayo amarrada shacabka ugu baaqayo in ay banneeyaan magaalada Qasa, ayaa warbaahinta Israa'iil oo ka soo xigtay ciidammada waxay qiyaasayaan in dadka intooda badan ay oggolaan doonaan in ay halkaasi ka baxaan daqiiqadda ugu dambaysa, iyadoo la xusay in ciidammada Israa'iil ay magaalada u gali doonaan si tartiib tartiib ah, iyada Raysalwasaare Netanyahu uu ku nuuxnuuxsaday arrintaasi intii lagu jiray shirka.
"Waxaan rabaa inaan arko howlgalkan oo bilaabmaya waqtiga la isku raacay."
Sida laga soo xigtay ilo ammaan oo Israa'iili ah, ilaa hadda waxaa ka tagay magaalada Qasa qiyaastii 300,000 oo qof, halka ciidammada Israa'iil ay filayaan in inta u dhaxaysa 200,000 iyo 300,000 oo reer Qasa ah ay ku sugnaan doonaan aagga magaaladaasi marka uu bilaabmo howlgalka ciidammada.
BBC ayaan awoodin in ay si madax bannaan u xaqiijiso tirada Falastiiniyiinta ka barakacay guryahooda ee magaalada Qasa tan iyo markii ay soo baxeen amarrada barakicinta ee Israa'iil.
Hay'adda warbaahinta Israa'iil ayaa tilmaamtay in hoggaanka ciidamada Israa'iil ay ka digeen in balaadhita howlgallada Qasa "uu halis gelin karo maxaabiista ku jira gacanta Xamaas."
Sida laga soo xigtay hay'adda warbaahinta, ilo ammaan ayaa xaqiijiyay in "dhammaan siyaasitiinta sarsare ay arrintaasi si dhow ula socdaan," iyadoo la baadhayo jawaabaha suurtagalka ah haddii maxaabiistu ay halis galaan.
Intii lagu jiray toddobaadkii la soo dhaafay, ciidamamda Israa'iil waxay kordhiyeen duqeymaha ay ka gaysanayaan Qasa, iyagoo bartilmaameedsaday dhismayaal badan oo ku yaal magaalada.
Axaddii hore, Raysalwsaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay intii uu la kulmayay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, in "Xulafada aan la leenahay Mareykanka aanay weligeed u xooganayn sida ay hadda tahay. Waanu qadarinaynaa taasi, " ayaa uu yidhi Netanyahu.
Netanyahu oo ku tilmaamay Rubio "saaxiib gaar ah" oo Israa'iil leedahay, ayaa ku daray in booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay muujineyso " sida ay u xooggan tahay xulafada Israa'iil iyo Mareykanka."
Rubio iyo Safiirka Mareykanka ee Israa'iil Mike Huckabee ayaa booqday Derbiga Galbeed ee Quddusta Bari ee la haysto, iyaga oo ay weheliyaan Netanyahu, kaas oo ku tilmaamay xulafada Israa'iil iyo Mareykanka "mid xooggan oo u adag sida dhagxaanta derbiga."
Hadalkiisa wuxuu yimid, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ay horay u muujiyeen walaac ku saabsan weerarkii Israa'iil ee lagu beegsaday wafdiga hoggaaminta ee wada xaajoodka u qaabilsan Xamaas eek u sugan waddanka Qadar.
Maxaa laga filayaa madaxeedka Carabta iyo Islaamka ee Dooxa?
Dooxa, Raysalwasaaraha Qatar ayaa Axaddii ku boorriyay beesha caalamka in ay joojiso "ku-celcelinta halbeegyada isku midka ah", isagoo ku baaqay intii lagu jiray kulan diyaargarow ah oo loogu talagalay shir madaxeedka Carabta iyo Islaamka ee lagu wado inuu ka dhaco Dooxa maalinta Isniinta, in "Israa'iil lagu ciqaabo dambiyada ay gaysanayso."
Qadar waxay martigelin doontaa Isniinta shir madaxeed ay yeelanayaan waddamada Carabta iyo Islaamka si ay uga jawaabaan weerarkii Israa'iil ee lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan caasimadda Qadar.
Duqeymaha Israa'iil ayaa sababay dhimashada shan xubnood oo ka tirsan Xamaas iyo xubin oo ka mid ah ciidammada ammaanka ee Qadar.
Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo ka hadlay intii lagu jiray kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada Carabta iyo Islaamka, habeen ka hor shir madaxeedka ayaa yidhi "Wax dhiirigelinaya Israa'iil inay ku sii socoto qaabkan waa aamusnaanta iyo awood-xumada beesha caalamka ee ah in la xisaabtanto."
Wuxuu intaasi ku daray "Israa'iil waa in ay ogaataa in dagaalka baabi'inta ee joogtada ah ee lagu hayo dadka Falastiinta ah ee walaalaha ah, kaas oo looga gol leeyahay in lagaga xayuubiyo dhulkooda...aanu guuleysan doonin."
Axaddii, waxaa ka dhacay Dooxa kulan diyaargarow ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada Carabta iyo Islaamka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar Majid bin Mohammed Al-Ansari ayaa sheegay in qabashada shir madaxeedka "ay ka tarjumayso midnimada Carabta iyo Islaamka, isla markaana ay xaqiijinayaan diidmada adag ee waddammadaasi ay ka qabaan waxay ugu yeedheen falalka argagaixsa qaran ee ay ku dhaqaaqayso Israa'iil", isagoo intaasi raaciyay in shir madaxeedka Isniinta " lagaga hadli doono qabyo-qoraal iyo bayaanno laga soo gudbiyay kulankii diyaargarowga."
Iiraan ayaa xaqiijisay in madaxweynaheeda Masoud Pezeshkian uu ka qeyb galayo shir madaxeedka. Waxa kale oo lagu wadaa in Raysalwsaaraha Ciraaq, Mohammed Shia al-Sudani uu qayb ka noqdo kulankan. Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu booqan doono Dooxa maalinta Isniinta, halka Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas uu gaadhay Qadar, fiidnimadii Axaddii.