War farxad galinaya dadka ilkaha la’

Waxaa la soo dhameeyey tijaabadii lagu samaynayey xayawaanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxaa la soo dhameeyey tijaabadii lagu samaynayey xayawaanka

Dawo loogu tala galay inay dib u soo saarto ilkaha bani'aadanka ayaa tijaabo gali doonta horraanta sannadka soo socda.

Dawadan oo haddii ay shaqayso wax weyn soo kordhin doonta waxay rajo gelin doontaa malaayiin qof oo dhibaato ay ka haysato ilkaha.

Cilmi baareyaal Japan u dhashay oo weli aan wax magac ah u bixin dawada waxay ku rajo weyn yihiin in suuqa la soo gelin doono sanadka 2030 haddiiba lagu guuleysto.

Tijaabooyin hordhac ah ayaa muujinaya in dawadaas ay ka caawisay jiir iyo dabagaalle inay ilko u soo baxaan, waxaana sideedaba loogu tala galay in ay isticmaalaan dadka ku dhasha ilko la’aanta oo aan lahayn ilko dhammaystiran.

Arrintan ayey saynisyahannadu ku tilmaameen ”riyada uu leeyahay dhakhtar kasta oo ilkaha ka shaqeeya”, waxayna aaminsan yihiin in mustaqbalka si aad ah loo isticmaali doono.

Warbaahinta Japan waxay sheegaysaa in tijaabada rasmiga ah ee dawadan la bilaabi doono bisha Luulyo 2024.

Sannad ka dib ayaa la bilaabi doonaa tijaabada bani aadamka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sannad ka dib ayaa la bilaabi doonaa tijaabada bani aadamka

Saynisyahannadu waxay ogaadeen inuu jiro hidde-side gaar ah oo jiirku leeyahay, kaasoo saameeya in ilkuhu koraan.

Lidka hidde-sidahaas waa USAG-1. Haddii la cadaadiyo wuxu gacan ka gaysanayaa in iliggu koro.

Dawadan ayaa qaabka ay u shaqayso lagu tilmaamay inay cadaadis saarto USAG-1. Hidde-siduhu wuxuu xaddidaa korriimada iligga sida ay daraasad la sameeyey sheegayso.

Markii ay talaabadan horumarka leh sameeyeen oo ay ku tijaabiyeen xayawaanka 2021, ayaa saynisyahanno ka kala socda jaamacadaha Kyoto iyo Fukui waxay qireen in aysan ogeyn in haddii la xannibo USAG-1 ay taa xal noqonayso.

Laakiinse waxaa tijaabadan lagu hanweyn yahay in lagu guulaysto.

Arrintan waxaa la rajeynayaa in mar seddexaad ay u suurto galinayso qofka bani'aadanka ah in ilko ay u soo baxaan.

Tijaabada xayawaanka lagu sameeyey ayaa shaqaysay

Xigashada Sawirka, Kyoto University/Katsu Takahashi

Qoraalka sawirka, Tijaabada xayawaanka lagu sameeyey ayaa shaqaysay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isagoo ka hadlayey tijaabada bani'aadmiga lagu sameynayo, ayaa Dr Katsu Takahashi oo saynisyahannada dawadan soo saaray ka mid ah wuxuu u sheegay warbaahinta Japan in arrintan uu ka shaqaynayey tan iyo markii uu jaamacadda dhameeyey.

”Waxaan kalsooni ku qabaa in aan ka jiba gaari doono, waxaanan dhabbaha u xaareynaa in caafimaad ahaan loo isticmaali doono” ayuu yiri.

Anodontia waa xaalad ah in dadku ay ilko ka maqan yihiin.

Cilmi baaris ayaa muujisay in ay xaaladaas ku badan tahay dumarka, laakin lama oga tirada guud ee dadka dunida ku nool ee xaalaaddas ay haysato.

Dadka ilka la’aanta ku dhasha waxaa u suurtogali doonta in ilaa 6 ilkood ay u soo bixi karaan haddii ay dawada qaataan, sida laga soo xigtay xarun caafimaad oo ku taalla Cleveland.

Marka laga soo faraxasho tijaabada waxay cilmi baareyaashu rajaynayaan in lagu bilaabi karo carruurta da’doodu u dhaxayso 2 – 6 jir ee qaba xaaladda Anodontia.

Inkastoo loogu tala galay isticmaalka dawadan dadka ku dhasha ilko la’aanta, haddana waxay farxad galinaysaa dadka ilka beelay ee aan markii hore rajada ka qabin in dib dambe ay ilko ugu soo baxaan.

Khubaradan oo kaliya ma aha ee 2018 ayaa khubaro ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Washington waxay soo saareen Aalad macmal ah (Robot) oo soo saari karta qaybaha yarayar ee jirka bani’aadmiga ee unugyada (stem cells) ka samaysan.