Cunto kariyihii hore ee Putin, haddana taliye sare oo laga cabsado

Yevgeny Prigozhin wuxuu si wayn uga soo ifbaxay duulaanka Ruushka ee Ukriane, isaga oo madax u ahaa koox calooshood u shaqaystayaal Ruush ah oo meelo muhiim ah dagaalka uga jiray.

Ninkaan kuma cusba maxabiista Ruushka, wuxuu ciidan ahaan u qortay kumanaan dambiilayaal ku xirnaa xabsiyada Ruushka, si ay uga mid noqdaan kooxdiisa Wagner – isaga oo aan u eegeyn sida ay u xumaayeen dambiyadii ay geysteen – marba hadii ay uga dagaalmayaan Ukraine

Ka hor inta uusan Ruushku bilaabin dagaalkii ugu xumaa ee Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee dunida, Prigozhin waxaa lagu eedeeyay farogalinta doorashooyinka Maraykanka iyo balaraarinta saameynta Ruushka ee Afrika.

Sidee ninkan bilow mugi badan leh uu u yeeshay saameyn nuucaan ah iyo sumcad xun oo aad looga cabso.

Bilowgiisii

Yevgeny Prigozhin wuxuu ka soo jeedaa St Petersburg, oo ah isla halka uu ka ymid Vladimir Putin.

Xukunkiisii maxkamedeed ee ugu horeeyay wuxuu ku dhacay 1979 kii, isaga oo 18 jir ah, tuuganimo ayaa loo xiray laba sano iyo bar. Laba sano kadib waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay dhac iyo tuuganimo, sagaal sano oo kamid ah mudadaas wuxuu ku jiray xabsi.

Kadib markii laga soo daayay xabsiga, Prigozhin wuxuu aasaasay miisas badan oo lagu iibiyo hilbka lo'da oo la shiilay gudaha magaalada St Petersburg. Ganacsigii ayaa u bulaalay, sanado gudahood ayuu magaalada ka furtay maqaayad wayn oo qaali ah.

Halkaas ayay ka bilaabatay xooggii iyo sareyntii uuu ku yeeshay St Petersburg kadibna Ruushka oo dhan. Mid kamid ah maqaaxiyahiisa oo la dhihi jiray New Island, waxay ahayd doon dul sabeyneysa wabiga Neva. Vladimir Putin ayaa aad u jeclaa – markuu madaxweyne noqday kadib, wuxuu bilaabay inuu halkaas geeyo martidiisa dibadda ka timaada. Sida ay u badan tahayna waa halka ay ku kulmeen labada nin.

“Valdimir Putin… dhib uma arkeyn inaan saxamada cuntada u geeyo marti sharafta,” Prigozhin ayaa ku yiri wareysi. “Waannu kulanay mar uu la yimid ra’iisyul wasaaraha Japan Mori.”

Yoshiro Mori wuxuu booqday St Petersburg bishii Aprill ee sanadkii 2000, bilowgii xukanka Vladimir Putin.

Putin wuxuu aaminay Prigozhin ilaa uu kala qayb galay xafladda dhalashadiisa oo ka dhacday maqaayadda New Island sandkii 2003 dii.

Sanado kadib, shirkadda cuntooyinka diyaarisa ee Prigozhin ayaa heshiis lagula galay in ay cunto geyso aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliyo, isaga oo qaatay naaneysta ah, “cunto kariyaha Putin”. Shirkadaha uu leeyahay Prigozhin sidoo kale waxay ku guuleysteen qandaraasyada cunto u daabulidda milatariga Ruushka iyo sidoo kale iskuuladda ay dawladdo maamusho.

Wagner

Sanadkii 2014 kii, markii Ruushku ku duulay Ukraine, ayay muuqatay in Prigozhin uusan ahayn ganacsade iska caadi ah. Shirkad qaas ah oo milatari oo xiriir isaga la leh ayaa la soo wariyay in ay ciidamada Ukraine kula dagaalameyso bariga gobolka Donbas.

Sida caadiga ah waxaa loo yaqaannaa Wagner – kadib markii magaca afgarashada ah uu isticmaalay mid kamid ah taliyaasheedii ugu horeeyay. Waxaa la sheegay inuu jeclaa Naazigii Jarmalka, taas oo shaqadii hal abuurkii qarnigii 19 aad u leexisay sameynta borobogaandooyinka.

Ka badlista nidaamka Naaziga Ukraine, wuxuu kamid ahaa waxaa yabihii madaxweyne Putin u kiciyay duulaanka uu ku qaaday Ukraine2022 kii.

Marka laga soo tago Ukraine, Wagner waxay ka hawl galayeen Afrika iyo meelo ka baxsanba, waxay qabanayeen hawlo taageerayay qorshayaasha aqalka Kremlin ka - oo ay kamid ahaayeen taageerada nidaamka maamulka Bashar al-Assad ee Siiriya iyo la dagaalanka saameynta Faransiiska ee Mali.

Waqti kadib, kooxda calooshood u shaqystayaasha waxay noqdeen kuwa caanku ah arxandarro oo laga baqo. Xubnaha kooxdaan aya lagu eedeeyay in ay buris la dhaceen maxbuus siiriyaan ah oo ay qabteen, kadibna madaxa ka jareen, kadibna jirkiisa gubeen 2017 kii.

Sanadkii xigay, saddex wariye Ruushka u dhashay ayaa la dilay iyaga oo baaritaan kuwada joogista kooxda Wagner ee waddanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.