Muxuu yahay dhoola tuska ciidamada badda Cas ee Ereteriya iyo Soomaaliya aysan ka qayb gelin?

Dhoolastuska wadajirka ee lagu magacaabay mowjada 8-aad ee Badda Cas ayaa waxaa hoggaaminaya oo isku dabbariday Masar iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen ciidanka Masar. Ciidamo badda labada dal iyo sidoo kale ciidamo ka kala socday Jabuuti, Urdun, Suudaan iyo Yemen ayaa ka qayb galay layliskaasi ciidan.

Ereteriya oo mar walba ku doodda in Masar iyo Sucuudiga ay door weyn ka ciyaaraan sugidda ammaanka badda cas ayaan haddana ka qayb gelin layliska ciidan. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo toddobaad kahor booqasho ku joogay Qaahira ayaa sheegay in doorka Masar ee dalkiisa uu yahay mid muhiim ah.

''Dalalkeena xeebaha leh waa in aynu boos cad ka istaagno arrintan''

''Mid kamid ah ayaa doonaysa in badda cas dalalka mar ay xoojiyaan hay'adahooda ammaanka si loo hubiyo badbaadada marin-biyoodka.''

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Isaias uu doonayo inuu saamayn weyn ku yeesho gobolka, uusana doonayn ka qayb qaadashada howlgallo milatari oo ay maamulaan quwadaha waaweyn sida Masar iyo Sucuudi Carabiya.

Cabdiraxmaan Sayid oo si dhow ula socda arrimaha geeska Afrika iyo badda cas ayaa ku doodaya in ay ahayd ''doorasho istaraatiiji ah oo ula kac ah.''

''Natiijadu waxa ay tahay in inkasta oo Ereteriya ay ka madax banaanaan doonto xayiraad, haddana ay halis ugu jirto in ay lumiso faa'iidooyinka ka imaan kara isku-dhafka ammaanka badda'' ayuu yiri.

Si uu u guulaysto iskaashi badda oo dalalka gobolka waa la tix galiyaa ''meesha gaarka ah ee Ereteriya ka taagan tahay,'' ayuu ku daray.

Xiriirka Ereteriya la leedahay dhammaan dalalka kale ee ka qayb galaya marka laga reebo Jabuuti uu yahay mid dhow oo wanaagsan.

Waxaa uu go'ay xiriirkooda diblomaasiyadeed ee iyaga iyo Jabuuti sannadkii 2009, sababtuna waxey ahayd khilaafka xuduudda ee labada dal.

Wax guul ah kama dhalan dadaalada sanadihii u dambeeyay lagu raadinayay in lagu soo celiyo xiriirka labada dal.

Jabuuti oo martigalisa saldhigyo ay leeyihiin dalal Bariga iyo Galbeedka ka socda ayaa ka xumaatay dhaliisha hoggaamiyaha Ereteriya ee joogitaanka saldhigyada ciidan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Masar iyo Eritrea ayaa madaxweyne Isaias uu ku sheegay in ''door caalami ah uu imaan karo haddii ay jirto hab. Sharci ah.''

''Eretrea waxa sugi kartaa ammaanka xeebaheeda,'' ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray''Soomaaliya, Yemen, Jabuuti, Suudaan iyo Sucuudi Carabiya waa ay awooddaan sugida ammaaka xeebahoooda.

Soomaaliya waxa ay horay u ahayd kor joogto laylisyadii hore ee ''Mowjada Cas''

Horraantii Janaayo 2020, ayaa kulan wasiirada badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa lagu qabtay Riyaad. Shirkan oo Ereteriya ay ka qayb gashay ayaa dalalku ay ku dhawaaqeen inay dhisayaan dastuur golaha ka qayb galay shirka.

Isbahaysiga oo ay ku jiraan Ereteriya, Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Masar, Yemen iyo Urdun ayaa la sheegay inay ka shaqaynayaan kor u qaadida ammaanka iyo iskaashiga gobolka ee xubnaha dowladaha qaybta ka ah.

Hase ahaatee ilaa iyo hadda wax muuqda oo la ogyahay ma jiraan.

Maxay ka dhigan tahay 'Mowjada Cas'

Layliska ciidan ee wadajirka ayaa kaliya ay qayb ka yihiin dowladaha xeebta badda cas.

Ujeedka ugu weyn ee laysliska ''Mowjada Cas'' oo soo bilowday Janaayo 2018 ayaa ah ilaalinta biyaha dalalkaasi iyo xaqiijinta badbaada marinka badeecadaha badda cas.

dhoolastuskan sideedaa oo bilowday todobaadkii hore ayaa waxaa lagu adeegsaday madaafiic iyo rasaas, sida ay tabisay warbaahinta Arab Media.

Howlgalka milatari waxaa qayb ka ah cutubyo ciidamada badda gaarka ah oo loola jeedo xakamaynta doonyaha dheereeya, qabashada iyo la socodka maraakiibta quusa ee, sida ay tabisay wakaalada wararka Egyptian Gazette.

''Layliska waxaa ku jiray ujeedooyin toos iyo ficil ah oo iskudabaridka howlgalada wadajirka'' ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda difaaca Masar.

La dagaallanka ''khataraha badda ee aan caadiga ahayn'' iyo is-weydaarsiga khibradaha ayaa sidoo kale qayb ka ahaa layliska . sida ay sheegtay Qaahira.

Saraakiisha sare ee dalalka ka qayb galaya, waxaa kamid ahaa taliyaha ciidamada badda Masar oo kormeerayay laysliska ciidan.