Waxyaabaha keenay in niyadjabka uu ku soo bato Soomaalida iyo calaamadaha lagu garan karo xanuunka

Dadka la nool xanuunka niyadjabka ee ku dhiirinaya in ay tagaan goobaha la talinta iyo dawaynta ee xanuunkan ayaa kordhay muddooyinkii u dambeeyey, iyada oo wakhtiyadii hore ay adkayd tegitaanka xarumahaasi.

Dadkan Xarumahan taga ee u doonta dawaynta iyo talo laga siiyo xanuunka Niyadjabka ee haya, ayaa waxa u badan Haween, Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdifataax Xaaji Daa'uud oo ah Dhakhtar bartay Cilmi nafsiga oo Hargeysa ku sugan.

Muxuu yahay xanuunka niyad-jabka?

“Xanuunadan sida xanuunada kale ayay waxay u leeyihiin kuwa fudud, kuwa dhexe iyo kuwa adag waana xanuuna u baahan in lagu baraaruga oo bulshada la fahansiiyo,” ayuu yiri Dr. Cabdifataax Xaaji Daa'uud oo ah Dhakhtar bartay Cilmi nafsiga oo Hargeysa ku sugan.

Niyad jabka waa xaalad maskaxeed amaba cadaadis maskaxeed oo ka imaanaya dalabaadyo mala awaal ah. Maalin walba, waxaan la kulannaa xaalado adag, kuwaas oo aan u qaadan karno "khatar" tusaale ahaan shaqo culus.

Jirkeenna ayaa u sameysan inuu naga yareeyo culeyska si uu inooga badbaadiyo khataro badan oo nagu timaadda.

Markaan khatar dareenno, maskaxdeenna ayaa dirta dhiillo. Ka jawaab celintan ayaa sii deysa hoormoonno, ay ka mid yihiin noocyada adrenaline iyo cortisol.

Adrenaline ayaa kordhiya garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga wuxuuna qofka siiyaa tamar.

Cortisol ayaa kordhiya sokorta dhiigga, taasoo maskaxda ka caawisa inay isticmaasho sokorta glucose ayna kordhiso helitaanka waxyaabaha gacan ka geysta soo kabashada xiidmaha.

Cortisol ayaa sidoo kale ka awood bata hannaanka difaaca jirka, dheef-shiidka iyo hannaanka taranka. Marka ay khatartu dhammaato, hoormoonnada ayaa ku laabta sidoodii caadiga ahaa, jirka ayaana soo celiya shaqooyinka maalinlaha ah.

Si kastaba, haddii isku buuqu uu sii socdo welina aad dareemeyso khatar, waxaa sii soconeysa ka jawaab celinta isku buuqa, balse uma sameynin inaan habkaas isaga difaacno isku buuqa.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha hadda keenya in xanuunka niyad-jabka uu kordho?

“Waxyaabaha hadda keenay in xanuunka niyad-jabka uu dadkeena ku soo bato waa ay badan yihiin laakiin anaga xarunteena Yacquub Clinc dadka soo booqdo waxay u badan yihiin tacadiya ilmaha ku dhaca yaraanta oo loo yaqaano Child-hood Trauma oo ah marka qofka uu la tacaali kari-waayo nolosha, ayuu yiri Dr. Cabdifataax Xaaji Daa'uud.

“Waxayaabaha inta badan keena in qofka uu nolosha la tacaali kari waayana waxaa weeye yaraantaasi haddii ay tacddiyo yimaadaan oo ah xilliga muhiimka ah sida uu arkayo nolosha iyo bay’adan ku wareegsan haday wax ka khaldamaan waxaa dhacda qaabka uu arkayo noloshu wax ka khaldamaan oo ay wax iska baddelaan taasi markaa waxay keentaa markuu qofka weynaado inuu ula macaamilo nolosha si ka duwan dadka kale kale taasna ay keento in marwalba uu gidaar madaxa la dhaco,”

Waxyaabaha kale ee sababa waxaa ka mid ah:

Isku buuqa wuxuu noqon karaa mid bannaanka ka yimaada (maskaxiyan ahaan, sida inaad la kulanto dhacdo argagax leh), mid bulsho, sida xiriir jaceyl oo dhammaaday, ama mid gudaha ka timid sida xanuun.

Mararka qaar waxyaabaha aad culeyska isku saarto balse aadan qaban karin ayaa kuu horseedi kara isku buuqa.

Calaamadaha lagu karan karo qofka niyad-jabka qaba

Inkastoo aan dhammaan si kala duwan u wajahno walwalka, haddana waxaa laga yaabaa inaad isku aragto calaamadaha soo socda:

"Calaamadaha lagu karo niyad-jabka waxaa la sheegeeyaa inay yihiin ilaa 9 calaamadood waxayna ku xiran tahay inta niyad-jabka uu la eg-yahay, ayuu yiri Dr. Cabdifataax Xaaji Daa'uud.

Astaamaha jir ahaaneed: Madax xanuun badan, hurdo la’aan, xanuunka xabadka ah, wadno-garaac, xanuun murqaha, laqanyo amaba xanuun caloosha ah, shuban biyood amaba calool-fadhi, daal iyo hammad la’aan.

Astaamaha garaadka : Inaad awoodi weyso inaad wax diiradda saarto, dhibaatooyin dhanka xusuusta ah, diiqad, feker walwal leh, isku dhex yaac iyo naxariis darro.

Astaamaha maskaxeed: Inaad dareento degganaansho la’aan, culeys fara badan, farxad la’aan, murugo iyo ciriiri.

Isbeddello dabeecadeed: Inaad cunto cunno badan amaba mid yar si ka duwan sidaadii hore, hurdo badan, isticmaalka daroogada, sigaar cabid amaba walxaha maanka dooriya iyo inaad jirkaaga dhaawac gaarsiiso.

Shan siyaabood oo aad ula tacaali karto walwalka xad dhaafka ah

Isku buuqa ayaa ah qeyb ka mid ah nolosha mararka qaarna ma beddeli karno xaaladda, balse waxaan baran karnaa inaan garanno waxa noo sababaya xaaladdan isla markaana aan la tacaalno saameyntiisa.

Baro qaabab cusub oo lagula tacaali karo si aadan ugu tiirsanaan qaab aan kuu fiicneyn sida isticmaalka daroogo, cunno badan amaba sigaar cabid.

1. Aqoonso waxyaabaha kugu dhaliya isku buuqa

Sameyso liis aad ku qorto dhammaanba waxyaabaha isku buuqa u sababa noloshaada kaddibna qiimee.

Kala dooro waxyaabaha u baahan inaad muhiimad siiso naftaadana weydii haddii aad ka fogaan karto isku buuqa ay dadku kuu sababaan.

Howlaha kugu adag u kala qaad si yar yar oo aad u qabna kartid.

2. Diiradda saar noloshaada

Hubi inaad cunto cunno caafimaad leh, si joogto ah jimicsi u samee si aad isaga saarto waxyaabaha isku buuqa kugu keenaya isla markaana aad hurdo fiican u hesho.

3. Sameyso jadwal isku dheellitiran

Waqti u qorshee howlaha iyo dadka aad ka hesho farxadda iyo dhiirrigelinta, baro inaad diiddo dalabaadka naftaada u horseedi kara walaahowga.

4. Sameyso jadwal maalinle ah oo ay naftaada ku nafisto

Neefsasho qoto dheer, dabcinta murqaha, jimicsiga yoga amaba socodka. Xitaa daqiiqado yar maalintii ayaa kaa caawin kara inay kaa yaraato dhibaatada.

5. Beddel waxyaabaha aad filaneyso

Is bar mahad-naqa iyo inaad wax ka beddesho qaabka aad u wajahayso dhibaatada.

Naftaada weydii haddii aad awooddo in muddo bil ah amaba sanad aad aqbasho waxyaabaha aadan xakameyn karin si aad diiradda u saarto waxyaabaha aad xakameyn karto.