Daraasad xog muhiim ah usoo saartay dumarka ciddiyaha marsada midabbada

Dumarka ku nool meelo kala duwan oo ka mid ah caalamka ayaa muddo dheer isticmaalayay midabbada la mariyo ciddiyaha si loogu qurxiyo. Hase yeeshee waxaa soo baxday daraasad toosh ku ifisay khatarta ka imaan farsamadan.

Markii ugu horreysay ee la billaabay isticmaalka rinjiga lagu qurxiyo ciddiyaha waxay ahayd 1980-meeyadii, hase yeeshee waqtigaas ma ahayn mid caan ah, guulo badanna lagama gaarin.

Sannadihii dambe ayey soo xoogeysteen hababkan iyo adeegyo kale oo noocaas ah.

Marka ciddiyaha la mariyo midabka waxaa lagu qallajiyaa qalab koronto ku shaqeeya, kaasoo loo adeegsado si uu waqti dheer midabka ugu raago ciddiyaha.

Bariga Afrika ayey caan ka yihiin adeegyadan oo qeyb ka ah nidaamka qurxinta jirka ee ay ka mid yihiin make-up-ka wejiga iyo waxyaabo kale oo ay dumarku u isticmaalaan si joogto ah.

Qalabka qallajinta oo gudaha ka bixiya iftiin ayaa la dhex geliyaa gacmaha iyo lugaha taasoo ah arrinta keentay su’aalaha iyo walaaca ku saabsan khatarta ka imaan karta.

Maxaa lagu sheegay cilmi baarista?

Daraasad ay dhawaan sameeyeen khubaro ka kala socotay Jaamacadaha California iyo Pittsburgh ayaa lagu qeexay halista uu leeyahay iftiinka gudaha ee qalabka qallajinta, kaasoo xitaa sababi kara cudurka kansarka.

Cilmi baarista ayaa loo adeegsaday unugyada bani’aadanka iyo jiirka si loo ogaado haddii ay jirto khatar iyo inta ay gaarsiisan tahay.

Dhiigagga lagu sameynayay tijaabada ayaa muddo 20 daqiiqo ah saddex jeer oo xiriir ah la dhex geliyay qalabka.

Labaatankii daqiiqo ee ugu horreysay ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 20 ilaa boqolkiiba 30 ka mid ah unugyada ay dhinteen.

Markii saddex jeer lagu celiyay oo markiiba ay qalabka qallajinta ku dhex jireen 20 daqiiqo waxaa la ogaaday in ay dhinteen boqolkiiba 65 ilaa boqolkiiba 70 ka mid ah unugyada.

Daraasadda ayaa shaaca ka qaadday in qalabka muhiimka u ah ciddiyaha midabka la mariyo uu dhaawacayo hiddasidaha DNA-ga, uuna isbeddel ku sameeyo unigyada dhiigga, taasoo lala xiriiriyay sababaha keena xanuunka kansarka.

Maxay ka dhigan tahay daraasaddan?

Dr. Magreth Moshi oo ah dhakhtarad ku takhasustay kansarka oo ka howl gasha isbitaalka Ocean Road Hospital ee magaalada Dar es Salaam, Tanzania, ayaa BBC-da u sheegtay in daraasaddan ay toosh ku ifineyso arrinta balse aysan ahayn natiijo rasmi ah oo caddeyneysa in qalabka qallajinta ciddiyaha laga qaadi karo kansar.

"Natiijada cilmi baaristan waxay noo fureysaa indhaha, mana iska indho tiri karno, dabcan haddii aad si joogto ah u isticmaasho qalabkaas waxaad horseedeysaa halis ku timaada jirkaaga," ayey tiri.

Waxa ay dhakhtaraddu sheegtay in daraasaddan ay waddada u fureyso daraasado kale oo lagu xaqiijinayo khatarta kansarka ee la xiriirta qalabka loo adeegsado ciddiyaha, kuwaasoo lagu heli karo caddeymo nagu filan.