Bashiir: "Maqaayaddii aan cuntada ka cunayay ayaa xanuunka AIDS-ka aan qabo dartii looga kala cararay"

Maanta oo ku beegan 1-da bisha December, waxaa sannad kasta dunida laga xusaa maalinta xanuunka HIV-AIDS ka.
Waxaa la samaeeyaa wacyi galin ballaaran oo dadka loogu sheegaya qaabka cudurka loo kala qaado iyo habka loola noolaado iyo dawooyinka ay tahay in ay qaataan dadka la nool.
Hase yeeshee dadkaas waxay qaar badan oo ka mid ah bulshada kala kulmaan faquuq aan xad lahayn taas oo ku ridda niyad jab.
Dadka la nool cudurka HIV-AIDS-ka ee bulshada qaarkood kala kulmay takoorka waxaa ka mid ah, Bashiir Cismaan Cawad oo hadda ku nool dalka Uganda.
Bashiir waxaa ku adkaatay in meelaha qaar uu dadka si caadi ah ula macaamilo. Bashiir oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu la kulmo ay ka mid tahay in guryaha aan laga kireynayn.
“Waxaa igu daran in aan guri la iga kireynayn, waxa keliya ee la ii ogol yahay ayaa ah in guri weyn aan isku kireysto oo aan kaligay dego marka waad dareemi kartaa qof shaqo aanan shaqo hayn oo guri dhan keliyaa kireyso lagu yiri.”
Qisadii maqayaadda ee Bashiir
Bashiir meelaha uu faquuqa kala kulmay waxaa ka mid ah maqaayad ay saarnaayeen isaga iyo walaalkii oo ay cuntada ka cuni jireen, taas oo ka wareegay inuu ka cunteeyo ka dib markii macaamiishii kale ee maqaayadda ay gudbiyeen cabasho ka dhan ah bashiir.
“Maqaayadda lacag 80 doolar u dhiganta baan u dhiibtay si aan cuntada uga cuno balse markii dambe shaki baa I galay ka dib markii aan dareemay in macaamiisha kale ee maqaayadda aan arkay iyaoo wata weelal gaar ah oo ay cuntada ku cunaan si ay uga fogaan weelasha aan cuntada ku cunayay,” ayuu yiri
“Markii hore arrinta gabadha waa ay iga qarineysay laakin dib baan ka ogaan doonaa inay dhibaato badan lagu hayay iyagoo aniga iga cabanaya.”
Bashiir hadda cuntada guriga ayuu ku karsadaa ka dib markii uu faquuqaas kala kulmay maqaayadihii uu cuntada ka cuni jiray.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bashiir iyo iskuulkii looga eryay xanuunka Aids-ka uu qabo dartii
Bahsiir markii uu tagay dalka Uganda waxa uu isku dayay inuu aqoontiisa luuqadda kororsado sidaa darteed waxaa uu iska soo qoray iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla maqaagalada Kampala hase yeeshee waxa uu kala kulmay faquuq uusan filanayn.
“Markii iskuulka aan iska soo qoray lacagtii ayay iga qaateen, waxayna ahayd inaan xaadiro fasalada xiga balse intaas ka hor maamulka ayaa ila soo xiriiray waxayna ii sheegeen inay xaafadda igu dhigi doonaan xiisadahayga.”
“Waxay ii sheegeen in ardayda ay soo ogaadeen inaa tahay nin xanuunka HIV Aids-ka la nool sidaa darteed xaafadda ayaan kuugu dhigeynaa lacag dheeraad ahna kaama qaadeyno, balse markii waxaan ka falceliyay waxaana ku iri arritan waxay ka mid tahay faquuqa aan la dagaalamayo marka lacagtii baan ka soo ceshtay sidaas ayaana waxa barashadii ku waayay,“ ayuu Bashiir.
Shaqadiisii taliyaha booliska
Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in markii uu ku dhacay xanuunka uu waayay shaqadiisa oo laga qaaday.
“Shaqada waxaa la iga qaaday anigoo tababar ku maqan laakin keligay ma ahayn oo dad kale ayaa laga qaaday jagada.”
Hase yeeshee Bashiir waxa uu sheegay in dadkii kale ee jagada laga qaaday shaqooyin kale loo dhiibbay maaddaamaa aysan iyaga qabin xanuunka HIV AIDS.
Marka laga soo tago taas, Bashiir waxa uu sheegay in xitaa haddii loo magacaabi lahaa jago kale ay ku adkaan lahayd inuu sii shaqeeyo sababtoo waxa uu sheegay in askartii xitaa ay gaartay heer ay salaanta ka qaadi waayaan.
Booliska Puntland oo aan la xiriirnay si ay uga jawaabaan eedeynta Bashiir ayaa n inoo suurogalin.
Marka laga soo tago Bahiir waxaa jirta Soomaali badan oo la nool xanuunka oo iyagana faquuq xad dhaaf ah kala kulmo bushada ay la nool yihiin.
Dunida ayaa cudurkan si weyn ula tacaasha, waxaana loo helay dawooyin lagu xakameeyo marka uu heerarkiisa ugu horreeya marayo, hase yeeshee wuxuu saameyn aad u ballaaran ku leeyahay dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Muxuu yahay cudurka HIV Aids?

Xigashada Sawirka, Getty Images
HIV Aids waa mid ka mid ah cudurada dilaaga ah uguna halista badan ee galmada laga kala qaado wuxuuna halis badan maanta ku hayaa sii jiritaanka Aadanaha.
Dhamaadkii 2009 waxaa la sheegay in xanuunkan la nool yihiin 34-milyan oo qof halka ay qiyaas ahaan u dhinteen 1.8-milyan oo qof waana cudurka dhimashada ugu badan laga dhaxlo tan iyo markii la ogaaday halistiisa. Si gaar ah waxaa la sheegay sanadii 2005 in 25-milyan oo qof oo ku noolool dalalka Saxaraha hoostiisa ku yaalo qabaan HIV Aids. Sidaa darteed saameynta HIV waa mid ballaaran oo Dunida oo idil halis ku ah.
Waa cudur qatartiisa wato oo siyaabo kala duwan loo kala qaado Galmada, dhiiga la isku shubo, naas nuujinta, qalab lagu qalay qof xanuunka qabo oo qof kale loo adeegsado iyo siyaabo kale ayaa lagu kala qaadaa.
Marka hore qofka xanuunka ku dhaco wuxuu joogaa marxalada HIV kadibna wuxuu usii gudbaa Aids waa marka jirkiisa unugyada uu dilo qofkana tababarta ama difaaca ka dhamaado. Wax daawo ah malahan HIV laakiin wuxuu leeyahay daawooyin qofka la siin karo marka uu marxaladda HIV joogo si difaaca jirkiisa uusan isku dhimin.













