Nin haween badan qaadsiiyay cudurka HIV oo xabsi dheer lagu xukumay

Valentino Talluto ayaa la xiray bishii November 2015

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Valentino Talluto ayaa la xiray bishii November 2015

Nin u dhashay dalka Taliyaaniga oo la nool xanuunka HIV ayaa lagu xukumay xabsi dhan afar iyo labaatan sano kadib markii lagu helay dembi ah in si ula kac ah uu xanunkaasi uu u qaadsiiyay sodon haween ah oo u dhashay dalkaasi.

Sodon iyo saddex jirkan lagu magacaabo Valentino Tallut, oo ahaa xisaabiye ayaa lagu eedeeyay in haweenka uu la hasaawo uu qaadsiin jiray xanuunka, kadib markii uu ogaaday in uu qabo xanuunka AIDS-ka.

Baarayaasha kiiskani ayaa sheegay in ninkani uu sidoo kale xanuunka qaadsiiyay caruurta ay caloosha ku sideen qaar kamid ah hawwenkaasi, waxaan qareenka difaacayay Valentino Talluto uu sheegay in falkani uusan aheyn mid ulakac ah.