You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Walaaca amni ee ka jira Ceelwaaq iyo sababta aanay wali uga bixin ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in ay ka guuraan
Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxa jooga Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, saraakiil ciidan iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka. Masuuliyiintan ayaa u tagay degmada sidii ay u diyaarin lahaayeen ciidamo amniga kala wareega kuwa ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya oo qorshahoodu ahaa in ay ka baxaan magaalada dhammaadka sanad kii hore.
Bixitaanka ciidamada Kenya ee degmada Ceelwaaq ayaa qayb ka ahaa qorshaha sanad kii hore lagu dhimay 3000 oo askari oo qayb ka ahaa hawgalka kumeel gaarka ah ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya. Laakiin masuuliyiinta deegaanka iyo kuwa Jubaland ayaa si gaara uga codsaday dawladda Kenya in ciidamadeedu sii joogaan degmada, sababo la xiriirra in aanay diyaar ahayn ciidan ku filan oo magaalada ka difaaci kara Al.-shabaab.
Illaa iyo waqtigaasi la iskuma duba ridin ciidankii amniga kala wareegi lahaa kuwa ATMIS degmada Ceelwaaq oo ku taala xuduudda Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.
Masuuliyiinta tagtay degmada ayaa shirrar aan loo kala Kicin la yeeshay saraakiisha ciidamada Kenya, kuwa daraawiishta Jubaland iyo miliishiyada deegaanka si la isugu diyaariyo sidii amniga loo hannan lahaa marka ay baxaan ciidamada ATMIS.
Xidlhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka tirsan Golaha Shacabka ee barlamaanka federaalka, deegaan doorashadiisuna tahay Ceelwaaq, kana mid ah masuuliyiinta abaabulka ka wada degmadaasi ayaa BBC-da u sheegay in mar horeba uu dhammaaday waqtiga joogitaanka ciidamada Kenya ee Ceelwaaq balse ay ku sii joogaan codsi madaxda deegaanku u jeedisay marar kala duwan.
‘’Dhab ahaantii qorshaha joogitaanka ciidamada ATMIS ee degmadan waxa uu dhammaaday Oktoobar 15-keedii sanad kii hore, illaa intan muddo dhaaf ayay ku joogeen iyo codsiyo naga imaanayay annaga masuuliyiinta ah oo runtii marba marka ka dambeysa aan ka codsanayney dawladda Kenya in ay noo joogaan, intii aan annagu iska habeynayno oo runtii awoodanada aan kula wareegi karno deegaankii iyo amnigiisa’’ ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar.
Illaa hadda lama qaban waqti cayiman oo ciidamada Kenya lagala wareegayo amniga guud ee degmada, balse waxa socda diyaarinta ciidan ku filnaan kara in ay ka difaacaan Al.-Shabaab magaalada.
‘’Hadda ayaan u joognaa, socdaalkeenaa ayuuba daarnaa inaan runtii ciidamayadu la wareegaan amaanka halkan, walow ay caqabado badan iska jiraan oo ciidamadeenu aanay u dhamaystirnayn qalabkii ay u baahnaayeen, balse annagu mar kasta waxan ku jirnaa diyaar garów aan kula wareegayno amnigeena iyo midka bulshadaba’’ ayuu BBC-da u sheegay Xildhibaan Farxaan.
Muxuu yahay walaaca amni ee ka jira Ceelwaaq haddii ay banneeyaan ciidamada ATMIS?
Magaalada Ceelwaaq waxay ku taalaa xadka, waxan kahor soo galitaankii ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya dhammaadka sanad kii 2011-kii gacanta ku hayay Al.-Shabaab. Tan iyo waqtigaas wixii ka dambeeyay Al-shabaab kama fogeyn magaalada, dhawr jeer weerarro ayay ka geysteen. Hadda oo ay isu diyaarinayaan ciidamada Kenya in ay ka baxaan, waxay magaalada u jiraan illaa 40km.
Taasi ayaa ah walaaca ugu weyn ee jira, laakiin masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in ay ku jiraan dadaal, waxayse ku baaqayaan in dawladda dhexe ay kaalin muuqata qaadato.
‘’Waxan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dib u eegis ku sameeyo dhimista lagu sameynayo ciidamada Midowga Afrika, uuna sameeyo diyaargarowgeena ka dawlad ahaan iyo meelaha laga baxayo hanashada aan hannan karno, maadaama runtii aan soo aragnay inaanan goobo badan oo ciidamadu ka baxeen hanashadooda uu culeys ka yimid oo ay dib ula wareegeen kooxaha argagixisada ah’’ ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo kamid ah barlamaanka Soomaaliya oo hadda ku sugan degmada Ceelwaaq.
Welwelka ayaa yimid kaddib markii sanad kii hore ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Kenya ay ka guureen deegaanka Gariley ee gobolka Gedo kuna dhaw xadka, waxana markiiba dib u qabsaday Al.-shabaab.
Samiira Axmed Gayt oo ka faaloota arimaha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegaysa in walaaca ugu badan uu yimid markii ay yaraadeen dagaaladii waa weynaa ee ka dhanka ahaa Al.-Shabaab, isla markaana uu sii socday qorshaha dhimista ciidamada ATMIS.
‘’Marka la fiiriyo Gedo iyo Ceelwaaq dhibaatada ugu weyn waxa weeye, markii ciidamada ATMIS ay isaga baxeen magaalo horey ugu qorsheysnayd, dibna u qabsadeen Al-shabaab, waana magaalada kaliya ee ay dib u qabsadeen Al.-shabaab inta meelood ee ay ATMIS ka baxday, saas daraadeed waxa shaki laga qabaa haddii meelo kale laga sii baxo dhibaatada ka imaan karto, waana walaac sax ah marka la eego xaaladda amniga ee dalka’’ ayay tiri Samiira Gayt.
Suurtagalnimada in dib loo dhigo qorshaha dhimista ciidamada ATMIS
Afar waji ayaa la qorsheeyay in ciidamada ATMIS ay uga baxaan xeryaha ay ka fadhiyaan magaalooyinka iyo degmooyinka dalka. Wajiga koowaad waxa lagu dhimay 2,000 oo askari bartamihii sanad kii hore ee 2023. Wajigii labaad bishii Diiseembar sanad kii hore ee 2023 waxa la dhimay 3,000 oo askari. Sida qorshuhu yahay dhammaadka bisha soo socota ee Juun waxa lagu talo galay bixitaanka illaa 4,000 oo askari, inkastoo la soo weriyay warrar sheegaya in dawladdu codsatay in tirada bisha soo socota baxaysa laga dhigo 2,000 oo kaliya.
Khubarada amniga ayaa aaminsan in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha ATMIS oo lala sugo inta ciidanka qaranka ay si buuxda ugu filnaanayaan hanashada amniga dalka oo dhan.
Wasiiru dawlihii hore ee amniga ee Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay sida lagama maarmaanka u tahay in ciidamada ATMIS ay sii joogaan in si buuxda loogu diyaarinayo ciidanka qaranka.
‘’Anigu waxan qabaa runtii in aan la gaarin waqtigii ay la wareegi lahaayeen si buuxda amniga dalka, maxaa yeelay haddii la rabo in qorshahaas miro dhalo waa in ciidan ku filan la tababaraa oo la qalabeeyaa oo hub culusna ay helaan, marka in ay si dhakhsiya ah isaga baxaan ATMIS ma aaminsani in ay wax fiican tahay’’ ayuu yiri wasiir hore farxaan Cali Axmed.
Samiira oo iyana amniga ka faaloota ayaa qabta in ATMIS aan wali laga maarmin.
‘’Anigu ma aaminsani in ATMIS laga maarmay, dawladduna horey way noogu sheegtay, magac kale ha loo yeelo laakiin ciidamo Midowga Afrika ah Janaayo 2025 ayaa sii jiri doona oo joogi doona.’’