Maxaa laga ogyahay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Eritrea?

Xigashada Sawirka, @VillaSomalia
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Casmara ee dalka Eritrea.
Madaxwayne Xasan ayaa gaaray shalay galinkii dambe magalada Casmara oo hallkaasi oo ay booqasho rasmi ah uga bilaaatay .
Madaxwaynaha ayaa waxaa halkaasi si wayn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Isayas Afwerki markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha, sida uu sheegay ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea.
Wasiirka warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.
"Labada hoggaamiye waxay ka wadahadli doonaan xiriir dhammaystiran oo laba geesood ah iyo iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dal," ayuu wasiir Yemane Gebremeskel ku sheegay qoraal sheegay X.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa xusay in sidoo kale looga wadahadli doono arrimaha gobolka ee saameeya Geeska Afrika, iyadoo xoogga la saarayo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha muhiimka ah ee labada dal, gaar ahaan amniga iyo xasiloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa waxaa safarka ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda Axmed Maclin Fiqi ayaa Eritrea joogi doona muddo saddex maalmood ah.
Qoraal lagu baahiyay barta madaxtooyada Soomaaliya ee Facebook ayaa lagu sheegay in labada dal ay ka arrinsanayan xasiloonida gobolka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa la sheegay inuu maanta oo Khamiis ah ku wajahan yahay caasimadda Eritrea ee Asmara, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu ka helay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Inta lagu guda jiro booqashada, waxay ka wadahadli doonaan arrimaha gobolka iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas si loogu adeego danaha dhammaan shucuubta gobolka, waxaa sidaa lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Masar.
Sidoo kale, waxay ka wadahadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.
Masar waxa ay dhowaan magaalada Muqdisho ka dejisay hub la sheegay in ay ciidamada Soomaaliya ugu deeqday.
Arrintan waxaa si wayn uga carootay dowladda Itoobiya oo Masar ku eedeysay in ay xasilooni darro ka abuurayso goboolka.
Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay Itoobiya isku khilaafsan yihiin heshiiskii Somaliland ayaa marar badan booqashooyin ku tagay dalka Eritrea.
Asmara, oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeelatay Muqdisho tan iyo sannadkii 2018-dii, ayaa sannadihii u dambeeyay tababaraysay kumannaan askari oo Soomaali ah.
Waaa booqashadii saddexaad oo uu sanadkan ku tagayo Eritrea madaxwaynaha Soomaaliya.
Bilihii July, March iyo January, waxa uu sidoo kale booqday Asmara si uu ula kulmo dhiggiisa Eriteriya Isaia Afwerki iyo askartii uu tababarka halkaasi uga socday.
Booqashooyiinka idaba-jooga ee madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tagayo Asmara ayaa yimid ka dib heshiiskii dhanka badda ee ay Itoobiya la gashay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Heshiiskan oo xiisad diblumaasiyadeed ka dhex dhaliyay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa walaac xooggan laga muujiyay in uu horseedi karo xasillooni darro hor leh oo gobolka oo dhan ah.
Safarka Madaxwayne Xasan sheekh ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilii xirrirka Eritrea iyo Itoobiya uu sii xumaanayo.
Eritrea iyo Itoobiya oo uu dhexmaray dagaal muddo sanado ah socday ayaa mar uu xiriirkooda soo hagaagay markii uu xukunka la wareegay rai'sul wasaare abiy axmed, balse hadda xiriirka miishii hore ayuu ku noqday oo labada dal waxa ay kala goosteen calaaqadka.













