You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogoow fikirka uu wado Putin ee ku aadan dowlad Qaramada Midoobay hoostagta oo laga dhiso Ukraine
Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine si ku meel gaar ah loo hoos geeyo Qaramada Midoobay si ay u soo doortaan waxa uu ugu yeeray dowlad tayo leh.
Waa isku daygii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Ruushka uu kaga horyimaado sharcinimada dowladda Kyiv.
Ukraine waxay ku eedaysay Putin inuu soo jeediyay fikrado "waalan" si dib loogu dhigo dhaqdhaqaaqa ku wajahan heshiis nabadeed - oo uu u ololeynayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Aqalka Cad ayaa ku adkeystay in maamulka Ukraine ay go'aan ka gaari doonaan dastuurkeeda iyo dadkeeda.
Hadalka Putin ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanku uu doonayo in uu xabad joojin dhex dhigo dagaalka baaxadda leh ee uu kula jiro Ukraine oo hadda galay sannadkii afraad.
Talaadadii Aqalka Cad ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen xabbad-joojin xaddidan oo laga sameeyo Badda Madow.
Laakiin Ruushka ayaa markaas soo bandhigay liis shuruudo ah oo ay ka mid yihiin qaadista cunaqabataynta reer galbeedka qaarkood, taasoo keentay walaaca laga qabo in Moscow ay isku dayayso inay carqaladayso dhaqdhaqaaq kasta oo ku wajahan xabbad-joojin.
Isagoo la hadlayay shaqaalaha markab Nukliyeerka qaada ah oo ku sugan magaalada Murmansk ee waqooyiga Ruushka ayuu sheegay in maamul ku meel gaar ah oo hoos yimaada Qaramada Midoobay laga wada hadli karo arrinkii "Mareykanka, wadamada Yurub, iyo dabcan saaxiibadayada".
"Tani waxay noqonaysaa in la qabto doorasho dimuqraadi ah, si xukunka loogu soo dabaalo dowlad tayo leh oo shacabku ku kalsoon yihiin, ka dibna la bilaabo in laga hadlo heshiis nabadeed lana saxiixo dukumentiyo sharci ah," ayuu raaciyay.
Moscow ayaa sheegtay in maamulka Ukraine ee hadda jira ay yihiin kuwo aan sharci ahayn maadaama madaxweyne Volodymyr Zelensky uu xukunka sii joogay wax ka badan muddadiisa, sidaas darteedna uusan ahayn wada-xaajood sax ah.
Laakiin Zelensky wuxuu joogay xilka sababtoo ah doorashooyinkii waa la hakiyay, sharci ahaan iyada oo la cuskanayo sharciga dagaalka.
Isagoo ku baaqaya doorasho, Putin wuxuu isku dayayaa inuu kor u qaado shakiga ah in madaxweyne Zelensky uu yahay dhexdhexaadiye sharci ah wadahadal kasta oo nabadeed oo la galayo. Aqalka Cad ayaa mar hore ka dhawaajiyay sheekadan.
Waa maxay sababta Putin uu u galay Ukraine?
Putin ayaa sheegay in soo jeedintiisa ku aaddan dowlad ku meel gaar ah ay tahay mid ka mid ah xulashooyin badan, balse waxa uu tilmaamay inay jiraan waxyaabo caalami ah oo looga bartay Qaramada Midoobay sida East Timor iyo qeybo ka mid ah Yugoslavia dii hore.
Madaxa shaqaalaha ee Zelensky Andriy Yermak ayaa ka jawaabay hadalka Putin, wuxuuna sheegay in Ruushku uu isku dayayo inuu hakiyo dhaqdhaqaaqyada nabadda oo uu doortay inuu sii wado dagaalka.
Dhanka kale afhayeen u hadlay amniga qaranka Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in maamulka Ukraine ay go'aaminayaan dastuurka iyo shacabka.
Isla kulankaas, hogaamiyaha Ruushku wuxuu sheegay in Moscow ay lahayd " hindise istaraatiijiyadeed ka"dhammaan safka hore ee dagaalka "waxaa jira sababo lagu aamino karo inaan dhameyn karno" ciidamada Ukraine.
Laakiin inkasta oo marar badan ay ku dhawaaqeen horumar ay ka gaareen dagaalka, Ruushku wuxuu sameeyay kaliya horumar aad u gaabis ah oo ku xaddidan helitaanka dhul ku yaal bariga Ukraine.
Hadalka Putin ayaa imaanaya ka dib kulan Khamiistii Zelensky iyo xulafada Yurub ku yeesheen magaalada Paris, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiiska iyo UK ay dejinayaan qorshooyin lagu xaqiijinayo" Ukraine.
Ruushka ayaa duullaan ballaaran ku qaaday deriskiisa bishii Febraayo 2022.