Dhibaatooyinka ay raggu la kulmaan xilliga caadada ee dumarka

"Marka ay igu dhacdo caadada, maalinta ugu horreysa waxaan gabi ahaanba waayaa farxadda iyo firfircoonida, kaliya waxaa iga muuqata jir xumo iyo dhibsashada dadka, waxyaabo yaryar ayaan ku dareemaa murugo iyo xanaaq badan."

Faadumo waa 28 jir waana ay guursatay, waxayna sheegtay in mar kasta oo ay caadadu ku dhacdo, laga soo bilaabo maalinta ugu horreysa ay isbeddel ku sameyso hab-dhaqankeeda oo ah sida ay dareemayso isbeddel ku yimaada jirkeeda.

Waxay tiri, "Labadii maalmood ee ugu horreysay, xitaa ma cuni karin cunto badan, laakiin waxaan jecleystaa in aan cuno mac macaanka, taas oo aan iska celin waayo."

"Laakiin waxaan qaataa siddeed maalmood marka aan caadada qabo, maalinta afraad, waxaan dareemayaa inaan joojiyay dareenka waxa aan dareemayo."

Dumar badan ayaa ku jira xaaladda Faadumo, laakiin qaarkood way ka duwan yihiin.

Tusaale ahaan, Maryam Daa’uud oo ah gabar 19 jir ah oo aan weli guursan ayaa sheegtay in marka ay caadada ku bilaabato aysan inta badan xanaaqin ama dabeecaddu ka lumin, balse ay inta badan ku dareento xanuun.

"Aaniga marka ugu horreysa ee aan isku arko caadada, maalintii ugu horeysay, wejigayga oo dhan ayaa is bedela, ka dibna waxaan dareemaa xanuun badan sidoo kle waxa aan cunaa cunto badan."

Dr. Kabir Dara oo ah dhaqtar ku takhasusay cudurrada haweenka kana tirsan cisbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala gobol la yiraahdo Katsina ayaa sheegay in haweenka qaar ay inta badan la kulmaan isbeddel dhanka niyadda ah ama jirkooda ama sida in ay dareemayaan, xanaaq badan.

Sida uu sheegay, waa wax caadi u ah haweenka, laakiin mid kastaa waxay leedahay isbeddel u gaar ah.

Mararka qaarkood isbeddelladani waxay noqdaan caqabad u dhaxaysa ninka iyo haweeneyda, gaar ahaan kuwa dhowaan guursaday, oo ah marka ninku uusan si fiican u fahmi karin waxa dhacaya.

Caqabadaha raggu ay la kulmaan

Ismaaciil Lawal waxa uu ka mid yahay ragga ay xaasaskoodu soo maraan xaaladahan oo kale, waxaanu sheegay in mar kasta oo ay xaaskiisu caadadu u timaaddo ay wax kasta ka caraysiiyaan, xataa haddii uusan cabanin ama uusan wax qalad ah ka gelin.

Waxa uu intaasi ku daray in Xaaskiisa aysan jecleyn in ay hadasho oo ay ku adagtahay, balse haddii ay hadasho aan laga filan Karin hadal fiican ama lagu farxo, waxa uuna sheegay in aysan iska war heyn mararka qaar.

"Sida caadiga ah waxay billowdaa in ay xaaladdan gasho laba ama hal maalin kahor inta aanay caadadu u imaanin."

“Markii hore maan fahmsaneyn in ay tahay wax caadi ah oo dhaca, waana sababta keentay in mar kasta oo ay dhacdo aan isku qabsan jirnay, sababtoo ah ma garaneyn sababta keentay in qofka xaaladiisa is bedesho oo uu murugo iyo xanaaq badan dareemo."

Lawal waxa uu sheegay in markii uu ogaaday sababta ay arrintani ku dhacday uu bilaabay in mar kasta oo ay xaaladdan ku jirto uu iska ilaaliyo in ay hadal is dhaafsadaan, kadibna uu isku dayay in uu caawimaad u sameeyo, isaga oo qancin iyo wax ka qabasho u sameeynaya waliba dhinaca shaqada si ay u hesho nasiino badan.

"Waxaan isku dayayaa inaan dareemo oo aan u dulqaato xaaladdeeda xilligan waayo ma ahan wax waqti badan sii jiraya." Ayuu yiri Lawal.

Si la mid ah Lawal, Faadumo waxay kaloo sheegtay in ninkeeda uu fahmayo xaaladdeeda oo uu xitaa caawiyo iyo in uu la socdo xaaladda cunto.

Maxay haweeneydu ula kulantaa isbeddellada xilliga caadada?

Dr. Kabiir Daara ayaa sheegay in xilliga caadada aysan ahayn oo kaliya in haweenka ay la kulmaan is beddel dhanka dabeecadda ah, isagoo sheegay in xaaladdooda ay isbedesho hal ama laba toddobaad ka hor inta aysan caadadu bilaaban.

Waxa uu intaa ku daray in waxa keena isbeddelladan dabeecadda ay ka mid yihiin isbeddellada qaar ee loo yaqaan 'hormoonnada'.

"Lammaanaha dhexdooda, inta badan waxaa ka dhasha dagaal dhexmara ninkeeda iyo xaaskiisa ama kuwa aad isugu xun xilligaas." Ayuu yiri dhakhtarka.

"Waxaa jira maado jirka ku jirta oo loo yaqaan 'Progesterone' taasoo keenta isbeddelladan jireed ama sida ay gabadhu dareemayso."

“Wakhtiganna waxa jira mid loo yaqaan ‘serotonin ama hoormoon farxadeed’ kaas oo hoos u dhaca marka ay haweeneydu la kulanto isbeddellada ay caadadu keento.”

Dhaqtarku waxa uu sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ku keena in ay isbedesho xaalada haweeneyda xiliga caadada oo ay ka mid yihiin in aan la caawin marka ay u baahan yihiin iyo marka ay mashquul badan yihiin.

Dhammaan haweenka ma la kulmaan isbeddelkan?

Dr. Kabiir ayaa sheegay in haweenka oo dhan aysan la kulmin is bedelkan ku yimaadda jirka iyo dareenka haweenka.

Dhaqtarka ayaa sheegay in haweenka qaar ay horey u hagaajiyeen xiriirkooda iyo is bedelka ku yimaada xiliga caadada si ay noloshooda u sii wataan iyadoo aan cidna ka warqabin in isbedel uu ku yimid.

Waxa uu sheegay in haweenkan qaarkood ay ka helaan kaalmooyinka ay uga baahan yihiin raggooda, qoysaskooda iyo caruurtooda oo aysan dhib badan ku hayn.

Dhaqtarku waxa uu intaa ku daray in qaarkood ay aad u daran yihiin oo ay dhibaato ku noqon karto in la seexiyo Isbitaalka iyo meelo lagula tacaalo.

"Wadamada uu cadaadisku aad u sarreeyo, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa inay isku dayaan inay naftooda dilaan, laakiin dhammaan dumarka ma helaan sidaas."

Caawimaad noocee ah ayay dumarku u baahan yihiin waqtigan?

Dr. Kabiir ayaa sheegay in la doonayo haddii ay haweeneydu xaaladdan ku jirto ay tahay in ay qancin iyo kaalmo buuxda ka helaan raggooda ama eheladooda.

"Sidoo kale haweenku waa inay ku adkaystaan inay iska joojiyaan cabitaanka macmacaanka sababtoo ah wakhtigaas waa shay aad loo jecel yahay, markaa haweenku aad bay u isticmaalaan."

Dhakhtarku waxa uu intaa ku daray in haddii la fahmo waxa ay u baahan yihiin, haddii ay suurtogal tahay, ay tahay in loo sameeyo, haddii aanay suurtogal ahaynna aad taqaano sida loola dhaqmo adioo qancin kara si aysan u niyad jabin.

Isbeddelka ku yimaadda jirka ama sida ay haweeneydu dareemayso xilliga caadada ma cudur baa?

Dr. Kabiir waxa uu sheegay in jirka oo isbedel ku yimaada ama sida ay gabadhu dareemayso xilliga caadada aanay ahayn cudur ama aan la arkin. Waxa uu sheegay in haddii loo baahdo la qaadan karo xanuun baabi’iye yaal.

Dhaqtarku waxa kale oo uu sheegay in is bedelka jirku uu keeno madax xanuun ama calool xanuun, iyo in cunto badan ay cunaan.