Itoobiya oo dhexdhexaadin ka wadda dagaalka Laascaanood

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, inkastoo saaka subixii hore sida wararku sheegayaan la maqlay rasaas aan sidaa u badneyn, haddana jawiga guud ee magaalada waa mid caadi ah.
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka dhex billowday Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro coladda halkaa muddaba ka taagan.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo markii hore Hargeysa soo maray isla markaana la soo kulmay madaxda Somaliland kalana soo hadlay sidii xabbad joojin loo sameyn lahaa ay Garoowe gaareen, halkaa oo sidoo kale ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka yimid magaalada Laascaanood.
Mas’uuliyiintan ka socday Itoobiya, ayaa dhinacyadan kala hadlay in marka hore xabadda la joojiyo si markaa kadib loo sii wada hadlo.
Afhyeenka guddiga 33-da xubnood ah ee aayo-ka tashiga SSC, Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug, ayaa BBC-da u sheegay in ay aqbleen dhankooda in xabadda la joojiyo marka hore si colaadda nabad loogu beddelo.
“Waxay soo jeediyeen in xabbad-joojin la sameeyo, sida ay noo sheegeenna waxay isla soo qaateen Muuse Biixi iyo maamulkiisa arrintaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.
Odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC ayaa ka ballan qaaday wafdiga ka socday dowladda Itoobiya in ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobka lagu heshiiyay ee ah xabad joojinta.
Wuxuu sheegay in madax dhaqameedka Laascaanood ay muhiimadda siinayaan xabbad joojinta oo ay door bidayaan sidii dadka ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.
Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug ayaa intaa raaciyay “Xabbad joojintu haddii ay dhaqan gasho wada hadalka ayaa sahlanaanaya waana in la xisaabtamo”
Wuxuu rajo ka muujiyay in dadaalladan ay horseedaan in la soo afjaro colaadda Laascaanood oo maalmihii ay socotay sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakc badan.
“Innagu dhanka yaga in ay boqolkiiba boqol ka hirgasho nabaddu waan rajeynaynaa,“
Inkastoo dhanka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland aan faah-faahin badan oo ku saabsan wafdiga Itoobiya laga haynin haddana arrintaan ayaa u muuqata mid wax ka baddeli karta dagaalka Laascaanood haddii ay dhaqan gasho xabbad joojinta loo jeediyay dhinacyadu in ay sameeyaan.
Horey Somaliland ayaa ugu dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo ku saabsanaa jabinta xabbad joojintaas.
Yaa hoggaaminaya dadka Laascaanood?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka reer Laascaanood waxaa hoggaaminaya Golaha dhaqanka. Waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.
Boqorka waxaa lagu magacaabaa Cabdillaahi Axmed Cali.
Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay.
In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay magacyada afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanka.
Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac-Waa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saameynta weyn bulshada deegaanka iyo dhaqanka ba.
Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda.
Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed-Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale-Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada gobolka, waxaana garaadnimada uga horreeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirsiga garaadnimo.
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan-Waa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.












