Taariikh kooban oo ku saabsan G/sare Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa golihii sare ee kacaanka

Jenaraal Cismaan Maxamed Jeelle

Xigashada Sawirka, Hiiraan

Allaha u naxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay G/sare Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Golihii sare ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kaasoo toddobaadkii la soo dhaafay ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha oo bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo uu kaga tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa yiri:

“Inna Lillaahi Wa Inna IIayhi Raajacuun, Alle ha u naxariistoCismaan Maxamed Jeelle, oo waqti badan ku soo bixiyey u adeegidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryayaa Korneel Cismaan Maxamed Jeelle in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.”

Haddaba kumuu ahaa G/sare Cismaan Maxamed Jeelle?

Cismaan Maxamed Jeelle

Xigashada Sawirka, Facebook

Sida ay BBC u sheegay barafasoor Cabdinuur, G/sare Cismaan Maxamed Jeelle waxa uu ku dhashay gobolka Hiiraan gaar ahaan Buule Burde sannadihii 1945-tii ilaa 1946-dii.

Xagga aqoonta waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u dadaal badan, waxa uuna ka baxay dugsigii masaarida ee afka carabiga ku bixi jiray ee la oran jiray Disbiilne Islaamika.

Markii dambana waxa uu ka mid noqday saraakiishii yarayd ee ku guuleysatay inay Masar u aadaan sarkaalnimada halkaas oo uu ku soo hantay jagada sarkaalka. Ka dib markii uu dib ugu soo laabtay dalka waxa uu ka mid noqday saraakiishii kacaanka ee Ruushka tabarka ku soo qaatay.

Waxaa lagu xusuustaa inuu isaga uu ka duwaanaa adadaygii kacaanka oo waxaa lagu tilmaamaa inuu nin jilicsan marka la eego saraakiishii kale ee ka tirsanayd kacaanka.

Marxuumka oo ka mid ahaa Golihii sare Kacaaanka ayaa xilal badan oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe ee dalka oo uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee Muqdisho ee askari ah. Waxa uu ahaa qof ay isfahmayaan dadka oo dhan, itii uu hayay xilkaasna safiican ayuu uga soo baxay maamulkiisa.

Waxaa uu ahaa hoggaamiye gudanayay shaqadiisii kacaanka xagga shacabka ama qabaa’ilkiisana isku wanaagsan yihiin.

Dhanka kale waxa uu ahaa afhayeenka kacaanka ee guud ahaan dhanka carabta. Gaar ahaan Masar iyo Sacuudiga ayaa waxaa loo diri jiray wax walba oo ay dowladdii kacaanka ka rabtay waddamadaas.

Korneel Cismaan Maxamed Jeelle waxa uu muddo dheer ugu soo adeegayey qaranka Soomaaliyeed heerar kala duwan.

Maxay ahayd sababtii ay u xirtay dowladdii Kacaanka?

Marxuumka oo ka mid ahaa Golihii Kacaaanka ayaa xilal badan oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe

Xigashada Sawirka, Hiiraan

Qoraalka sawirka, Marxuumka oo ka mid ahaa Golihii Kacaaanka ayaa xilal badan oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe

“Markii ay milatariga iyo qaar ka mid ah shacabka ay iska hor yimaadeen gaar ahaan gobollada waqooyi, wuxuu ahaa nin dhinacna ka ka reer waqooyi dhinacana reer koonfur sababtoo ah laba xaas ayuu ku lahaa dhanka waqooyiga sidoo kale waxa uu saaxibo badan oo ka mid ah saraakiisha ka soo jeedda gobollada waqooyi sidaas darteed arrintaas baa kala fogeysay isaga iyo madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, taas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo,” ayuu yiri barafasoor Cabdinuur.

Cabdinuur ayaa sheegay in korneel sidoo kale dhowr jeer la xiray sababo la xiriira doodihiisa ah in shacabka laga dabciyo milatarinimada.

Burburkii dowladdii dhexe kaddib marxumka waxa uu ku noolaa waqtigiisa ugu badan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo sanadahii dambe uu u guuray dalka Australia oo uu Xalay ku geeriyooday.