Imisa dagaal ayaa dhex maray Lubnaan iyo Israa'iil? Waa maxay sababta?

Israa'iil waxay duullaan dhulka ah ku gashay Lubnaan ka dib maalmo ay duqeyneysay bartilmaameedyo Xamaas leeyihiin. Ma aha markii ugu horreysay weerarro ceynkan ah ay dhacaan. Kuwa ay hore ay u qaadday waxay keeneen natiijooyin isku dhafan.

Muxuu weerarkan kaga duwan yahay kuwii hore?

1978: Duullaankii ugu horeeyay

Lubnaan waa xarunta ugu weyn qaxootiga Falastiin kadib markii la sameeyay dalka Israa'iil1948-dii. Qaxootiga waxaa ku jiray ciidamada PLO.

Ciidamada waxay Lubnaan ka soo weeraraan Israa'iil, taas oo dalka galisay dagaal. Markii ugu horeysay Israa'iil waxay gashay Lubnaan 1978-dii iyadoo ka jawaabeysay weerar ay soo qaadeen ururkii xoreynta reer Falastiin ee PLO.

Garabka hubeysan ee PLO waxay qabsadeen gaari bas ah. Waxaa la dilay 38 Israa'iil u dhalatay oo rayid ahaa. Ciidamada Israa'iil waxay galeen koonfurta Lubnaan labo bilood ka dib ayey ka soo baxeen.

Waxay sameeyeen aag ciidanka ka caagan. Duullaankii ugu horeeyay waxaa ku geeriyooday dhinaca Lubnaan 2,000 oo dagaalyahano ah iyo rayid. Israa'iil waxaa kaga dhintay 18 askari.

1982: Dullaankii weynaa

Howlgalkii ugu weynaa Israa'iil waxay Lubnaan ka fulisay 1982-dii intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Lubnaan. Kumanaan askarta Israa'iil ah oo wata gawaarida gaashaaman ayaa xadka ka gudbay. Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay ka hortagaan PLO oo weeraro ku soo qaadeysay Israa'iil.

Israa'iil waxay dooneysay in PLO aysan ka soo weerarin gudaha Lubnaan. Dhowr goobood ayey ciidamada Israa'iil jiireen, waxaana u suuragashay in ay gaaraan duleedka magaalada Beirut.

Weerarkaas ciidamada Israa'iil waxay mas’uul ka ahaayeen xasuuqa qaxooti reer Falastiin ah. 3 bilood kaddib ayey Israa'iil ciidamadeeda la soo baxday. Gudaha Lubnaan ayey ka sameysay aag ciidamada ka caagan.

1996: Cadow cusub iyo dullaan hor leh.

Duullaanka Israa'iil ee 1982-dii waxa uu burburiyay PLO, waxayna taas keentay in xaruntooda Lubnaan ay u wareejiyeen Tunisia. Markaa kadib waxaa billowday weerarada ciidamada Xisbullah.

April 1996, ciidamada Israa'iil waxay ka hortageen Xisbullah. Dagaalka waxa uu socday labo toddobaad.

Mar kale, rayidka waxyeello ayaa soo gaartay,13 ka tirsan Xisbullah iyo 250 rayid ah ayaa dhinaca Lubnaan lagu dilay.

2006: dagaalkii 34-ta maalmood

Bishii July 2006 dagaalyahanada Xisbullah waxay ka gudbeen xadka iyagoo weeraray labo gaari oo ah kuwa militeriga Israa'iil ah, waxay dileen 8 askari iyagoo labo askari ka soo afduubtay halkaas.

Israa'iil oo taas ka jawaabeysa waxay diyaarado iyo madaafiic ku duqeysay bartilmaameedyo Lubnaan oo dhan ah, waxayna ciidankeeda lugta galeen koonfurta Lubnaan.

Dad gaaraya 1,191 ayaa lagu dilay Lubnaan, intooda badan waxay ahaayeen rayid. Israa'iil waxaa uga dhintay 121 askari iyo 44 rayid ah

Khubaradu maxay ka dhaheen?

Tallaabooyinka Israa'iil ee ka dhanka ah Xisbullah waxay baddeleen miisaankii labada dal. Sida uu qabo tafaftiraha arrimaha caalamiga ee BBC, Jeremy Bowen labadii toddobaad ee ugu horeeyay Israa'iil waxay dishay madax badan oo Xisbullah ka tirsan iyadoo burburisay kala bar hubkooda.

Yoav Stern oo ka falooda arrimaha militeriga Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay in istaraatiijiyada Israa'iil ee hadda ay la mid tahay tii 2006-dii.

“Tani waa duullaan laga taxadaray, lana xisaabiyay oo si gaabis ah ku socda, waxaana ku jira in xoog lagu galo koonfurta Lubnaan halkii la qaadi lahaa weerar weyn” ayuu yiri Stern.

Wuxuu kaloo Stern intaas ku daray in Xisbullah ay muddo dheer deegaan ka sameysatay magaalooyinkaas taas oo ku adkeyneysay in Israa'iil ay xoog ku qabsato.

Si kastaba ha ahaatee xaaladaha Lubnaan iyo tan weerarka Israa'iil ee Gaza isku mid ma ahan. Xaaladda Lubnaan waa mid aad u adag si kasta oo weerarada Israa'iil ay u guuleystaan.

“Xisbullah lama mid aha Xamaas, waxyeelo waa soo gaartay balse weli si fiican ayey u hubeysan yihiin” ayuu yiri Prof. Amin Saikal oo ah khabiir Bariga Dhexe kana tirsan jaamacadda qaranka ee Australia.

“Kooxda waxay awoodaan in ay ku qaadaan weeraro aan joogsi laheyn Israa'iil. Tani waxay Israa'iil ku yeelaneysaa saameyn dhaqaale iyo mid nafeed”.