Asma: Gabadha badda quusta ee reer Jabuuti oo BBC-du la kulantay

Asma

Asma Xuseen Gidaar oo ah gabadha kaliya ee ku jirta kooxda quusta ee ciidanka badda Jabuuti ayay BBC-du kula kulantay Jabuuti.

Waxay ka sheekeyneysaa sida ay suurtagal ugu noqotay in ay kooxdaas ka mid noqoto iyo duruufaha ku xeernaa soo gelitaankeedii ciidanka.

Asma waxay ciidanka badda ku biirtay sanad-kii 2018 kii, waxaana 2022-kii loo tababaray kooxda quusta ee ciidanka badda.

Waxayna tababar la gashay 100 nin, iyada kaliya ayaana gabadh ka ahayd. Waxayna bilowgii tababarka hoos u quusi jirtay 25 mitir, haddase waxay badda hoosteeda ku farsameysaa maraakiibta halaaba, sidoo kale waxay ka qayb qaadataa badbaadinta dadka ku maashooda baddaha.

“Waxaan badda ka qabannaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin sida marka dadka tahriibaya ay badda ku harqanto oo aan meydadka ka soo gurno, waxaan habeen iyo dharaar u tagaannahay oo aan khatar badan u wajahaynaa inaan gacan ka geysanao dhacdooyinka badda ka dhaca,” Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo Asma la raacay doon subax ay dooneysay ayay sidaasi u sheegtay.

Asma Xuseen

Asma oo sidoo kale ka sheekeyneysaa caqabadihii ay la kulantay intii ay shaqadan ku jirtay ayaa sheegtay in caqabado badan iyo khatara badan ay la kulantay.

“Caqabado wey iska jiraan oo waxaad la kulmeysaa khataro badan, waxaa jiro kalluuno aad ku arkaysid oo gunta hoose badda ku jira kuwaas oo ku cabsi gelinaya inkatsoo aanan u dhowaaneynin oo aan ka soo durkeynay.”

Doodda kale ee xiisaha leh waxay ahayd markii ay tababarka ku jirtay iyo sida ay 100 nin ula tababarain jirtay iyadoo ah gabadha kaliya ee kooxdaas ku jirtay.

“Wiilashii ila taba baran jiray firfircooni ayay iga qaadeen markii ay arkeen inaan wax kasta uga horreynaya anigoo inan ah sidaas ayayna kaalintoodii uga soo baxeen. Waxkasta wadajir ayaan ku sameeynaynay waxkasta, waan isla cuneynay, waan isla cabeynay, waana isla quuseynay,” ayay tiri Asma

Asma Xuseen Gidaar waalideed bilowgii lama rabin shaqadan laakiin hadda way ku faanaan.

“Maalintii ugu horreysay ee aan u soo bandhigayay waalidkeyga wey ii cabsoodeen oo sidaan ognahay waalidka waa beer, waxayhooyadeey igu tiri iska joog, anna waxaan ku iri wax dhibe ma jiro oo wiil asxaabteyda ah oo aan iska shaqeyno baan iskula jirnaa marka ha ii cabsanin kaalinteydana waan ka soo bixi, markii ayay ii duceysay ilaa hadana ducadeeda ayaan ku joogaa,” ayay sidoo kale u sheegtay BBC-da.

Badda Jabuuti

Asma oo dhanka kale ka hadashay waxa ay mustaqbalka naawilayso ayaa sheegtay inay halka ay hadda kaga jirto ciidanka ilaalada xeebaha ay ka gaarto meel ka sii sarreeyso.

“Waxaan hiigsanayaa inaan meel sare ka gaaro oo aan tabarkana sii wado oo aan dadkana u sii wado oo aan hablaha qeyrkeyga ah ku irahdo soo dhowaada, tabarkana waa uu idiin furan yahay aad iyo aad baan ugu faraxsanaan lahaa in hablaheena ay ka soo qeyb galaan ciidanka ilaalada xeebaha gaar ahaan kuwa quusa waana ku dhiirra-gelinayaa.”

Asma macalinkeedii haddana ah sarkaalka hoggaamiya kooxda quusta ee ciidamada badda Abtidoon Yaayuu Xasan baduul ayaa isna ka warramay hibadii Asma iyo kartidii ay uga mid noqotay ciidamada badda gaar ahaan kuwa quusa. Waxa uu sheegay inuu gacan siiyay ka dib markii uu arkay in Asma ay jeceshahay badda ayna hadda ka soo baxday kaalinteedii.

Asma Xuseen