Afar arrin oo lama filaan ah oo dhacay ka hor shaacinta natiijada doorashada Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya iyadoo ay soo baxayeen muuqaalo ay xiisad ka muuqato iyo kala qeybsanaan soo kala dhex gashay xubnaha sarsare ee guddiga doorashada.

Waxaa uu si dirqi ah kaga adkaaday ninka la tartamayey ee Raila Odinga, isagoo helay 50.5% codadkii la dhiibtay, sida ku cad natiijada rasmiga ah.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chibukati oo natiijada kaga dhawaaqay xarunta Bomas ayaa sheegay in guddiga ay caqabado badan oo la soo gudboonaaday ka soo gudbeen.

Hadaba intii aan natiijada la shaacin waxaa dhacay afar arrimood oo lama filaan ahaa.

Jahwareer ka dhacay xarunta Bomas

Intii aan natiijada lagu dhawaaqin ka hor ayaa waxaa buuq iyo jahwareer uu ka dhacay xaruntii natiijada looga dhawaaqi lahaa ee Bomas.

Waxaa la arkayay xarunta oo buuq, sawaxan iyo is jii-jiid uu ka socday iyadoo la arkayay iyadoo kuraas la isku tuurayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in laba ka mid ah xubnaha sarsare ee guddigiisa ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii guddoomiyaha guddiga doorashada uu soo yaraha daahay islamarkana saacaddii loo qabtay shaacinta natiijada la dhaafay.

Waxaa la arkayay qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo kuraas iyo waxyaabo kale isku tuuraya.

Guddiga doorashada oo kala qeybsamay Daqiiqado ka hor intaan lagu dhawaaqin natiijada, guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada, Juliana Cherera, ayaa sheegtay in iyada iyo saddex xubnood oo kale oo ka mid ah guddiga doorashada aysan "shaqo ku lahayn" natiijada. Waxaa guddoomiyaha barbar-taagnaa saddex xubnood oo kale oo guddiga ka tirsan oo ku sugnaa huteel ku yaalla bartamaha Nairobi iyagoo isaga soo baxay halkii looga dahwaaqi lahaa natiijada. Guddiga doorashada Kenya ayaa waxay ka kooban yihiin 7 xubnood. Kala qeybsanaanta guddiga doorashada ayaa waxay sare u sii qaaday walaacii ay qabeen shacabka Kenyanka. Sharciga doorashada ayaa xaq u siinaya guddomiyaha guddiga doorashada shaacinta natiijada doorashada madaxwaynanimada. Wafula Chebukati ayaa doorkiisa qaatay islamarkana Mr Ruto ayaa noqanaya madaxwaynaha xiga marka uu Uhuru xilka ka dego.

Kooxda Raila oo natiijada ka biya diiday Saacad ka hor inta aan natiijada la shaacin ayaa xubna ka tirsan isbahaysiga Raila Oding waxaa ay sheegeen in khaladaad badan uu doorashada ku jiro.

Xubnaha isbahaysiga Odinga ayaa waxay sheegeen in doorashada lagu shubtay islamarkana aysan aqbalayn. Eedeynta ku shubashada ayaa waxay sii kordhisay walaaca ay natiijada ka qabeen shacabka Kenya. Raila Odinga isaga shaqsiyan wali si toos ah ugama hadlin natiijada doorashada.

Raila Odinga oo ka maqnaa xarunta natiijada Rai'sul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ahaana musharaxii tartanka madaxwaynanimada ee isbahaysiga Azamio ayaa ka maqnaa xarunta Bomas ee looga dhawaaqay natiijada. Odinga ayaa muddo saacado ah la sugayay in uu goobta soo gaaro, balse taasi ma dhicin oo goobta wuu ka maqnaa.

Si rasmi ah looma sheegin sababta uu uga maqnaa goobta lagu shaacinayay natiijada.

Raila Odinga ayaa xilka madaxwaynanimada u tartamayay markii shanaad.