You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Fannaan caan ah oo neceb hees uu horay u qaaday
Bashiir Cali Xuseen oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Soomaalida ayaan ka wareysannay taariikhda fankiisa iyo guud ahaan xaaladda fanka ee yeelatay waji ka duwan kii ay kusoo billaabeen fannaaniintii hore.
Magaciisu waxa uu soo shaac baxay horaantii 1970-meeyadii, xilligaas oo uu kaalinta koowaad ka galay barnaamijkii heesaha hirgalay.
Heesaha sida weyn loo yaqaanno ee uu qaaday Bashiir Cali Xuseen waxaa ka mid ah Maryan, Arji iyo kuwo kale oo isugu jira jacayl iyo waddani.
Heestii iigu horreysay waxaan qaaday 1971-kii, [waxay ahayd hees aan masrax la tagay ku tartamay heesihii hirgalay oo nasiib wanaag ii suurtagelisay inaan kaalinta koowaad noqdo," ayuu yiri Bashiir.
Heestaas ayaa ahayd mid waddani ah iyadoo xilligaasna aad loo xiiseyn jiray heesaha waddaniga ah, sida uu sheegay Bashiir Cali Xuseen.
Hees uu neceb yahay Bahsiir
Mid ka mid ah heesaha caanka ah ee uu ku luuqeeyay fannaankan caanka ah waxaa lagu magacaabaa "Jirjiroole Dumar".
Bashiir waxa uu sheegay in heestaas uusan hadda jecleyn in uu qaado, inkastoo uu sheegay in aysan ahayn mid lagu weerarayo dumarka oo dhan.
"Waxay quseysaa mujtamaca jirjiroolaha keliya. Inkastoo ay dumar gadaal ka raacsan tahay micnaheedu ma aha dumarka oo dhan, waa intii jirjiroole ah oo keliya," ayuu yiri.
Bashiir ayaa intaas ku daray in heestan uu ka xishoodo qaadisteeda.
"Waagii hore aad ayaan ugu qanacsanaa waana jeclaan jiray [heestan] balse hadda maba qaado, waaban ka xishoodaa, marka aan dad ka hor qaadayo waxaaban u heystaa in dadku ila yaabayaan," ayuu yiri.
Bashiir Cali Xuseen ayaa hadda weli qeyb ka ah fanka, waxa uuna badanaa qoraa buugaag loogu talogalay bulshada.