Saddex qaab oo aad carruurtaada uga reebi karto saaxiibbada xun

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Yasmin Rufo
Ma jeclaan doontid dhammaan saaxiibbada carruurtaada, ha dhowaato ama ha dheeraato, ilmahaagu wuxuu guriga keeni doonaa saaxiib aanad ku qancin.
Waxaa laga yaabaa inay edeb daran yihiin, kalsooni badan qabaan ama ay caado u leeyihiin inay iska cunaan cunnada guriga taalla iyaga oo aan waxba ku weydiin. Ama waxaa laga yaabaa inay taasi ka qoto dheer tahay oo aad dareento inaysan u fiicneyn ilmahaaga.
Way fududdahay in aad u sheegto ilmahaaga in aanay la socon karin saaxiib, laakiin taasi inta badan ma xalliso dhibaatada.
Tababaraha waalidnimada Sue Atkins iyo hooyada afar carruur iyo majaajiliistaha Ria Lina waxay kula wadaagayaan saddex siyaabood oo aad tan u dhex mari karto adigoon iska fogeyn ilmahaaga.
1. Dib u eeg sababta aadan u jecleyn
Ma wax adag baa sida xushmad-darro, dabeecad caga-jugleyn ama khatar ah, amaba ilmuhu keliya si khalad ah ayuu kuu barayaa saaxiibkiis?
Atkins ayaa sheegeysa inay mudan tahay in is qiimeyn yar la sameeyo kahor inta aan falcelin la bixin iyadoo muhiim ay tahay in lakala saaro waxa kaa xanaajinaya io waxa dhibka ah.
Haddii ay tahay khatar mudan in la eego sida dabeecad halis ah markaas waa waqtigii aad soo dhex geli lahayd arrinta, balse haddii arrintu ay tahay wax dhanka dabeecadda ah, adigu waad qaabeyn kartaa dabeecadda aad dooneyso inaad ka aragto saaxiibbada ilmahaaga.
Tan waa waxa Lina, oo majaajiladeeda aalaaba ay ku saabsan tahay korinta afar carruur ah, ay mar walba sameyso.
"Marka cunug uu igu hoos nool yahay, waxay raacaan waxa aan doonayo," ayay tiri.
"Waxaan u sheegaa carruurteyda inaysan cagahooda saarin kuraasta baska haddii ilmaha kale ee gurigeyga yimaada ay sameynayaan, markaa waxaan u sheegaa sidoo kale inaysan cagahooda saarin."
Lina ayaa sheegtay in sababta aadan u jecleyn saaxiibbada carruurtaada ay aalaaba tahay "isku dhaca qiyamka" waaliddiinta kale.
"Waxaa isoo maray xilliyo aan ku fekerayay, cunuggan wuxuu cunuggeyga ka dhigayaa qof xun balse taasi aalaaba ma aha khaladka ilmahaas.".
Mararka qaar inaad la hadasho waalidka ilmahaas ayaa gacan ka geysan kara inaad meel dhexe isugu timaaddaan taasoo ay labada waalidba raalli ka yihiin, ayay tiri.
2. Ka hadal, haka joojin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa ugu xun ee aad sameyn karto ayaa ah inaad ilmahaaga ka joojiso inay arkaan saaxiibkood "kama caawineysid inay asxaab wanaagsan yeeshaan umana sharraxeysid sababta ay u tahay inaysan waqti la qaadan cunuggaas," ayay tiri Atkins.
Inaad aad ugu adadkaato "adiga ayay kugu soo laaban kartaa cunuggaaga ayayna u badan tahay inuu in badan waqti la qaato saaxiibkaas isagoo kugu xumeynaya."
Waa inaad cunuggaaga weydiisaa sababta ay ku jecel yihiin saaxiibkaas - waxa guud ee ay wadaagaan? Maxay ka helaan inay wadajir u sameeyaan?
Inaad dhegeysato lama micno aha inaad aqbaleyso saaxiibtinimadooda balse waxay gacan ka geysaneysaa inay kalsooni idinka dhex abuurto.
"Markaad kala hadleyso, xilliga u dooro si taxadar leh," ayay tiri Atkins. "Iska eeg qaabka codkaaga iyo luqadda jirkaaga sababtoo ah haddii aad si adag ula hadasho amaba aad xukmiso, way kaa aamusi doonaan.
"Waxaan dooneysaa inaad buundooyin dhisto, ma aha derbi."
Lina ayaa sheegtay inay muhiim tahay inaad cunuggaaga u sheegto "inaadan aqbaleyn dabeecad gaar ah oo aadan dooneyn inaad aragto iyagoo qof kale ka koobiyeynaya," ayay intaa raacisay.
3. Ballaari tirada asxaabta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii cunuggaagu uu u muuqdo inuusan ka bixi karin saaxiibtinnimada aadan adigu dooneyn, si deggan u ballaari asxaabtiisa.
"Bar saaxiibbo kale," ayay leedahay Atkins. "Casuum carruurta ay qaraabada yihiin, haku biiraan kooxaha cayaaraha amaba kuwa wadajirka loo qabto iskuulka kadib - wax walba oo caawin kara inay asxaab cusub la kulmaan.
Sidoo kale waa muhiim in la xusuusnaado in saaxiibtinnimo kasta aysan ahayn mid wleigeed jireysa isla markaana ay carruurtu marxalado kala duwan maraan.
Waxa ugu wanaagsan ee aad sameyn karto ayay sheegeen inay tahay qaabeynta nooca saaxiibtinnimada aad dooneyso inay carruurtaadu la yeesho carruurta kale.













