You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaaliya iyo Israa'iil maxay ka yiraahdeen in xiriir ka dhaxeeyo?
Saacadihii la soo dhaafay waxaa faafay warar ku saabsan in xirir uu dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Israa'iil, kaas oo siyaabo kala duwan looga hadlay.
Haddaba Sidee wax u jiraan?
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil, Sharren Haskel, oo waraysi siisay Telefishinka i24 oo laga leeyahya Israa'iil ayaa wax laga waydiyay in ay xiriir la leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo in kale.
Sharren Haskel, ayaa sheegtay "in si suun xiriir u jiro", hase yeeshee si qoto dheer uma aysan faahfahain xiriirka inta uu la egyahay, goorta uu bilowday iyo cidda ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ay xiriirkaasi sida gaarka ah ula sameyeen.
Waxey ku tilmaantay xaaladda Soomaaliya mid halis ah oo saameyn ku leh gobolkam amr ay ka hadlaysay ururada argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya.
Dhowr jeer ayaa lagu celiyay su'aasha ku saabsan in Israa'iil xiriir la leedahay Soomaaliya, balse waxay ku gaabsatay in si uun xiriir u jiro.
Waxey muujisay in Israa'iil adduunka oo dhan ay xiriir la leedahay si gaar ah qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxey xusaty in Soomaaliya ay ka jiraan kooxo Islaamiyiin ah sida al-shabaab, kuwaas oo dhibaatadoodu saameyn karto qaybo badan oo dunida ka mid ah sida ay hadalka u dhigtay.
Wuxuu hadalkeedu u muuqday in khataraha kooxaha Islaamiyiinta ah ay yihiin wax dalalka wada quseeya marka ay timaaddo in laga hortago.
" Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta wuxuu Soomaaliya ku riixayaa in saameyn weyn uu ku yeellan doona dhaqaalaha, kalluumeysiga, marinada badda, maraakiibta, iyo alaabaha ka gudbaya halkaas.".
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay horraantii sanadkan ayaa lagu xusay "xiriir sii kordhaya" ee u dhexeeya dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab ee ka jira marin biyoodka Bab el-Mandeb, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin nooca xiriirkaasi yahay.
Soomaaliya maxey ka tirir in ay xiriir la sameysay Israa'iil?
BBC-du waxey xiriir la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya hase-yeeshee kama aysan jawaabin farrinteenna, taasoon ku dooneynay in aan ku ogaanno dhanka dowladda Soomaaliya xiriirkaasi in uu jiro iyo in kale .
Balse Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Cali Cumar Balcad (Cali Balcad) oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta dhanka Online-ka ah ee HBN Online TV ayaa sheegay in Soomaaliya aysan la lahayn "wax xiriir rasmi ah ama mid siyaasadeed Israa'iil, isla markaana mowqifka dowladda federaalka uu yahay mid cad oo aan isbeddelin.
Inkasta oo warkaani koobanyahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya horey waxay marar kala duwan ka hadashay arimaha Israa'iil gaar ahaan Qasa ee u dhaxeysa Israa'iil iyo Xamaas, taas oo sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ugu liita caalamka.
Waxay sheegtay in xalku ku jiro laba dowladood oo kala madax bannaan oo Falastiin iyo Israa'iil kala ah . Sido kale dowladda Soomaaliya dhowr jeer ayay cambaareysay weeraradda iyo barakicinta dadka Falastiiniyiinta ah ee ay gaysanayaan ciidamada Israa'iil.
Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale taageeray xabad joojinta ka dhacday Qasa waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan xuquuqda Falastiiniyiinta.